Suuradda Ash-Sharh الشرح

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

أَلَمۡ نَشۡرَحۡ لَكَ صَدۡرَكَ ١

Alam nashrah laka sadrak

1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?

وَوَضَعۡنَا عَنكَ وِزۡرَكَ ٢

Wawada'nā 'anka wizrak

2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa 1,

ٱلَّذِيٓ أَنقَضَ ظَهۡرَكَ ٣

Alladhī anqada zahrak

3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,

وَرَفَعۡنَا لَكَ ذِكۡرَكَ ٤

Warafa'nā laka dhikrak

4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?

فَإِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرًا ٥

Fa inna ma'al-'usri yusrā

5. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj.

إِنَّ مَعَ ٱلۡعُسۡرِ يُسۡرٗا ٦

Inna ma'al-'usri yusrā

6. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj.

فَإِذَا فَرَغۡتَ فَٱنصَبۡ ٧

Fa idhā faraghta fansab

7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).

وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرۡغَب ٨

Wa ilā rabbika farghab

8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Ash-Sharh?

Suuradda Ash-Sharh waxay leedahay 8 aayadood. Waa suuradda 94 ee Qur'aanka.

Suuradda Ash-Sharh ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Ash-Sharh waa suurad Makki ah.

Suuradda Ash-Sharh juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Ash-Sharh waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Ash-Sharh?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.