وَٱلضُّحَىٰ ١
Wad-duhā
1. Waxaan ku dhaartay Barqada.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلضُّحَىٰ ١
Wad-duhā
1. Waxaan ku dhaartay Barqada.
وَٱلَّيۡلِ إِذَا سَجَىٰ ٢
Wallayli idhā sajā
2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).
مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ ٣
Mā wadda'aka rabbuka wamā qalā
3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.
وَلَلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لَّكَ مِنَ ٱلۡأُولَىٰ ٤
Walal'ākhiratu khayrul laka minal-ūlā
4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).
وَلَسَوۡفَ يُعۡطِيكَ رَبُّكَ فَتَرۡضَىٰٓ ٥
Walasawfa yu'tīka rabbuka fatardā
5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.
أَلَمۡ يَجِدۡكَ يَتِيمٗا فَـَٔاوَىٰ ٦
Alam yajidka yatīman fa'āwā
6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?
وَوَجَدَكَ ضَآلّٗا فَهَدَىٰ ٧
Wawajadaka dāllan fahadā
7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?
وَوَجَدَكَ عَآئِلٗا فَأَغۡنَىٰ ٨
Wawajadaka 'ā'ilan fa aghnā
8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?
فَأَمَّا ٱلۡيَتِيمَ فَلَا تَقۡهَرۡ ٩
Fa ammal-yatīma falā taqhar
9. Ee agoon, ha dhibin.
وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنۡهَرۡ ١٠
Wa ammas-sā'ila falā tanhar
10.Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.
وَأَمَّا بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثۡ ١١
Wa ammā bini'mati rabbika fahaddith
11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi).
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Ad-Duha waxay leedahay 11 aayadood. Waa suuradda 93 ee Qur'aanka.
Suuradda Ad-Duha waa suurad Makki ah.
Suuradda Ad-Duha waxay ku jirtaa juz' 30.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.