وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيۡتُونِ ١
Wat-tīni waz-zaytūn
1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka 1.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيۡتُونِ ١
Wat-tīni waz-zaytūn
1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka 1.
وَطُورِ سِينِينَ ٢
Watūri sīnīn
2. Iyo Buurta Siinaay 2.
وَهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ٱلۡأَمِينِ ٣
Wahādhal-baladil-amīn
3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' 3,
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِيٓ أَحۡسَنِ تَقۡوِيمٖ ٤
Laqad khalaqnal-insāna fī ahsani taqwīm
4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
ثُمَّ رَدَدۡنَٰهُ أَسۡفَلَ سَٰفِلِينَ ٥
Thumma radadnāhu asfala sāfilīn
5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya 4.
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ ٦
Illal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti falahum ajrun ghayru mamnūn
6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعۡدُ بِٱلدِّينِ ٧
Famā yukaddhibuka ba'du bid-dīn
7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَحۡكَمِ ٱلۡحَٰكِمِينَ ٨
Alaysallāhu bi ahkamil-hākimīn
8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta 5?
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda At-Tin waxay leedahay 8 aayadood. Waa suuradda 95 ee Qur'aanka.
Suuradda At-Tin waa suurad Makki ah.
Suuradda At-Tin waxay ku jirtaa juz' 30.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.