Dikriga ugu fiican: SubhaanAllaah, Alxamdulillaah, Laa ilaaha illallaah

Erayo gaagaaban oo dikri ah oo ajar weyn leh, wakhti kasta oo maalinta ah.

1 Hal mar

لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ

Macnaha iyo isha

Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah".

Waxaa wariyay At-tirmidi, An-nisaa'i oo Sunan kubraa ah iyo Ibnu Maajah Darajada: Xadiis Xasan ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa Ilaaha ilaa Allaah, oo macnaheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Alxamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.

Faa'iidooyin

  • Waxaa la isku boorinayaa in lagu badiyo dikriga Ilaahay erayga towxiidka, ducadana erayga Alxamdu lillaah.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ

Macnaha iyo isha

Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa.

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Ilaahay inuu hadalka Afar ugu jecel yahay:

Subxaana Allaah: waxayna tahay Ilaahay wuu ka nasahan yahay wax kastoo nusqaan ah.

Alxamdu lillaahi: Ilaahay wuxuu ku sifoobay kaamilnimo taam ah oo ay la socoto waynayntiisa iyo jeclaantiisa.

Laa ilaaha ilaa Allaah: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allah.

Allaahu Akbar: Ilaahay ayaa ka weyn oo ka cisi badan, oo ka sharaf badan cid kasta.

Fadliga ereyadan iyo ajarkooduba kuma xirna inay iskugu xigaan, marka lagu dhawaaqayo.

Faa'iidooyin

  • Shareecada Islaamku way fududahay dhibna kuma jiro ereyadaan kii aad ka bilowdo.

Ka akhri HadeethEnc.com

3 Hal mar

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ، سُبْحَانَ اللَّهِ الْعَظِيمِ

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Labo eray oo ku fudud Carabka, kuna culus Miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay: waa: Subxaana Allahi Alcadiim, Subxaana Allahi wa Bixamdihi."

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay laba eray oo dadku u oran karaan si fudud iyo xaalad kasta oo ay joogaan, oo ajarkoodu ku wayn yahay miisaanka, Rabigeena Raxmaankuna jecel yahay.

Subxaana Allaahi Alcadiim, Subxaan Allaahi wa Bixamdihi, ereyadaani Ilaahay waxay ku sifaynayaan waynaan iyo kaamilnimo, iyo in Ilaahay laga nasaho nuqsaanta isagaa sareeyee.

Faa'iidooyin

  • Dikriga ugu wayn waa in lagu kulmiyo Ilaahay nasahnaantiisa iyo amaantiisa.
  • Waxaa cad Ilahay Raxmadiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa, camal yar ayuu ku abaal marinayaa ajar weyn.

Ka akhri HadeethEnc.com

4 Hal mar

سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadaan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin Aduunyada iyo waxa dhex yaalla, oo ah:

"Subxaana Allaah" Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan.

"Alxamdu lillaahi" Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynaantiisu la jirto.

"Laa ilaaha Ilaa Allaah" ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn.

"Allaahu akbar" Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.

Faa'iidooyin

  • Waxaa laysku boorinayaa dikriga Ilaahay, isagaana laga jecel yahay waxay Qoraxdu u soo baxdo.
  • Waxaa laysku boorinayaa in la badsado dikriga Ilaahay, ajarka iyo fadliga ku jira awgeed.
  • Raaxada Aduunyadu waa wax yar macaankeeduna wuu tagayaa.

Ka akhri HadeethEnc.com

5 100 jeer

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhaha Maalintii boqol jeer: "subxaana Allaahi wa bixamdihii" waa laga tirtiraa oo loo dhaafaa dambigiisa, haba badnaado sida xoorta cad ee Badda dul saaran marka Baddu kacsan tahaye.

Faa'iidooyin

  • Ajarkaa waxaa helaya Qofka u dhaha Maalintii si xiriir ah ama si aan xiriir ahaynba.
  • Tasbiixdu: waa Ilaahay oo laga hufo nusqaanta, Xamdiguna: waa Ilaahay oo lagu sifeeyo kaamilnimo isagoo la jecel yahay oo la waynaynaayo.
  • Ujeedada Xadiisku waa in dambiga yar la dhaafayo, danbiga waynse waxaa lagama maarmaan ah in laga towbad keeno.

Ka akhri HadeethEnc.com

6 Hal mar

لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، اللهُ أَكْبَرُ كَبِيرًا، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ كَثِيرًا، سُبْحَانَ اللهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ، لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ

Macnaha iyo isha

Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: i bar hadal aan dhoho, wuxuuna ku yiri: "dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim" wuxuu yiri -ninkii-: hadalkaani rabbigay ayaa lehe maxaan anigu leehay? wuxuu yiri-Rasuulku-: "waxaad tiraahdaa: Allahuma aqfir lii (Allahayow ii dambi dhaaf), warxamnii (ii naxariiso), wahdinii (i hanuuni), warsuqnii (i irsaaq)".

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nin reer Baadiye ah ayaa waydiiyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro wardi uu akhristo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: ''laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu'' wuxuu ku bilaabay shahaadada towxiidka Ilaahay, oo macneheedu yahay: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay wayne ahayn, ''Allaahu akbar kabiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayaa ka wayn wax walba, ''Al-xamdu lilaahi kasiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayey mahad badani u sugnaatay, waxay ugu sugnaatay sifooyinkiisa, ficilladiisa iyo nicmooyinkiisa aan la koobi karin, ''Subxaana Allaah Rabbil-caalamiin'' (Ilaahayga Rabul caamiinka ah ayaa nusqaan oo dhan ka nasahan). Macnaha: Ilaahay wuxuu ka nasahan yahay oo ka dahiran yahay nusqaan oo dhan, ''laa xawla walaa quwata illaa billaah Al-casiisul xakiim'' (xeelad iyo xoog ma laha cidaan ahayn Allaha Casiiska ah oo Xakiimka ah" macnaha: majirto cid xaalad taagan xaalad kale u badali karta in Ilaahay u gargaaro oo waafajiyo mooyee'' ninkii ayaa yiri: Ereyadaan Ilaahay ayey u sugnaadeen waana xuskiisa iyo waynayntiisa, ee maxaan anigu lee yahay oo aan naftayda ugu ducaystaa? Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa: '' Allahayow ii dambi dhaaf'' oo iga tir-tir dambiyada oo iga Astur, ''iina naxariiso'' Adigo i soo gaarsiinaya nafaca iyo masaalixda diineed iyo tan aduunba, ''oo xaqa igu hanuuni'' oo igu hag waxa wanaagsan iyo jidka toosan , '' oo i irsaaq'' maal xalaal ah, caafimaad, kheyr kasta iyo caafiyah.

Faa'iidooyin

  • Waxaa lagu boorinayaa dadka Ilaahay oo ay ku xusaan tahliil ( laa ilaaha Ilaa Allaah), takbiir (Allaahu akbar), taxmiida (Al-xamdu llillaah), tasbiix (subxaana Allaah).
  • Waxaa sune ah xuska Ilaahay iyo amaantiisa ducada ka hor.
  • Waxaa sune ah inuu qofku ku ducaysto ducada ugu wanaagsan, ee saalixiinta laga soo gaaray oo kulminaysa khayrka aduun iyo kan aakhiro, wuuna ku ducaysan karaa qofku wuxuu doono.
  • Waxaa qofka ku haboon inuu ku dadaalo barashada waxa anfacaya aduunyada iyo aakhiraba.
  • Waxaa lagu boorinayaa -qofka mu'uminka ah- inuu Ilaahay ka baryo dambi dhaaf, naxariis, risiqi, intaasi waxay kulmisay khayrka.
  • Nabiga naxariistiisa waxaa ka mida inuu Ummaddisa baro wixii anfacaaya.
  • Raxmada ayaa la sheegay maqfirada ka dib si ay u kaamil noqoto daahirnimadu, maqfiradu waa danbiga oo la asturo oo la tirtiro oo qofka naarta laga fogeeyo, Raxmadu waa khayrka oo la gaarsiiyo oo janada la galiyo, taasina waa liibaanta wayn.

Ka akhri HadeethEnc.com

7 Hal mar

Macnaha iyo isha

Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, Sadaqaduna Qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, Qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu Naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid Naftiisa xoreeya ama halaaga".

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dahaarada muuqataa ay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay Salaada. Erayga Alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana amaanta Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, iyo in lagu sifeeyo sifaadka kaamilka ah, Maalinta Qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa Ilaahay oo laga hufo wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kaamilnimo oo dhan, taasoo u qalanta ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaadu nuur ayey u tahay Adoonka Qalbigiisa, Wejigiisa, Qabrigiisa, iyo markuu Maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay Muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay Iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo balan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana Naftoo laga xabiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika Qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka Nafta iyo in loo diido waxay rabto, Qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa in lagu sabro daadcada Ilahay, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Aduunka oo loo adkaysto. Qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafiyaan oo hurdadooda ka toosayaan oo Guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah Qof ku toosan daacada Ilaahay oo Naftiisa Naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo Naftiisa Naar ku halaagaya.

Faa'iidooyin

  • Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, Iimaanka iyo camalka saalixa ah.
  • Muhimad ayey leedahay ilaalinta Salaadu, Adoonka Salaadu waxay u tahay nuur Aduunka iyo Maalinta Qiyaameba.
  • Sadaqaduna waxay daliil u tahay in Iimaanku run yahay.
  • Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
  • Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
  • Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, Qofku daacada Ilaahay ayuu Naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu Naftiisa ku halaagin.
  • Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Dikriga ugu fiican: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Sidee ayuu tiriyuhu u shaqeeyaa?

Taabo tiriyaha ka hooseeya dikriga, wuxuuna hoos ugu tirinayaa eber. Wuxuu ku jiraa boggan oo keliya, waxbana lama kaydiyo.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.