Ducada dambi dhaafka (istighfaarka)

Sayyidul Istighfaar iyo erayada kale ee Sunnada ee dambi dhaaf lagu weydiisto.

1 Hal mar

اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ وَأَنَا عَلَى عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَ عَلَيَّ وَأَبُوءُ لَكَ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي فَإِنَّهُ لَا يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا أَنْتَ

Macnaha iyo isha

Shadaad Binu Aws Allaha ka rali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Sayidka istiqfaartu waa inaad tiraahdo: Allahayow adigaa Rabigay ah Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray ana Adoonkaagii ayaan ahay waxaan ku taagnahay balantaada iyo balan qaadkaaga intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa waxaan sameeyey Shartooda, waan qirsanahay Nicmooyinka aad i siisay, waan kaaga towbadkeenay danbigayga ee ii dhaaf, adiga maahee cid kale danbiyada ma dhaaftee" wuxuu yiri: " Qofkii yiraahda Maalintii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Maalintaas galabtii ka hor waa Ehlu Jano, Qofkii yiraahda Habeenkii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Habeenkaas inta aan waagu baryin, waa Ehlu Jano".

Waxa wariyay Albukhaari Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in istiqfaartu ay leedahay Ereyo, kuwa ugu fadliga badana ay yihiin inuu Adoonku dhoho: ''Allahayow, adaa Rabigay ah, Ilaah aan adiga ahayni majiro, waad i abuurtay ana Adoonkaagaan ahay, waxaanan ku jiraa balankaagii iyo balan qaadkaagii inta aan awoodo, waxaan kaa magan galayaa Sharka aan sameeyo dhibkiisa, waxaan kuu ogsoonahay oo qiraya Nicmooyinka aad i siisay, waxaan qirsanahay dambigayga, Allahayow ii dambi dhaaf, mid aan Adiga ahayn oo dambiga dhaafi karaa majiree'' Marka hore Adoonku wuxuu u qirayaa towxiidka, iyo in Ilaahay abuuray oo uu caabudayo isagoon cidna la wadaajin, oo Addoonku ku kusugan yahay wuxuu Ilaahay kula ballamay ee iimaan iyo u hoggaansan Ilaahay ah kolba inta Awooddiisu tahay, waayo Adoonku sikasta oo uu u cibaadaysto haddana lama iman karo dhamaan wixii Ilaahay faray ee cibaado ah, iyo inuu guto mahadnaqii looga baahnaa ee Nicmooyinka Ilaahay, Adoonku llaahay buu cuskadaa, Diintiisana qabsadaa, Isaguuna Adoonku ka hoos galaa Sharka ay Naftiisu samayso. Ilaahay ayuu u qirayaa Nicmada uu siiyey, wuxuu Naftiisa ula noqonayaa inuu qirto oo citiraafo gafkiisa iyo dambigiisa. Codsigaa uu Ilaahay u jeediyey ka dib, Adoonku wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, oo uu u asturo dambiyadiisii oo kaga Ndiifiyo dembiyada cafiskiisa, fadligiisa iyo naxariistiisa, waayo cid aan Ilaahay wayne kor ahaaye ahayn oo dambiyada Adoomada dhaafi karta majirto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ka mid tahay wardiga Subaxa iyo Habeenka, Qofka akhriya bilawga Maalinta isagoo yaqiinsan macneheedana dhadhan sanaya rumaysana, inta u dhaxaysa Qorax soo baxa ilaa Sawaalka -oo ah markay bartamaha Samada u yara dhaafto wax yar Qoraxdu xagga Qorax dhaca-, waana waqtiga Maalinimada ah ee sidaa ku dhinta Janaduu gelayaa. Qofka Habeenka akhriyana, waana Qorax dhaca ilaa soo bixitaanka Fajarka, oo sidaa ku dhinta intaanu Waabariisan Janaduu gelayaa.

Faa'iidooyin

  • Siiqadaha loo istiqfaarsado way kala duwan yihiin, qaarba qaarka kale ka fadli badan.
  • Waxaa la gudboon Adoonka inuu ku dadaalo baryada uu Ilaahay baryo inuu ducadaa ku baryo, waayo waa Boqorka istiqfaarta.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

Macnaha iyo isha

Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rabigi wuxuu ka wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay Adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba Dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu Dambi dhaafaye".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Rabigii ka wariyey inuu Adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: Adoonkaygaa Dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa Dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu Dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday Adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii Dambi dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu Dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, Dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo Dambaabayo kana tawbo keenayo waan u Dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.

Faa'iidooyin

  • Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.
  • Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
  • Shuruuda towbada ee sexda ahi waa: Dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban Dambiga, hadayse tahay towbadu Dulmi laga galay Adoomada, sida Maalka, Cirdiga-Sharafka Qofka, iyo Naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga Qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
  • Muhimad ayey leedahay Aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa Adoonka mid aqoon u leh Diintiisa oo mar walba oo uu Dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin Dambiga.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Ducada dambi dhaafka: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.