Suuradda An-Nisa النساء

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

4:1

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَخَلَقَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَبَثَّ مِنۡهُمَا رِجَالٗا كَثِيرٗا وَنِسَآءٗۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِي تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلۡأَرۡحَامَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيۡكُمۡ رَقِيبٗا ١

Yā'ayyuhan-nāsut-taqū rabbakumul-ladhī khalaqakum min nafsin wāhidatin wakhalaqa minhā zawjahā wabattha minhumā rijālan kathīran wanisā'an wattaqullāhal-ladhī tasā'alūna bihī wal-arhāma innallāha kāna 'alaykum raqībā

1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada 1. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).

4:2

وَءَاتُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰٓ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَتَبَدَّلُواْ ٱلۡخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِۖ وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَهُمۡ إِلَىٰٓ أَمۡوَٰلِكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبٗا كَبِيرٗا ٢

Wa ātul-yatāmā amwālahum walā tatabaddalul-khabītha bit-tayyibi walā ta'kulū amwālahum ilā amwālikum innahū kāna hūban kabīrā

2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.

4:3

وَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تُقۡسِطُواْ فِي ٱلۡيَتَٰمَىٰ فَٱنكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۖ فَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تَعۡدِلُواْ فَوَٰحِدَةً أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُواْ ٣

Wa in khiftum allā tuqsitū fil-yatāmā fankihū mā tāba lakum minan-nisā'i mathnā wathulātha warubā'a fa in khiftum allā ta'dilū fawāhidatan aw mā malakat aymānukum dhālika adnā allā ta'ūlū

3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin 2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya 3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan 4. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.

4:4

وَءَاتُواْ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَٰتِهِنَّ نِحۡلَةٗۚ فَإِن طِبۡنَ لَكُمۡ عَن شَيۡءٖ مِّنۡهُ نَفۡسٗا فَكُلُوهُ هَنِيٓـٔٗا مَّرِيٓـٔٗا ٤

Wa ātun-nisā'a saduqātihinna nihlatan fa in tibna lakum 'an shay'im minhu nafsan fakulūhu hanī'an mmarī'ā

4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo kal samaan.

4:5

وَلَا تُؤۡتُواْ ٱلسُّفَهَآءَ أَمۡوَٰلَكُمُ ٱلَّتِي جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ قِيَٰمٗا وَٱرۡزُقُوهُمۡ فِيهَا وَٱكۡسُوهُمۡ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا ٥

Walā tu'tus-sufahā'a amwālakumul-latī ja'alallāhu lakum qiyāman warzuqūhum fīhā waksūhum waqūlū lahum qawlam ma'rūfā

5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin 5, kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.

4:6

وَٱبۡتَلُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُواْ ٱلنِّكَاحَ فَإِنۡ ءَانَسۡتُم مِّنۡهُمۡ رُشۡدٗا فَٱدۡفَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَأۡكُلُوهَآ إِسۡرَافٗا وَبِدَارًا أَن يَكۡبَرُواْۚ وَمَن كَانَ غَنِيّٗا فَلۡيَسۡتَعۡفِفۡۖ وَمَن كَانَ فَقِيرٗا فَلۡيَأۡكُلۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِذَا دَفَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡ فَأَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا ٦

Wabtalul-yatāmā hattā idhā balaghun-nikāha fa in ānastum minhum rushdan fadfa'ū ilayhim amwālahum walā ta'kulūhā isrāfan wabidāran an yakbarū waman kāna ghaniyyan falyasta'fif waman kāna faqīran falya'kul bil-ma'rūfi fa idhā dafa'tum ilayhim amwālahum fa ashhidū 'alayhim wakafā billāhi hasībā

6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan.

4:7

لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنۡهُ أَوۡ كَثُرَۚ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا ٧

Llir-rijāli nasībum mimmā tarakal-wālidāni wal-aqrabūna walin-nisā'i nasībum mimmā tarakal-wālidāni wal-aqrabūna mimmā qalla minhu aw kathura nasībam mafrūdā

7. Ragga waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad.

4:8

وَإِذَا حَضَرَ ٱلۡقِسۡمَةَ أُوْلُواْ ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينُ فَٱرۡزُقُوهُم مِّنۡهُ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا ٨

Wa idhā hadaral-qismata ulul-qurbā wal-yatāmā wal-masākīnu farzuqūhum minhu waqūlū lahum qawlam ma'rūfā

8. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya 6, kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.

4:9

وَلۡيَخۡشَ ٱلَّذِينَ لَوۡ تَرَكُواْ مِنۡ خَلۡفِهِمۡ ذُرِّيَّةٗ ضِعَٰفًا خَافُواْ عَلَيۡهِمۡ فَلۡيَتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلۡيَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدًا ٩

Walyakhshal-ladhīna law tarakū min khalfihim dhurriyyatan di'āfan khāfū 'alayhim falyattaqullāha walyaqūlū qawlan sadīdā

9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَأۡكُلُونَ أَمۡوَٰلَ ٱلۡيَتَٰمَىٰ ظُلۡمًا إِنَّمَا يَأۡكُلُونَ فِي بُطُونِهِمۡ نَارٗاۖ وَسَيَصۡلَوۡنَ سَعِيرٗا ١٠

Innal-ladhīna ya'kulūna amwālal-yatāmā zulman innamā ya'kulūna fī butūnihim nāran wasayaslawna sa'īrā

10. Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya.

يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِيٓ أَوۡلَٰدِكُمۡۖ لِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۚ فَإِن كُنَّ نِسَآءٗ فَوۡقَ ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَۖ وَإِن كَانَتۡ وَٰحِدَةٗ فَلَهَا ٱلنِّصۡفُۚ وَلِأَبَوَيۡهِ لِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٞۚ فَإِن لَّمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٞ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُۚ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخۡوَةٞ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِي بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍۗ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُكُمۡ لَا تَدۡرُونَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ لَكُمۡ نَفۡعٗاۚ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١١

Yūsīkumullāhu fī awlādikum lidh-dhakari mithlu hazzil-unthayayni fa in kunna nisā'an fawqathnatayni falahunna thuluthā mā taraka wa in kānat wāhidatan falahan-nisfu wali'abawayhi likulli wāhidim minhumas-sudusu mimmā taraka in kāna lahū waladun fa il lam yakul lahū waladun wawarithahū abawāhu fali'ummihith-thuluthu fa in kāna lahū ikhwatun fali'ummihis-sudusu mim ba'di wasiyyatin yūsī bihā aw daynin ābā'ukum wa abnā'ukum lā tadrūna ayyuhum aqrabu lakum naf'an farīdatam minallāhi innallāha kāna 'alīman hakīmā

11. Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig 7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay 8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle 9. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

۞ وَلَكُمۡ نِصۡفُ مَا تَرَكَ أَزۡوَٰجُكُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٞ فَلَكُمُ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡنَۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِينَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۚ وَلَهُنَّ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡتُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّكُمۡ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَكُمۡ وَلَدٞ فَلَهُنَّ ٱلثُّمُنُ مِمَّا تَرَكۡتُمۚ مِّنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ تُوصُونَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۗ وَإِن كَانَ رَجُلٞ يُورَثُ كَلَٰلَةً أَوِ ٱمۡرَأَةٞ وَلَهُۥٓ أَخٌ أَوۡ أُخۡتٞ فَلِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُۚ فَإِن كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمۡ شُرَكَآءُ فِي ٱلثُّلُثِۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصَىٰ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍ غَيۡرَ مُضَآرّٖۚ وَصِيَّةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٞ ١٢

Walakum nisfu mā taraka azwājukum il lam yakul lahunna waladun fa in kāna lahunna waladun falakumur-rubu'u mimmā tarakna mim ba'di wasiyyatin yūsīna bihā aw daynin walahunnar-rubu'u mimmā taraktum il lam yakul lakum waladun fa in kāna lakum waladun falahunnath-thumunu mimmā taraktum mim ba'di wasiyyatin tūsūna bihā aw daynin wa in kāna rajulun yūrathu kalālatan awimra'atun walahū akhun aw ukhtun falikulli wāhidim minhumas-sudusu fa in kānū akthara min dhālika fahum shurakā'u fith-thuluthi mim ba'di wasiyyatin yūsā bihā aw daynin ghayra mudārrin wasiyyatam minallāhi wallāhu 'alīmun halīm

12. Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn 10. Waa Amar ka yimid Alle. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.

تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١٣

Tilka hudūdullāhi waman yuti'illāha warasūlahū yudkhilhu jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā wadhālikal-fawzul-'azīm

13. Kuwakani waa xuduudaha Alle, qofkii adeecaa Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn.

وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُۥ يُدۡخِلۡهُ نَارًا خَٰلِدٗا فِيهَا وَلَهُۥ عَذَابٞ مُّهِينٞ ١٤

Waman ya'sillāha warasūlahū wayata'adda hudūdahū yudkhilhu nāran khālidan fīhā walahū 'adhābum muhīn

14. Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.

وَٱلَّٰتِي يَأۡتِينَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمۡ فَٱسۡتَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِنَّ أَرۡبَعَةٗ مِّنكُمۡۖ فَإِن شَهِدُواْ فَأَمۡسِكُوهُنَّ فِي ٱلۡبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلۡمَوۡتُ أَوۡ يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلٗا ١٥

Wallātī ya'tīnal-fāhishata min nisā'ikum fastashhidū 'alayhinna arba'atam minkum fa in shahidū fa amsikūhunna fil-buyūti hattā yatawaffāhunnal-mawtu aw yaj'alallāhu lahunna sabīlā

15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan 11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo 12.

وَٱلَّذَانِ يَأۡتِيَٰنِهَا مِنكُمۡ فَـَٔاذُوهُمَاۖ فَإِن تَابَا وَأَصۡلَحَا فَأَعۡرِضُواْ عَنۡهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّابٗا رَّحِيمًا ١٦

Walladhāni ya'tiyānihā minkum fa'ādhūhumā fa in tābā wa aslahā fa a'ridū 'anhumā innallāha kāna tawwābar rahīmā

16. Labadii la yimaada xumaan 13 ee idinka mid ah ciqaaba. Hadday tawbad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.

إِنَّمَا ٱلتَّوۡبَةُ عَلَى ٱللَّهِ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٖ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١٧

Innamat-tawbatu 'alallāhi lilladhīna ya'malūnas-sū'a bijahālatin thumma yatūbūna min qarībin fa ulā'ika yatūbullāhu 'alayhim wakānallāhu 'alīman hakīmā

17. Sideedaba Alle wuxuu aqbalaa tawbada kuwa u fala xume aqoon darri 14, ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaana weeye kuwa uu Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

وَلَيۡسَتِ ٱلتَّوۡبَةُ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ حَتَّىٰٓ إِذَا حَضَرَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ إِنِّي تُبۡتُ ٱلۡـَٰٔنَ وَلَا ٱلَّذِينَ يَمُوتُونَ وَهُمۡ كُفَّارٌۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا ١٨

Walaysatit-tawbatu lilladhīna ya'malūnas-sayyi'āti hattā idhā hadara ahadahumul-mawtu qāla innī tubtul-'ana walal-ladhīna yamūtūna wahum kuffārun ulā'ika a'tadnā lahum 'adhāban alīmā

18. Uma furna tawbad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa markay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan tawbad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا يَحِلُّ لَكُمۡ أَن تَرِثُواْ ٱلنِّسَآءَ كَرۡهٗاۖ وَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ لِتَذۡهَبُواْ بِبَعۡضِ مَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَعَاشِرُوهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِن كَرِهۡتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـٔٗا وَيَجۡعَلَ ٱللَّهُ فِيهِ خَيۡرٗا كَثِيرٗا ١٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā yahillu lakum an tarithun-nisā'a karhan walā ta'dulūhunna litadhhabū biba'di mā ātaytumūhunna illā an ya'tīna bifāhishatim mubayyinatin wa'āshirūhunna bil-ma'rūfi fa in karihtumūhunna fa'asā an takrahū shay'an wayaj'alallāhu fīhi khayran kathīrā

19. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad ku qaadataan haweenka dhaxal si khasab ah iyagoo dooneyn 15, hana xayirina si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (xaasaska) si wanaagsan oo jaceyl leh. Haddaad nacdaanna waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu Alle yeeli dhexdiisa khayr badan.

وَإِنۡ أَرَدتُّمُ ٱسۡتِبۡدَالَ زَوۡجٖ مَّكَانَ زَوۡجٖ وَءَاتَيۡتُمۡ إِحۡدَىٰهُنَّ قِنطَارٗا فَلَا تَأۡخُذُواْ مِنۡهُ شَيۡـًٔاۚ أَتَأۡخُذُونَهُۥ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا ٢٠

Wa in arattumustibdāla zawjim makāna zawjin wa ātaytum ihdāhunna qintāran falā ta'khudhū minhu shay'an ata'khudhūnahū buhtānan wa ithmam mubīnā

20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?

وَكَيۡفَ تَأۡخُذُونَهُۥ وَقَدۡ أَفۡضَىٰ بَعۡضُكُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ وَأَخَذۡنَ مِنكُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا ٢١

Wakayfa ta'khudhūnahū waqad afdā ba'dukum ilā ba'din wa akhadhna minkum mīthāqan ghalīzā

21. Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu galmooday, oo ay idinka qaadeen axdi adag?

وَلَا تَنكِحُواْ مَا نَكَحَ ءَابَآؤُكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۚ إِنَّهُۥ كَانَ فَٰحِشَةٗ وَمَقۡتٗا وَسَآءَ سَبِيلًا ٢٢

Walā tankihū mā nakaha ābā'ukum minan-nisā'i illā mā qad salafa innahū kāna fāhishatan wamaqtan wasā'a sabīlā

22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.

حُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَٰٓئِبُكُمُ ٱلَّٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٢٣

Hurrimat 'alaykum ummahātukum wabanātukum wa akhawātukum wa'ammātukum wakhālātukum wabanātul-akhi wabanātul-ukhti wa ummahātukumul-lātī arda'nakum wa akhawātukum minar-radā'ati wa ummahātu nisā'ikum warabā'ibukumul-lātī fī hujūrikum min nisā'ikumul-lātī dakhaltum bihinna fa il lam takūnū dakhaltum bihinna falā junāha 'alaykum wahalā'ilu abnā'ikumul-ladhīna min aslābikum wa an tajma'ū baynal-ukhtayni illā mā qad salafa innallāha kāna ghafūrar rahīmā

23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin 16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga 17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan 18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan 19.

۞ وَٱلۡمُحۡصَنَٰتُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۖ كِتَٰبَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ وَأُحِلَّ لَكُم مَّا وَرَآءَ ذَٰلِكُمۡ أَن تَبۡتَغُواْ بِأَمۡوَٰلِكُم مُّحۡصِنِينَ غَيۡرَ مُسَٰفِحِينَۚ فَمَا ٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِهِۦ مِنۡهُنَّ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ فَرِيضَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا تَرَٰضَيۡتُم بِهِۦ مِنۢ بَعۡدِ ٱلۡفَرِيضَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا ٢٤

Wal-muhsanātu minan-nisā'i illā mā malakat aymānukum kitāballāhi 'alaykum wa uhilla lakum mā warā'a dhālikum an tabtaghū bi amwālikum muhsinīna ghayra musāfihīna famastamta'tum bihī minhunna fa'ātūhunna ujūrahunna farīdatan walā junāha 'alaykum fīmā tarādaytum bihī mim ba'dil-farīdati innallāha kāna 'alīman hakīmā

24. Iyo dhammaan haweenka la qabo kuway midigtiinna hanato maahee 20. (Kani waa) waxa uu Alle faral idiinka dhigay. Waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn 21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan dooneyn gaabsi. Kuwase aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib 22. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

وَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ مِنكُمۡ طَوۡلًا أَن يَنكِحَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن فَتَيَٰتِكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِكُمۚ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذۡنِ أَهۡلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِ مُحۡصَنَٰتٍ غَيۡرَ مُسَٰفِحَٰتٖ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخۡدَانٖۚ فَإِذَآ أُحۡصِنَّ فَإِنۡ أَتَيۡنَ بِفَٰحِشَةٖ فَعَلَيۡهِنَّ نِصۡفُ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ مِنَ ٱلۡعَذَابِۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ ٱلۡعَنَتَ مِنكُمۡۚ وَأَن تَصۡبِرُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٢٥

Wamal lam yastati' minkum tawlan an yankihal-muhsanātil-mu'mināti famim mā malakat aymānukum min fatayātikumul-mu'mināti wallāhu a'lamu bi īmānikum ba'dukum mim ba'din fankihūhunna bi idhni ahlihinna wa ātūhunna ujūrahunna bil-ma'rūfi muhsanātin ghayra musāfihātin walā muttakhidhāti akhdānin fa idhā uhsinna fa in atayna bifāhishatin fa'alayhinna nisfu mā 'alal-muhsanāti minal-'adhābi dhālika liman khashiyal-'anata minkum wa an tasbirū khayrul lakum wallāhu ghafūrur rahīm

25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah 23, Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala bar ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمۡ وَيَهۡدِيَكُمۡ سُنَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَيَتُوبَ عَلَيۡكُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ٢٦

Yurīdullāhu liyubayyina lakum wayahdiyakum sunanal-ladhīna min qablikum wayatūba 'alaykum wallāhu 'alīmun hakīm

26. Alle Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka tawbad aqbalo. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.

وَٱللَّهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيۡكُمۡ وَيُرِيدُ ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلشَّهَوَٰتِ أَن تَمِيلُواْ مَيۡلًا عَظِيمٗا ٢٧

Wallāhu yurīdu an yatūba 'alaykum wayurīdul-ladhīna yattabi'ūnash-shahawāti an tamīlū maylan 'azīmā

27. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka tawbad aqbalo, kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho weyn.

يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمۡۚ وَخُلِقَ ٱلۡإِنسَٰنُ ضَعِيفٗا ٢٨

Yurīdullāhu an yukhaffifa 'ankum wakhuliqal-insānu da'īfā

28. Alle Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan (xagga jidhka iyo xagga doonidda dumarka oo kama samri karo).

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَكُم بَيۡنَكُم بِٱلۡبَٰطِلِ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَٰرَةً عَن تَرَاضٖ مِّنكُمۡۚ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُمۡ رَحِيمٗا ٢٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā ta'kulū amwālakum baynakum bil-bātili illā an takūna tijāratan 'an tarādim minkum walā taqtulū anfusakum innallāha kāna bikum rahīmā

29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna 24 (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.

وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ عُدۡوَٰنٗا وَظُلۡمٗا فَسَوۡفَ نُصۡلِيهِ نَارٗاۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرًا ٣٠

Waman yaf'al dhālika 'udwānan wazulman fasawfa nuslīhi nāran wakāna dhālika 'alallāhi yasīrā

30. Qofkii u falaa arrinkaa xadgudub iyo dulmi, waxaanu gelin Naar, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.

إِن تَجۡتَنِبُواْ كَبَآئِرَ مَا تُنۡهَوۡنَ عَنۡهُ نُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَنُدۡخِلۡكُم مُّدۡخَلٗا كَرِيمٗا ٣١

In tajtanibū kabā'ira mā tunhawna 'anhu nukaffir 'ankum sayyi'ātikum wanudkhilkum mudkhalan karīmā

31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).

وَلَا تَتَمَنَّوۡاْ مَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بِهِۦ بَعۡضَكُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا ٱكۡتَسَبُواْۖ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا ٱكۡتَسَبۡنَۚ وَسۡـَٔلُواْ ٱللَّهَ مِن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا ٣٢

Walā tatamannaw mā faddalallāhu bihī ba'dakum 'alā ba'dil lir-rijāli nasībum mimmaktasabū walin-nisā'i nasībum mimmaktasabna was'alullāha min fadlihī innallāha kāna bikulli shay'in 'alīmā

32. Ha u hanqal taagina wuxuu Alle dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, haweenkuna waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, weydiistana Alle Deeqdiisa. Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.

وَلِكُلّٖ جَعَلۡنَا مَوَٰلِيَ مِمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَۚ وَٱلَّذِينَ عَقَدَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡ فَـَٔاتُوهُمۡ نَصِيبَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا ٣٣

Walikullin ja'alnā mawāliya mimmā tarakal-wālidāni wal-aqrabūna walladhīna 'aqadat aymānukum fa'ātūhum nasībahum innallāha kāna 'alā kulli shay'in shahīdā

33. Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Alle wax kasta waa u marag shaahid ah oo wuu u jeedaa.

ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ وَبِمَآ أَنفَقُواْ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡۚ فَٱلصَّٰلِحَٰتُ قَٰنِتَٰتٌ حَٰفِظَٰتٞ لِّلۡغَيۡبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُۚ وَٱلَّٰتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهۡجُرُوهُنَّ فِي ٱلۡمَضَاجِعِ وَٱضۡرِبُوهُنَّۖ فَإِنۡ أَطَعۡنَكُمۡ فَلَا تَبۡغُواْ عَلَيۡهِنَّ سَبِيلًاۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيّٗا كَبِيرٗا ٣٤

Ar-rijālu qawwāmūna 'alan-nisā'i bimā faddalallāhu ba'dahum 'alā ba'din wabimā anfaqū min amwālihim fas-sālihātu qānitātun hāfizātul lil-ghaybi bimā hafizallāhu wallātī takhāfūna nushūzahunna fa'izūhunna wahjurūhunna fil-madāji'i wadribūhunna fa in ata'nakum falā tabghū 'alayhinna sabīlan innallāha kāna 'aliyyan kabīrā

34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed 25, iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed 26. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda 27, waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 28, hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.

وَإِنۡ خِفۡتُمۡ شِقَاقَ بَيۡنِهِمَا فَٱبۡعَثُواْ حَكَمٗا مِّنۡ أَهۡلِهِۦ وَحَكَمٗا مِّنۡ أَهۡلِهَآ إِن يُرِيدَآ إِصۡلَٰحٗا يُوَفِّقِ ٱللَّهُ بَيۡنَهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرٗا ٣٥

Wa in khiftum shiqāqa baynihimā fab'athū hakamam min ahlihī wahakamam min ahlihā in yurīdā islāhan yuwaffiqillāhu baynahumā innallāha kāna 'alīman khabīrā

35. Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo xaaskiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Alle wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah.

۞ وَٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗا وَبِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡجَارِ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡجَارِ ٱلۡجُنُبِ وَٱلصَّاحِبِ بِٱلۡجَنۢبِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخۡتَالٗا فَخُورًا ٣٦

Wa'budullāha walā tushrikū bihī shay'an wabil-wālidayni ihsānan wabidhil-qurbā wal-yatāmā wal-masākīni wal-jāri dhil-qurbā wal-jāril-junubi was-sāhibi bil-jambi wabnis-sabīli wamā malakat aymānukum innallāha lā yuhibbu man kāna mukhtālan fakhūrā

36. Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah 29, saaxiibka ku dhinac jooga, tub ku joogga (socotada go’doonsan) 30, iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.

ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ وَيَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبُخۡلِ وَيَكۡتُمُونَ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۗ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا ٣٧

Alladhīna yabkhalūna waya'murūnan-nāsa bil-bukhli wayaktumūna mā ātāhumullāhu min fadlihī wa a'tadnā lil-kāfirīna 'adhābam muhīnā

37. Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada 31, ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.

وَٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ رِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَلَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۗ وَمَن يَكُنِ ٱلشَّيۡطَٰنُ لَهُۥ قَرِينٗا فَسَآءَ قَرِينٗا ٣٨

Walladhīna yunfiqūna amwālahum ri'ā'an-nāsi walā yu'minūna billāhi walā bil-yawmil-ākhiri waman yakunish-shaytānu lahū qarīnan fasā'a qarīnā

38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. qofkii uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay.

وَمَاذَا عَلَيۡهِمۡ لَوۡ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِهِمۡ عَلِيمًا ٣٩

Wamādhā 'alayhim law āmanū billāhi wal-yawmil-ākhiri wa anfaqū mimmā razaqahumullāhu wakānallāhu bihim 'alīmā

39. Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Alle siiyey? Allena iyaga aad buu og yahay.

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖۖ وَإِن تَكُ حَسَنَةٗ يُضَٰعِفۡهَا وَيُؤۡتِ مِن لَّدُنۡهُ أَجۡرًا عَظِيمٗا ٤٠

Innallāha lā yazlimu mithqāla dharratin wa in taku hasanatan yudā'ifhā wayu'ti mil ladunhu ajran 'azīmā

40. Hubaal, Alle ma dulmiyo 'dadka' wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag falaanna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn.

فَكَيۡفَ إِذَا جِئۡنَا مِن كُلِّ أُمَّةِۭ بِشَهِيدٖ وَجِئۡنَا بِكَ عَلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ شَهِيدٗا ٤١

Fakayfa idhā ji'nā min kulli ummati bishahīdin waji'nā bika 'alā hā'ulā'i shahīdā

41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?

يَوۡمَئِذٖ يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَعَصَوُاْ ٱلرَّسُولَ لَوۡ تُسَوَّىٰ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضُ وَلَا يَكۡتُمُونَ ٱللَّهَ حَدِيثٗا ٤٢

Yawma'idhin yawaddul-ladhīna kafarū wa'asawur-rasūla law tusawwā bihimul-ardu walā yaktumūnallāha hadīthā

42. Maalintaas waxay jeclaan kuwa gaalooba oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمۡ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعۡلَمُواْ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغۡتَسِلُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا غَفُورًا ٤٣

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā taqrabus-salawāta wa antum sukārā hattā ta'lamū mā taqūlūna walā junuban illā 'ābirī sabīlin hattā taghtasilū wa in kuntum mardā aw 'alā safarin aw jā'a ahadum minkum minal-ghā'iti aw lāmastumun-nisā'a falam tajidū mā'an fatayammamū sa'īdan tayyiban famsahū biwujūhikum wa aydīkum innallāha kāna 'afuwwan ghafūrā

43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan 32 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween 33, oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يَشۡتَرُونَ ٱلضَّلَٰلَةَ وَيُرِيدُونَ أَن تَضِلُّواْ ٱلسَّبِيلَ ٤٤

Alam tara ilal-ladhīna ūtū nasībam minal-kitābi yashtarūnad-dalālata wayurīdūna an tadillus-sabīl

44. Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan (ee Islaamka).

وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِأَعۡدَآئِكُمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَلِيّٗا وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ نَصِيرٗا ٤٥

Wallāhu a'lamu bi a'dā'ikum wakafā billāhi waliyyan wakafā billāhi nasīrā

45. Alle baana yaqaan cadowyadiinna. Alle ku filan Wali (Xafide) ahaan, oo Alle ku filan Gargaare ahaan.

مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَيَقُولُونَ سَمِعۡنَا وَعَصَيۡنَا وَٱسۡمَعۡ غَيۡرَ مُسۡمَعٖ وَرَٰعِنَا لَيَّۢا بِأَلۡسِنَتِهِمۡ وَطَعۡنٗا فِي ٱلدِّينِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ قَالُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَا وَٱسۡمَعۡ وَٱنظُرۡنَا لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَقۡوَمَ وَلَٰكِن لَّعَنَهُمُ ٱللَّهُ بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا ٤٦

Mminal-ladhīna hādū yuharrifūnal-kalima 'am mawādi'ihī wayaqūlūna sami'nā wa'asaynā wasma' ghayra musma'in warā'inā layyā bi alsinatihim wata'nan fid-dīni walaw annahum qālū sami'nā wa ata'nā wasma' wanzurnā lakāna khayral lahum wa aqwama walākil la'anahumullāhu bikufrihim falā yu'minūna illā qalīlā

46. Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ ءَامِنُواْ بِمَا نَزَّلۡنَا مُصَدِّقٗا لِّمَا مَعَكُم مِّن قَبۡلِ أَن نَّطۡمِسَ وُجُوهٗا فَنَرُدَّهَا عَلَىٰٓ أَدۡبَارِهَآ أَوۡ نَلۡعَنَهُمۡ كَمَا لَعَنَّآ أَصۡحَٰبَ ٱلسَّبۡتِۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولًا ٤٧

Yā'ayyuhal-ladhīna ūtul-kitāba āminū bimā nazzalnā musaddiqal limā ma'akum min qabli an natmisa wujūhan fanaruddahā 'alā adbārihā aw nal'anahum kamā la'annā ashābas-sabti wakāna amrullāhi maf'ūlā

47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Alle waa mid abad fula.

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا ٤٨

Innallāha lā yaghfiru an yushraka bihī wayaghfiru mā dūna dhālika liman yashā'u waman yushrik billāhi faqadiftarā ithman 'azīmā

48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn 34.

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُزَكُّونَ أَنفُسَهُمۚ بَلِ ٱللَّهُ يُزَكِّي مَن يَشَآءُ وَلَا يُظۡلَمُونَ فَتِيلًا ٤٩

Alam tara ilal-ladhīna yuzakkūna anfusahum balillāhu yuzakkī man yashā'u walā yuzlamūna fatīlā

49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo 35. Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.

ٱنظُرۡ كَيۡفَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۖ وَكَفَىٰ بِهِۦٓ إِثۡمٗا مُّبِينًا ٥٠

Unzur kayfa yaftarūna 'alallāhil-kadhiba wakafā bihī ithmam mubīnā

50. Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad.

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ نَصِيبٗا مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡجِبۡتِ وَٱلطَّٰغُوتِ وَيَقُولُونَ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ هَٰٓؤُلَآءِ أَهۡدَىٰ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ سَبِيلًا ٥١

Alam tara ilal-ladhīna ūtū nasībam minal-kitābi yu'minūna bil-jibti wat-tāghūti wayaqūlūna lilladhīna kafarū hā'ulā'i ahdā minal-ladhīna āmanū sabīlā

51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (waa Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba 'mushrikiinta': kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda.

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُۖ وَمَن يَلۡعَنِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ نَصِيرًا ٥٢

Ulā'ikal-ladhīna la'anahumullāhu waman yal'anillāhu falan tajida lahū nasīrā

52. Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada).

أَمۡ لَهُمۡ نَصِيبٞ مِّنَ ٱلۡمُلۡكِ فَإِذٗا لَّا يُؤۡتُونَ ٱلنَّاسَ نَقِيرًا ٥٣

Am lahum nasībum minal-mulki fa idhal lā yu'tūnan-nāsa naqīrā

53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.

أَمۡ يَحۡسُدُونَ ٱلنَّاسَ عَلَىٰ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۖ فَقَدۡ ءَاتَيۡنَآ ءَالَ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَءَاتَيۡنَٰهُم مُّلۡكًا عَظِيمٗا ٥٤

Am yahsudūnan-nāsa 'alā mā ātāhumullāhu min fadlihī faqad ātaynā āla ibrāhīmal-kitāba wal-hikmata wa ātaynāhum mulkan 'azīmā

54. Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Alle siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan).

فَمِنۡهُم مَّنۡ ءَامَنَ بِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن صَدَّ عَنۡهُۚ وَكَفَىٰ بِجَهَنَّمَ سَعِيرًا ٥٥

Faminhum man āmana bihī waminhum man sadda 'anhu wakafā bijahannama sa'īrā

55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto.

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا سَوۡفَ نُصۡلِيهِمۡ نَارٗا كُلَّمَا نَضِجَتۡ جُلُودُهُم بَدَّلۡنَٰهُمۡ جُلُودًا غَيۡرَهَا لِيَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمٗا ٥٦

Innal-ladhīna kafarū bi'āyātinā sawfa nuslīhim nāran kullamā nadijat julūduhum baddalnāhum julūdan ghayrahā liyadhūqul-'adhāba innallāha kāna 'azīzan hakīmā

56. Hubaal, kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّهُمۡ فِيهَآ أَزۡوَٰجٞ مُّطَهَّرَةٞۖ وَنُدۡخِلُهُمۡ ظِلّٗا ظَلِيلًا ٥٧

Walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti sanudkhiluhum jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā abadal lahum fīhā azwājum mutahharatun wanudkhiluhum zillan zalīlā

57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay leeyihiin gudaheeda xaasas daahir ah, waxaana gelinaynaa hoosas harac ah.

۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تُؤَدُّواْ ٱلۡأَمَٰنَٰتِ إِلَىٰٓ أَهۡلِهَا وَإِذَا حَكَمۡتُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ أَن تَحۡكُمُواْ بِٱلۡعَدۡلِۚ إِنَّ ٱللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا ٥٨

Innallāha ya'murukum an tu'addul-amānāti ilā ahlihā wa idhā hakamtum baynan-nāsi an tahkumū bil-'adli innallāha ni'immā ya'izukum bihī innallāha kāna samī'ā basīrā

58. Alle wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَأُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنكُمۡۖ فَإِن تَنَٰزَعۡتُمۡ فِي شَيۡءٖ فَرُدُّوهُ إِلَى ٱللَّهِ وَٱلرَّسُولِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ وَأَحۡسَنُ تَأۡوِيلًا ٥٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū atī'ullāha wa atī'ur-rasūla wa ulil-amri minkum fa in tanāza'tum fī shay'in faruddūhu ilallāhi war-rasūli in kuntum tu'minūna billāhi wal-yawmil-ākhiri dhālika khayrun wa ahsanu ta'wīlā

59. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan.

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يَزۡعُمُونَ أَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُوٓاْ إِلَى ٱلطَّٰغُوتِ وَقَدۡ أُمِرُوٓاْ أَن يَكۡفُرُواْ بِهِۦۖ وَيُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُضِلَّهُمۡ ضَلَٰلَۢا بَعِيدٗا ٦٠

Alam tara ilal-ladhīna yaz'umūna annahum āmanū bimā unzila ilayka wamā unzila min qablika yurīdūna an yatahākamū ilat-tāghūti waqad umirū an yakfurū bihī wayurīdush-shaytānu an yudillahum dalālā ba'īdā

60. Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ إِلَىٰ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَإِلَى ٱلرَّسُولِ رَأَيۡتَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يَصُدُّونَ عَنكَ صُدُودٗا ٦١

Wa idhā qīla lahum ta'ālaw ilā mā anzalallāhu wa ilar-rasūli ra'aytal-munāfiqīna yasuddūna 'anka sudūdā

61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeesasho muuqata.

فَكَيۡفَ إِذَآ أَصَٰبَتۡهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ جَآءُوكَ يَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّآ إِحۡسَٰنٗا وَتَوۡفِيقًا ٦٢

Fakayfa idhā asābathum musībatu bimā qaddamat aydīhim thumma jā'ūka yahlifūna billāhi in aradnā illā ihsānan watawfīqā

62. Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَعِظۡهُمۡ وَقُل لَّهُمۡ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَوۡلَۢا بَلِيغٗا ٦٣

Ulā'ikal-ladhīna ya'lamullāhu mā fī qulūbihim fa a'rid 'anhum wa'izhum waqul lahum fī anfusihim qawlā balīghā

63. Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso, waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh.

وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا لِيُطَاعَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ إِذ ظَّلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ جَآءُوكَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ ٱللَّهَ وَٱسۡتَغۡفَرَ لَهُمُ ٱلرَّسُولُ لَوَجَدُواْ ٱللَّهَ تَوَّابٗا رَّحِيمٗا ٦٤

Wamā arsalnā mir rasūlin illā liyutā'a bi idhnillāhi walaw annahum iz zalamū anfusahum jā'ūka fastaghfarullāha wastaghfara lahumur-rasūlu lawajadullāha tawwābar rahīmā

64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo tawbad aqbal Badan, Naxariis Badan.

فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيۡنَهُمۡ ثُمَّ لَا يَجِدُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ حَرَجٗا مِّمَّا قَضَيۡتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسۡلِيمٗا ٦٥

Falā warabbika lā yu'minūna hattā yuhakkimūka fīmā shajara baynahum thumma lā yajidū fī anfusihim harajam mimmā qadayta wayusallimū taslīmā

65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.

وَلَوۡ أَنَّا كَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ أَنِ ٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ أَوِ ٱخۡرُجُواْ مِن دِيَٰرِكُم مَّا فَعَلُوهُ إِلَّا قَلِيلٞ مِّنۡهُمۡۖ وَلَوۡ أَنَّهُمۡ فَعَلُواْ مَا يُوعَظُونَ بِهِۦ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ وَأَشَدَّ تَثۡبِيتٗا ٦٦

Walaw annā katabnā 'alayhim aniqtulū anfusakum awikhrujū min diyārikum mā fa'alūhu illā qalīlum minhum walaw annahum fa'alū mā yū'azūna bihī lakāna khayral lahum wa ashadda tathbītā

66. Haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda);

وَإِذٗا لَّأٓتَيۡنَٰهُم مِّن لَّدُنَّآ أَجۡرًا عَظِيمٗا ٦٧

Wa idhal la'ātaynāhum mil ladunnā ajran 'azīmā

67. Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn.

وَلَهَدَيۡنَٰهُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا ٦٨

Walahadaynāhum sirātam mustaqīmā

68. Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka).

وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَعَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلصِّدِّيقِينَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَٱلصَّٰلِحِينَۚ وَحَسُنَ أُوْلَٰٓئِكَ رَفِيقٗا ٦٩

Waman yuti'illāha war-rasūla fa ulā'ika ma'al-ladhīna an'amallāhu 'alayhim minan-nabiyyina was-siddīqīna wash-shuhadā'i was-sālihīna wahasuna ulā'ika rafīqā

69. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq.

ذَٰلِكَ ٱلۡفَضۡلُ مِنَ ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ عَلِيمٗا ٧٠

Dhālikal-fadlu minallāhi wakafā billāhi 'alīmā

70. Kani waa Fadli xagga Alle ah, kuna Filan Alle inuu yahay wax kasta Oge.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ خُذُواْ حِذۡرَكُمۡ فَٱنفِرُواْ ثُبَاتٍ أَوِ ٱنفِرُواْ جَمِيعٗا ٧١

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū khudhū hidhrakum fanfirū thubātin awinfirū jamī'ā

71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira.

وَإِنَّ مِنكُمۡ لَمَن لَّيُبَطِّئَنَّ فَإِنۡ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَالَ قَدۡ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيَّ إِذۡ لَمۡ أَكُن مَّعَهُمۡ شَهِيدٗا ٧٢

Wa inna minkum lamal layubatti'anna fa in asābatkum musībatun qāla qad an'amallāhu 'alayya idh lam akum ma'ahum shahīdā

72. Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn.

وَلَئِنۡ أَصَٰبَكُمۡ فَضۡلٞ مِّنَ ٱللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَن لَّمۡ تَكُنۢ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُۥ مَوَدَّةٞ يَٰلَيۡتَنِي كُنتُ مَعَهُمۡ فَأَفُوزَ فَوۡزًا عَظِيمٗا ٧٣

Wala'in asābakum fadlum minallāhi layaqūlanna ka al lam takum baynakum wabaynahū mawaddatun yālaytanī kuntu ma'ahum fa afūza fawzan 'azīmā

73. Haddaadse ka heshaan fadli xagga Alle, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn.

۞ فَلۡيُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ يَشۡرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا بِٱلۡأٓخِرَةِۚ وَمَن يُقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيُقۡتَلۡ أَوۡ يَغۡلِبۡ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا ٧٤

Falyuqātil fī sabīlillāhil-ladhīna yashrūnal-hayawātad-dunyā bil-ākhirati waman yuqātil fī sabīlillāhi fayuqtal aw yaghlib fasawfa nu'tīhi ajran 'azīmā

74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar aad u Weyn.

وَمَا لَكُمۡ لَا تُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا مِنۡ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلظَّالِمِ أَهۡلُهَا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ وَلِيّٗا وَٱجۡعَل لَّنَا مِن لَّدُنكَ نَصِيرًا ٧٥

Wamā lakum lā tuqātilūna fī sabīlillāhi wal-mustad'afīna minar-rijāli wan-nisā'i wal-wildānil-ladhīna yaqūlūna rabbanā akhrijnā min hādhihil-qaryatiz-zālimi ahluhā waj'al lanā mil ladunka waliyyan waj'al lanā mil ladunka nasīrā

75. Maxaadse u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Alle, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare.

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱلطَّٰغُوتِ فَقَٰتِلُوٓاْ أَوۡلِيَآءَ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّ كَيۡدَ ٱلشَّيۡطَٰنِ كَانَ ضَعِيفًا ٧٦

Alladhīna āmanū yuqātilūna fī sabīlillāhi walladhīna kafarū yuqātilūna fī sabīlit-tāghūti faqātilū awliyā'ash-shaytāni inna kaydash-shaytāni kāna da'īfā

76. Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Alle, kuwase gaalooba waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal dabinka shaydaanku waa daciif.

أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ قِيلَ لَهُمۡ كُفُّوٓاْ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقِتَالُ إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ يَخۡشَوۡنَ ٱلنَّاسَ كَخَشۡيَةِ ٱللَّهِ أَوۡ أَشَدَّ خَشۡيَةٗۚ وَقَالُواْ رَبَّنَا لِمَ كَتَبۡتَ عَلَيۡنَا ٱلۡقِتَالَ لَوۡلَآ أَخَّرۡتَنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖۗ قُلۡ مَتَٰعُ ٱلدُّنۡيَا قَلِيلٞ وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لِّمَنِ ٱتَّقَىٰ وَلَا تُظۡلَمُونَ فَتِيلًا ٧٧

Alam tara ilal-ladhīna qīla lahum kuffū aydiyakum wa aqīmus-salawāta wa ātuz-zakawāta falammā kutiba 'alayhimul-qitālu idhā farīqum minhum yakhshawnan-nāsa kakhashyatillāhi aw ashadda khashyatan waqālū rabbanā lima katabta 'alaynal-qitāla lawlā akkhartanā ilā ajalin qarībin qul matā'ud-dunyā qalīlun wal-ākhiratu khayrul limanit-taqā walā tuzlamūna fatīlā

77. Miyaadan arag kuwa lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna 36 oogana salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka siday tahay in looga baqdo Alle ama baqdin ka daranba. Waxayna yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo dhow? Dheh: Raaxada adduunka waa wax yar. Aakhirada baana u khayr badan kan iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale) laydinkamana dulmiyo wax xuub le’egna ha ahaatee.

أَيۡنَمَا تَكُونُواْ يُدۡرِككُّمُ ٱلۡمَوۡتُ وَلَوۡ كُنتُمۡ فِي بُرُوجٖ مُّشَيَّدَةٖۗ وَإِن تُصِبۡهُمۡ حَسَنَةٞ يَقُولُواْ هَٰذِهِۦ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةٞ يَقُولُواْ هَٰذِهِۦ مِنۡ عِندِكَۚ قُلۡ كُلّٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۖ فَمَالِ هَٰٓؤُلَآءِ ٱلۡقَوۡمِ لَا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ حَدِيثٗا ٧٨

Aynamā takūnū yudrikkumul-mawtu walaw kuntum fī burūjim mushayyadatin wa in tusibhum hasanatun yaqūlū hādhihī min 'indillāhi wa in tusibhum sayyi'atun yaqūlū hādhihī min 'indika qul kullum min 'indillāhi famāli hā'ulā'il-qawmi lā yakādūna yafqahūna hadīthā

78. Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?

مَّآ أَصَابَكَ مِنۡ حَسَنَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ وَمَآ أَصَابَكَ مِن سَيِّئَةٖ فَمِن نَّفۡسِكَۚ وَأَرۡسَلۡنَٰكَ لِلنَّاسِ رَسُولٗاۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدٗا ٧٩

Mmā asābaka min hasanatin faminallāhi wamā asābaka min sayyi'atin famin nafsika wa arsalnāka lin-nāsi rasūlan wakafā billāhi shahīdā

79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul ahaan, oo Alle baa ku filan Marag ahaan.

مَّن يُطِعِ ٱلرَّسُولَ فَقَدۡ أَطَاعَ ٱللَّهَۖ وَمَن تَوَلَّىٰ فَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ عَلَيۡهِمۡ حَفِيظٗا ٨٠

Mman yuti'ir-rasūla faqad atā'allāha waman tawallā famā arsalnāka 'alayhim hafīzā

80. Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan (dadka) dushood.

وَيَقُولُونَ طَاعَةٞ فَإِذَا بَرَزُواْ مِنۡ عِندِكَ بَيَّتَ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ غَيۡرَ ٱلَّذِي تَقُولُۖ وَٱللَّهُ يَكۡتُبُ مَا يُبَيِّتُونَۖ فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا ٨١

Wayaqūlūna tā'atun fa idhā barazū min 'indika bayyata tā'ifatum minhum ghayral-ladhī taqūlu wallāhu yaktubu mā yubayyitūna fa a'rid 'anhum watawakkal 'alallāhi wakafā billāhi wakīlā

81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Alle wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo Alle talo saaro. Alle ku filan wakiil ahaan.

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَۚ وَلَوۡ كَانَ مِنۡ عِندِ غَيۡرِ ٱللَّهِ لَوَجَدُواْ فِيهِ ٱخۡتِلَٰفٗا كَثِيرٗا ٨٢

Afalā yatadabbarūnal-qur'āna walaw kāna min 'indi ghayrillāhi lawajadū fīhikhtilāfan kathīrā

82. Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Alle, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.

وَإِذَا جَآءَهُمۡ أَمۡرٞ مِّنَ ٱلۡأَمۡنِ أَوِ ٱلۡخَوۡفِ أَذَاعُواْ بِهِۦۖ وَلَوۡ رَدُّوهُ إِلَى ٱلرَّسُولِ وَإِلَىٰٓ أُوْلِي ٱلۡأَمۡرِ مِنۡهُمۡ لَعَلِمَهُ ٱلَّذِينَ يَسۡتَنۢبِطُونَهُۥ مِنۡهُمۡۗ وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَٱتَّبَعۡتُمُ ٱلشَّيۡطَٰنَ إِلَّا قَلِيلٗا ٨٣

Wa idhā jā'ahum amrum minal-amni awil-khawfi adhā'ū bihī walaw raddūhu ilar-rasūli wa ilā ulil-amri minhum la'alimahul-ladhīna yastambitūnahū minhum walawlā fadlullāhi 'alaykum warahmatuhū lattaba'tumush-shaytāna illā qalīlā

83. Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka iyo kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Alle korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee.

فَقَٰتِلۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ لَا تُكَلَّفُ إِلَّا نَفۡسَكَۚ وَحَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَكُفَّ بَأۡسَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ وَٱللَّهُ أَشَدُّ بَأۡسٗا وَأَشَدُّ تَنكِيلٗا ٨٤

Faqātil fī sabīlillāhi lā tukallafu illā nafsaka waharridil-mu'minīna 'asallāhu an yakuffa ba sal-ladhīna kafarū wallāhu ashaddu ba san wa ashaddu tankīlā

84. Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.

مَّن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةً حَسَنَةٗ يَكُن لَّهُۥ نَصِيبٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن يَشۡفَعۡ شَفَٰعَةٗ سَيِّئَةٗ يَكُن لَّهُۥ كِفۡلٞ مِّنۡهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقِيتٗا ٨٥

Mman yashfa' shafā'atan hasanatan yakul lahū nasībum minhā waman yashfa' shafā'atan sayyi'atan yakul lahū kiflum minhā wakānallāhu 'alā kulli shay'im muqītā

85. Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (denbigeeda) ah. Alle baana wax walba ilaaliya oo shaahid ka ah.

وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٖ فَحَيُّواْ بِأَحۡسَنَ مِنۡهَآ أَوۡ رُدُّوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَسِيبًا ٨٦

Wa idhā huyyītum bitahiyyatin fahayyū bi ahsana minhā aw ruddūhā innallāha kāna 'alā kulli shay'in hasībā

86. Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ لَيَجۡمَعَنَّكُمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا رَيۡبَ فِيهِۗ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ حَدِيثٗا ٨٧

Allāhu lā ilāha illā huwa layajma'annakum ilā yawmil-qiyāmati lā rayba fīhi waman asdaqu minallāhi hadīthā

87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla.

۞ فَمَا لَكُمۡ فِي ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِئَتَيۡنِ وَٱللَّهُ أَرۡكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓاْۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهۡدُواْ مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا ٨٨

Famā lakum fil-munāfiqīna fi atayni wallāhu arkasahum bimā kasabū aturīdūna an tahdū man adallallāhu waman yudlilillāhu falan tajida lahū sabīlā

88. Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta? 37 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno) 38.

وَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ كَمَا كَفَرُواْ فَتَكُونُونَ سَوَآءٗۖ فَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ أَوۡلِيَآءَ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ وَجَدتُّمُوهُمۡۖ وَلَا تَتَّخِذُواْ مِنۡهُمۡ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرًا ٨٩

Waddū law takfurūna kamā kafarū fatakūnūna sawā'an falā tattakhidhū minhum awliyā'a hattā yuhājirū fī sabīlillāhi fa in tawallaw fakhudhūhum waqtulūhum haythu wajattumūhum walā tattakhidhū minhum waliyyan walā nasīrā

89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna.

إِلَّا ٱلَّذِينَ يَصِلُونَ إِلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٌ أَوۡ جَآءُوكُمۡ حَصِرَتۡ صُدُورُهُمۡ أَن يُقَٰتِلُوكُمۡ أَوۡ يُقَٰتِلُواْ قَوۡمَهُمۡۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَسَلَّطَهُمۡ عَلَيۡكُمۡ فَلَقَٰتَلُوكُمۡۚ فَإِنِ ٱعۡتَزَلُوكُمۡ فَلَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ وَأَلۡقَوۡاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ فَمَا جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سَبِيلٗا ٩٠

Illal-ladhīna yasilūna ilā qawmi baynakum wabaynahum mīthāqun aw jā'ūkum hasirat sudūruhum an yuqātilūkum aw yuqātilū qawmahum walaw shā'allāhu lasallatahum 'alaykum falaqātalūkum fa ini'tazalūkum falam yuqātilūkum wa alqaw ilaykumus-salama famā ja'alallāhu lakum 'alayhim sabīlā

90. Waxaan aheyn kuwa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Alle, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan).

سَتَجِدُونَ ءَاخَرِينَ يُرِيدُونَ أَن يَأۡمَنُوكُمۡ وَيَأۡمَنُواْ قَوۡمَهُمۡ كُلَّ مَا رُدُّوٓاْ إِلَى ٱلۡفِتۡنَةِ أُرۡكِسُواْ فِيهَاۚ فَإِن لَّمۡ يَعۡتَزِلُوكُمۡ وَيُلۡقُوٓاْ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَمَ وَيَكُفُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فَخُذُوهُمۡ وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ ثَقِفۡتُمُوهُمۡۚ وَأُوْلَٰٓئِكُمۡ جَعَلۡنَا لَكُمۡ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا ٩١

Satajidūna ākharīna yurīdūna an ya'manūkum waya'manū qawmahum kulla mā ruddū ilal-fitnati urkisū fīhā fa il lam ya'tazilūkum wayulqū ilaykumus-salama wayakuffū aydiyahum fakhudhūhum waqtulūhum haythu thaqiftumūhum wa ulā'ikum ja'alnā lakum 'alayhim sultānam mubīnā

91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad.

وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٍ أَن يَقۡتُلَ مُؤۡمِنًا إِلَّا خَطَـٔٗاۚ وَمَن قَتَلَ مُؤۡمِنًا خَطَـٔٗا فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖ وَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦٓ إِلَّآ أَن يَصَّدَّقُواْۚ فَإِن كَانَ مِن قَوۡمٍ عَدُوّٖ لَّكُمۡ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ وَإِن كَانَ مِن قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞ فَدِيَةٞ مُّسَلَّمَةٌ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ وَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مُّؤۡمِنَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ تَوۡبَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا ٩٢

Wamā kāna limu'minin an yaqtula mu'minan illā khata'an waman qatala mu'minan khata'an fatahrīru raqabatim mu'minatin wadiyatum musallamatun ilā ahlihī illā an yassaddaqū fa in kāna min qawmin 'aduwwil lakum wahuwa mu'minun fatahrīru raqabatim mu'minatin wa in kāna min qawmi baynakum wabaynahum mīthāqun fadiyatum musallamatun ilā ahlihī watahrīru raqabatim mu'minatin famal lam yajid fasiyāmu shahrayni mutatābi'ayni tawbatam minallāhi wakānallāhu 'alīman hakīmā

92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah 39, u tawbad keen ahaan Alle. Alle waa Wax walba Oge, Xakiiim ah.

وَمَن يَقۡتُلۡ مُؤۡمِنٗا مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدٗا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمٗا ٩٣

Waman yaqtul mu'minam muta'ammidan fajazā'uhū jahannamu khālidan fīhā waghadiballāhu 'alayhi wala'anahū wa a'adda lahū 'adhāban 'azīmā

93. Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran 40.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَتَبَيَّنُواْ وَلَا تَقُولُواْ لِمَنۡ أَلۡقَىٰٓ إِلَيۡكُمُ ٱلسَّلَٰمَ لَسۡتَ مُؤۡمِنٗا تَبۡتَغُونَ عَرَضَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٞۚ كَذَٰلِكَ كُنتُم مِّن قَبۡلُ فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَتَبَيَّنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا ٩٤

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā darabtum fī sabīlillāhi fatabayyanū walā taqūlū liman alqā ilaykumus-salāma lasta mu'minan tabtaghūna 'aradal-hayawātid-dunyā fa'indallāhi maghānimu kathīratun kadhālika kuntum min qablu famannallāhu 'alaykum fatabayyanū innallāha kāna bimā ta'malūna khabīrā

94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

لَّا يَسۡتَوِي ٱلۡقَٰعِدُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ غَيۡرُ أُوْلِي ٱلضَّرَرِ وَٱلۡمُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۚ فَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ عَلَى ٱلۡقَٰعِدِينَ دَرَجَةٗۚ وَكُلّٗا وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَفَضَّلَ ٱللَّهُ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ عَلَى ٱلۡقَٰعِدِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا ٩٥

Llā yastawil-qā'idūna minal-mu'minīna ghayru ulid-darari wal-mujāhidūna fī sabīlillāhi bi amwālihim wa anfusihim faddalallāhul-mujāhidīna bi amwālihim wa anfusihim 'alal-qā'idīna darajatan wakullan wa'adallāhul-husnā wafaddalallāhul-mujāhidīna 'alal-qā'idīna ajran 'azīmā

95. Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwa kula jihaad gala Jidka Alle maalkooda iyo nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaan wuxuu Alle u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Alle kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn.

دَرَجَٰتٖ مِّنۡهُ وَمَغۡفِرَةٗ وَرَحۡمَةٗۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا ٩٦

Darajātim minhu wamaghfiratan warahmatan wakānallāhu ghafūrar rahīmā

96. Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo denbi dhaaf iyo Naxariiis. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ظَالِمِيٓ أَنفُسِهِمۡ قَالُواْ فِيمَ كُنتُمۡۖ قَالُواْ كُنَّا مُسۡتَضۡعَفِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ قَالُوٓاْ أَلَمۡ تَكُنۡ أَرۡضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٗ فَتُهَاجِرُواْ فِيهَاۚ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا ٩٧

Innal-ladhīna tawaffāhumul-malā'ikatu zālimī anfusihim qālū fīma kuntum qālū kunnā mustad'afīna fil-ardi qālū alam takun ardullāhi wāsi'atan fatuhājirū fīhā fa ulā'ika ma'wāhum jahannamu wasā'at masīrā

97. Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda 41, waxay (malaa'igtu ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Alle mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen 42? Marka waa kuwaa kuwa hoygoodu yahay Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.

إِلَّا ٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلرِّجَالِ وَٱلنِّسَآءِ وَٱلۡوِلۡدَٰنِ لَا يَسۡتَطِيعُونَ حِيلَةٗ وَلَا يَهۡتَدُونَ سَبِيلٗا ٩٨

Illal-mustad'afīna minar-rijāli wan-nisā'i wal-wildāni lā yastatī'ūna hīlatan walā yahtadūna sabīlā

98. Marka laga reebo kuwa la daciifsado oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado).

فَأُوْلَٰٓئِكَ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَعۡفُوَ عَنۡهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَفُوًّا غَفُورٗا ٩٩

Fa ulā'ika 'asallāhu an ya'fuwa 'anhum wakānallāhu 'afuwwan ghafūrā

99. Kuwaa waa intaasoo uu Alle iska cafiyo. Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.

۞ وَمَن يُهَاجِرۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يَجِدۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُرَٰغَمٗا كَثِيرٗا وَسَعَةٗۚ وَمَن يَخۡرُجۡ مِنۢ بَيۡتِهِۦ مُهَاجِرًا إِلَى ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ يُدۡرِكۡهُ ٱلۡمَوۡتُ فَقَدۡ وَقَعَ أَجۡرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ١٠٠

Waman yuhājir fī sabīlillāhi yajid fil-ardi murāghaman kathīran wasa'atan waman yakhruj mim baytihī muhājiran ilallāhi warasūlihī thumma yudrikhul-mawtu faqad waqa'a ajruhū 'alallāhi wakānallāhu ghafūrar rahīmā

100. Qofkii u soo haajira Alle Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaana gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Alle iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Alle. Alle waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan.

وَإِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَقۡصُرُواْ مِنَ ٱلصَّلَوٰةِ إِنۡ خِفۡتُمۡ أَن يَفۡتِنَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْۚ إِنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ كَانُواْ لَكُمۡ عَدُوّٗا مُّبِينٗا ١٠١

Wa idhā darabtum fil-ardi falaysa 'alaykum junāhun an taqsurū minas-salawāti in khiftum an yaftinakumul-ladhīna kafarū innal-kāfirīna kānū lakum 'aduwwam mubīnā

101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda 43, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.

وَإِذَا كُنتَ فِيهِمۡ فَأَقَمۡتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلۡتَقُمۡ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُم مَّعَكَ وَلۡيَأۡخُذُوٓاْ أَسۡلِحَتَهُمۡۖ فَإِذَا سَجَدُواْ فَلۡيَكُونُواْ مِن وَرَآئِكُمۡ وَلۡتَأۡتِ طَآئِفَةٌ أُخۡرَىٰ لَمۡ يُصَلُّواْ فَلۡيُصَلُّواْ مَعَكَ وَلۡيَأۡخُذُواْ حِذۡرَهُمۡ وَأَسۡلِحَتَهُمۡۗ وَدَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ تَغۡفُلُونَ عَنۡ أَسۡلِحَتِكُمۡ وَأَمۡتِعَتِكُمۡ فَيَمِيلُونَ عَلَيۡكُم مَّيۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِن كَانَ بِكُمۡ أَذٗى مِّن مَّطَرٍ أَوۡ كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَن تَضَعُوٓاْ أَسۡلِحَتَكُمۡۖ وَخُذُواْ حِذۡرَكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا ١٠٢

Wa idhā kunta fīhim fa aqamta lahumus-salawāta faltaqum tā'ifatum minhum ma'aka walya'khudhū aslihatahum fa idhā sajadū falyakūnū min warā'ikum walta'ti tā'ifatun ukhrā lam yusallū falyusallū ma'aka walya'khudhū hidhrahum wa aslihatahum waddal-ladhīna kafarū law taghfulūna 'an aslihatikum wa amti'atikum fayamīlūna 'alaykum maylatan wāhidatan walā junāha 'alaykum in kāna bikum adham mim matarin aw kuntum mardā an tada'ū aslihatakum wakhudhū hidhrakum innallāha a'adda lil-kāfirīna 'adhābam muhīnā

102. Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah). Ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.

فَإِذَا قَضَيۡتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِكُمۡۚ فَإِذَا ٱطۡمَأۡنَنتُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا ١٠٣

Fa idhā qadaytumus-salawāta fadhkurullāha qiyāman waqu'ūdan wa'alā junūbikum fa idhatma'nantum fa aqīmus-salawāta innas-salawāta kānat 'alal-mu'minīna kitābam mawqūtā

103. Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an.

وَلَا تَهِنُواْ فِي ٱبۡتِغَآءِ ٱلۡقَوۡمِۖ إِن تَكُونُواْ تَأۡلَمُونَ فَإِنَّهُمۡ يَأۡلَمُونَ كَمَا تَأۡلَمُونَۖ وَتَرۡجُونَ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا يَرۡجُونَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا ١٠٤

Walā tahinū fibtighā'il-qawmi in takūnū ta'lamūna fa innahum ya'lamūna kamā ta'lamūna watarjūna minallāhi mā lā yarjūna wakānallāhu 'alīman hakīmā

104. Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ لِتَحۡكُمَ بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِمَآ أَرَىٰكَ ٱللَّهُۚ وَلَا تَكُن لِّلۡخَآئِنِينَ خَصِيمٗا ١٠٥

Innā anzalnā ilaykal-kitāba bil-haqqi litahkuma baynan-nāsi bimā arākallāhu walā takul lil-khā'inīna khasīmā

105. Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Alle ku baray. Ha noqon qareen u dooda khaa’imiinta.

وَٱسۡتَغۡفِرِ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ١٠٦

Wastaghfirillāha innallāha kāna ghafūrar rahīmā

106. Weydiiso Denbi Dhaaf Alle, Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan 44.

وَلَا تُجَٰدِلۡ عَنِ ٱلَّذِينَ يَخۡتَانُونَ أَنفُسَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمٗا ١٠٧

Walā tujādil 'anil-ladhīna yakhtānūna anfusahum innallāha lā yuhibbu man kāna khawwānan athīmā

107. Ha u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Alle ma jecla mid kastoo ah khaa’in, denbiile.

يَسۡتَخۡفُونَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَلَا يَسۡتَخۡفُونَ مِنَ ٱللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمۡ إِذۡ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرۡضَىٰ مِنَ ٱلۡقَوۡلِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطًا ١٠٨

Yastakhfūna minan-nāsi walā yastakhfūna minallāhi wahuwa ma'ahum idh yubayyitūna mā lā yardā minal-qawli wakānallāhu bimā ya'malūna muhītā

108. Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Alle, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan.

هَٰٓأَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ جَٰدَلۡتُمۡ عَنۡهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فَمَن يُجَٰدِلُ ٱللَّهَ عَنۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ أَم مَّن يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ وَكِيلٗا ١٠٩

Hā'antum hā'ulā'i jādaltum 'anhum fil-hayawātid-dunyā faman yujādilullāha 'anhum yawmal-qiyāmati am man yakūnu 'alayhim wakīlā

109. Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Alle agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?

وَمَن يَعۡمَلۡ سُوٓءًا أَوۡ يَظۡلِمۡ نَفۡسَهُۥ ثُمَّ يَسۡتَغۡفِرِ ٱللَّهَ يَجِدِ ٱللَّهَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ١١٠

Waman ya'mal sū'an aw yazlim nafsahū thumma yastaghfirillāha yajidillāha ghafūrar rahīmā

110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa, markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَمَن يَكۡسِبۡ إِثۡمٗا فَإِنَّمَا يَكۡسِبُهُۥ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١١١

Waman yaksib ithman fa innamā yaksibuhū 'alā nafsihī wakānallāhu 'alīman hakīmā

111. Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

وَمَن يَكۡسِبۡ خَطِيٓـَٔةً أَوۡ إِثۡمٗا ثُمَّ يَرۡمِ بِهِۦ بَرِيٓـٔٗا فَقَدِ ٱحۡتَمَلَ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا ١١٢

Waman yaksib khatī'atan aw ithman thumma yarmi bihī barī'an faqadihtamala buhtānan wa ithmam mubīnā

112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan 45, wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.

وَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكَ وَرَحۡمَتُهُۥ لَهَمَّت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ أَن يُضِلُّوكَ وَمَا يُضِلُّونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡۖ وَمَا يَضُرُّونَكَ مِن شَيۡءٖۚ وَأَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمۡ تَكُن تَعۡلَمُۚ وَكَانَ فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكَ عَظِيمٗا ١١٣

Walawlā fadlullāhi 'alayka warahmatuhū lahammat tā'ifatum minhum an yudillūka wamā yudillūna illā anfusahum wamā yadurrūnaka min shay'in wa anzalallāhu 'alaykal-kitāba wal-hikmata wa'allamaka mā lam takun ta'lamu wakāna fadlullāhi 'alayka 'azīmā

113. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay hammin (dooni) lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid aad u weyn.

۞ لَّا خَيۡرَ فِي كَثِيرٖ مِّن نَّجۡوَىٰهُمۡ إِلَّا مَنۡ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوۡ مَعۡرُوفٍ أَوۡ إِصۡلَٰحِۭ بَيۡنَ ٱلنَّاسِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوۡفَ نُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا ١١٤

Llā khayra fī kathīrim min najwāhum illā man amara bisadaqatin aw ma'rūfin aw islāhi baynan-nāsi waman yaf'al dhālikabtighā'a mardātillāhi fasawfa nu'tīhi ajran 'azīmā

114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).

وَمَن يُشَاقِقِ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَتَّبِعۡ غَيۡرَ سَبِيلِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ نُوَلِّهِۦ مَا تَوَلَّىٰ وَنُصۡلِهِۦ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرًا ١١٥

Waman yushāqiqir-rasūla mim ba'di mā tabayyana lahul-hudā wayattabi' ghayra sabīlil-mu'minīna nuwallihī mā tawallā wanuslihī jahannama wasā'at masīrā

115. Qofkii khilaafa Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Jahannama, oo u xun aayotiin ahaan.

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا ١١٦

Innallāha lā yaghfiru an yushraka bihī wayaghfiru mā dūna dhālika liman yashā'u waman yushrik billāhi faqad dalla dalālā ba'īdā

116. Hubaal, Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkii la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.

إِن يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ إِنَٰثٗا وَإِن يَدۡعُونَ إِلَّا شَيۡطَٰنٗا مَّرِيدٗا ١١٧

In yad'ūna min dūnihī illā ināthan wa in yad'ūna illā shaytānam marīdā

117. Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.

لَّعَنَهُ ٱللَّهُۘ وَقَالَ لَأَتَّخِذَنَّ مِنۡ عِبَادِكَ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا ١١٨

Lla'anahullāhu waqāla la attakhidhanna min 'ibādika nasībam mafrūdā

118. Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;

وَلَأُضِلَّنَّهُمۡ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمۡ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُبَتِّكُنَّ ءَاذَانَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ وَلَأٓمُرَنَّهُمۡ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلۡقَ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَّخِذِ ٱلشَّيۡطَٰنَ وَلِيّٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَقَدۡ خَسِرَ خُسۡرَانٗا مُّبِينٗا ١١٩

Wala'udillannahum wala'umanniyannahum wala'āmurannahum falayubattikunna ādhānal-an'āmi wala'āmurannahum falayughayyirunna khalqallāhi waman yattakhidhish-shaytāna waliyyam min dūnillāhi faqad khasira khusrānam mubīnā

119. Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha 46, oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Alle 47. Qofkii ka dhigta shaydaan sokeeye (iyo gargaare) halkii Alle, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.

يَعِدُهُمۡ وَيُمَنِّيهِمۡۖ وَمَا يَعِدُهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ إِلَّا غُرُورًا ١٢٠

Ya'iduhum wayumannīhim wamā ya'iduhumush-shaytānu illā ghurūrā

120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.

أُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ وَلَا يَجِدُونَ عَنۡهَا مَحِيصٗا ١٢١

Ulā'ika ma'wāhum jahannamu walā yajidūna 'anhā mahīsā

121. Kuwaa hoygoodu waa Jahannama, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَنُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَمَنۡ أَصۡدَقُ مِنَ ٱللَّهِ قِيلٗا ١٢٢

Walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti sanudkhiluhum jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā abadan wa'dallāhi haqqan waman asdaqu minallāhi qīlā

122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (waa cidna).

لَّيۡسَ بِأَمَانِيِّكُمۡ وَلَآ أَمَانِيِّ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِۗ مَن يَعۡمَلۡ سُوٓءٗا يُجۡزَ بِهِۦ وَلَا يَجِدۡ لَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا ١٢٣

Llaysa bi amāniyyikum walā amāniyyi ahlil-kitābi man ya'mal sū'an yujza bihī walā yajid lahū min dūnillāhi waliyyan walā nasīrā

123. Ma aha hididdiillooyinkiinna 48 iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.

وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ نَقِيرٗا ١٢٤

Waman ya'mal minas-sālihāti min dhakarin aw unthā wahuwa mu'minun fa ulā'ika yadkhulūnal-jannata walā yuzlamūna naqīrā

124. Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwaa geli Jannada, lagamana dulmiyo dalool laf timireed wax le’eg.

وَمَنۡ أَحۡسَنُ دِينٗا مِّمَّنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ وَٱتَّبَعَ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۗ وَٱتَّخَذَ ٱللَّهُ إِبۡرَٰهِيمَ خَلِيلٗا ١٢٥

Waman ahsanu dīnam mimman aslama wajhahū lillāhi wahuwa muhsinun wattaba'a millata ibrāhīma hanīfan wattakhadhallāhu ibrāhīma khalīlā

125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuu Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٖ مُّحِيطٗا ١٢٦

Walillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wakānallāhu bikulli shay'im muhītā

126. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa wax walba koobe.

وَيَسۡتَفۡتُونَكَ فِي ٱلنِّسَآءِۖ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِيهِنَّ وَمَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ فِي يَتَٰمَى ٱلنِّسَآءِ ٱلَّٰتِي لَا تُؤۡتُونَهُنَّ مَا كُتِبَ لَهُنَّ وَتَرۡغَبُونَ أَن تَنكِحُوهُنَّ وَٱلۡمُسۡتَضۡعَفِينَ مِنَ ٱلۡوِلۡدَٰنِ وَأَن تَقُومُواْ لِلۡيَتَٰمَىٰ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِهِۦ عَلِيمٗا ١٢٧

Wayastaftūnaka fin-nisā'i qulillāhu yuftīkum fīhinna wamā yutlā 'alaykum fil-kitābi fī yatāman-nisā'il-lātī lā tu'tūnahunna mā kutiba lahunna watarghabūna an tankihūhunna wal-mustad'afīna minal-wildāni wa an taqūmū lil-yatāmā bil-qisti wamā taf'alū min khayrin fa innallāha kāna bihī 'alīmā

127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda 49, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey 50, xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.

وَإِنِ ٱمۡرَأَةٌ خَافَتۡ مِنۢ بَعۡلِهَا نُشُوزًا أَوۡ إِعۡرَاضٗا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يُصۡلِحَا بَيۡنَهُمَا صُلۡحٗاۚ وَٱلصُّلۡحُ خَيۡرٞۗ وَأُحۡضِرَتِ ٱلۡأَنفُسُ ٱلشُّحَّۚ وَإِن تُحۡسِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا ١٢٨

Wa inimra'atun khāfat mim ba'lihā nushūzan aw i'rādan falā junāha 'alayhimā an yuslihā baynahumā sulhan was-sulhu khayrun wa uhdiratil-anfusush-shuhha wa in tuhsinū watattaqū fa innallāha kāna bimā ta'malūna khabīrā

128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho 51 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

وَلَن تَسۡتَطِيعُوٓاْ أَن تَعۡدِلُواْ بَيۡنَ ٱلنِّسَآءِ وَلَوۡ حَرَصۡتُمۡۖ فَلَا تَمِيلُواْ كُلَّ ٱلۡمَيۡلِ فَتَذَرُوهَا كَٱلۡمُعَلَّقَةِۚ وَإِن تُصۡلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ١٢٩

Walan tastatī'ū an ta'dilū baynan-nisā'i walaw harastum falā tamīlū kullal-mayli fatadharūhā kal-mu'allaqati wa in tuslihū watattaqū fa innallāha kāna ghafūrar rahīmā

129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَإِن يَتَفَرَّقَا يُغۡنِ ٱللَّهُ كُلّٗا مِّن سَعَتِهِۦۚ وَكَانَ ٱللَّهُ وَٰسِعًا حَكِيمٗا ١٣٠

Wa in yatafarraqā yughnillāhu kullam min sa'atihī wakānallāhu wāsi'an hakīmā

130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay.

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَلَقَدۡ وَصَّيۡنَا ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَإِيَّاكُمۡ أَنِ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَنِيًّا حَمِيدٗا ١٣١

Walillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi walaqad wassaynal-ladhīna ūtul-kitāba min qablikum wa iyyākum anit-taqullāha wa in takfurū fa inna lillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wakānallāhu ghaniyyan hamīdā

131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan.

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًا ١٣٢

Walillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wakafā billāhi wakīlā

132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan.

إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ أَيُّهَا ٱلنَّاسُ وَيَأۡتِ بِـَٔاخَرِينَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ ذَٰلِكَ قَدِيرٗا ١٣٣

In yasha' yudhhibkum ayyuhan-nāsu waya'ti bi'ākharīna wakānallāhu 'alā dhālika qadīrā

133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Alle wuu Karaa inuu sidaa yeelo.

مَّن كَانَ يُرِيدُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا فَعِندَ ٱللَّهِ ثَوَابُ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا ١٣٤

Mman kāna yurīdu thawābad-dunyā fa'indallāhi thawābud-dunyā wal-ākhirati wakānallāhu samī'ā basīrā

134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُواْ قَوَّٰمِينَ بِٱلۡقِسۡطِ شُهَدَآءَ لِلَّهِ وَلَوۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۡ أَوِ ٱلۡوَٰلِدَيۡنِ وَٱلۡأَقۡرَبِينَۚ إِن يَكُنۡ غَنِيًّا أَوۡ فَقِيرٗا فَٱللَّهُ أَوۡلَىٰ بِهِمَاۖ فَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلۡهَوَىٰٓ أَن تَعۡدِلُواْۚ وَإِن تَلۡوُۥٓاْ أَوۡ تُعۡرِضُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا ١٣٥

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū kūnū qawwāmīna bil-qisti shuhadā'a lillāhi walaw 'alā anfusikum awil-wālidayni wal-aqrabīna in yakun ghaniyyan aw faqīran fallāhu awlā bihimā falā tattabi'ul-hawā an ta'dilū wa in talwū aw tu'ridū fa innallāha kāna bimā ta'malūna khabīrā

135. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraaboba, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan 52, Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلَّذِي نَزَّلَ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ مِن قَبۡلُۚ وَمَن يَكۡفُرۡ بِٱللَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا ١٣٦

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū āminū billāhi warasūlihī wal-kitābil-ladhī nazzala 'alā rasūlihī wal-kitābil-ladhī anzala min qablu waman yakfur billāhi wamalā'ikatihī wakutubihī warusulihī wal-yawmil-ākhiri faqad dalla dalālā ba'īdā

136. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid aad u fog.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ ثُمَّ ٱزۡدَادُواْ كُفۡرٗا لَّمۡ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغۡفِرَ لَهُمۡ وَلَا لِيَهۡدِيَهُمۡ سَبِيلَۢا ١٣٧

Innal-ladhīna āmanū thumma kafarū thumma āmanū thumma kafarū thummazdādū kufral lam yakunillāhu liyaghfira lahum walā liyahdiyahum sabīlā

137. Kuwa rumeeya, haddana gaalooba, haddana rumeeya (mar kale), haddana (mar kale) gaalooba, markaas sii kororsada gaalnimo; Alle ma cafiyo, kumana hanuuniyo Jid (Toosan).

بَشِّرِ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ بِأَنَّ لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمًا ١٣٨

Basshiril-munāfiqīna bi anna lahum 'adhāban alīmā

138. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan.

ٱلَّذِينَ يَتَّخِذُونَ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَيَبۡتَغُونَ عِندَهُمُ ٱلۡعِزَّةَ فَإِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعٗا ١٣٩

Alladhīna yattakhidhūnal-kāfirīna awliyā'a min dūnil-mu'minīna ayabtaghūna 'indahumul-'izzata fa innal-'izzata lillāhi jamī'ā

139. Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye 53 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Alle baa iska leh Ciso oo dhan.

وَقَدۡ نَزَّلَ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلۡكِتَٰبِ أَنۡ إِذَا سَمِعۡتُمۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ يُكۡفَرُ بِهَا وَيُسۡتَهۡزَأُ بِهَا فَلَا تَقۡعُدُواْ مَعَهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦٓ إِنَّكُمۡ إِذٗا مِّثۡلُهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ جَامِعُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡكَٰفِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا ١٤٠

Waqad nazzala 'alaykum fil-kitābi an idhā sami'tum āyātillāhi yukfaru bihā wayustahza'u bihā falā taq'udū ma'ahum hattā yakhūdū fī hadīthin ghayrihī innakum idham mithluhum innallāha jāmi'ul-munāfiqīna wal-kāfirīna fī jahannama jamī'ā

140. Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Alle oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale. Hubaal Alle wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Jahannama gudaheed.

ٱلَّذِينَ يَتَرَبَّصُونَ بِكُمۡ فَإِن كَانَ لَكُمۡ فَتۡحٞ مِّنَ ٱللَّهِ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَكُن مَّعَكُمۡ وَإِن كَانَ لِلۡكَٰفِرِينَ نَصِيبٞ قَالُوٓاْ أَلَمۡ نَسۡتَحۡوِذۡ عَلَيۡكُمۡ وَنَمۡنَعۡكُم مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ فَٱللَّهُ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَلَن يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لِلۡكَٰفِرِينَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ سَبِيلًا ١٤١

Alladhīna yatarabbasūna bikum fa in kāna lakum fathum minallāhi qālū alam nakum ma'akum wa in kāna lil-kāfirīna nasībun qālū alam nastahwidh 'alaykum wanamna'kum minal-mu'minīna fallāhu yahkumu baynakum yawmal-qiyāmati walan yaj'alallāhu lil-kāfirīna 'alal-mu'minīna sabīlā

141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Alle kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.

إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَٰدِعُهُمۡ وَإِذَا قَامُوٓاْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُواْ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلٗا ١٤٢

Innal-munāfiqīna yukhādi'ūnallāha wahuwa khādi'uhum wa idhā qāmū ilas-salawāti qāmū kusālā yurā'ūnan-nāsa walā yadhkurūnallāha illā qalīlā

142. Munaafiqiintu 54 waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.

مُّذَبۡذَبِينَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ لَآ إِلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ وَلَآ إِلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا ١٤٣

Mmudhabdhabīna bayna dhālika lā ilā hā'ulā'i walā ilā hā'ulā'i waman yudlilillāhu falan tajida lahū sabīlā

143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna. Qofkii uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَجۡعَلُواْ لِلَّهِ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينًا ١٤٤

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tattakhidhul-kāfirīna awliyā'a min dūnil-mu'minīna aturīdūna an taj'alū lillāhi 'alaykum sultānam mubīnā

144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?

إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِي ٱلدَّرۡكِ ٱلۡأَسۡفَلِ مِنَ ٱلنَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمۡ نَصِيرًا ١٤٥

Innal-munāfiqīna fid-darkil-asfali minan-nāri walan tajida lahum nasīrā

145. Munaafiqiintu 55 waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).

إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ وَأَصۡلَحُواْ وَٱعۡتَصَمُواْ بِٱللَّهِ وَأَخۡلَصُواْ دِينَهُمۡ لِلَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ مَعَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَسَوۡفَ يُؤۡتِ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَجۡرًا عَظِيمٗا ١٤٦

Illal-ladhīna tābū wa aslahū wa'tasamū billāhi wa akhlasū dīnahum lillāhi fa ulā'ika ma'al-mu'minīna wasawfa yu'tillāhul-mu'minīna ajran 'azīmā

146. Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuu Alle siin mu’miniinta Ajar aad u weyn (Janno).

مَّا يَفۡعَلُ ٱللَّهُ بِعَذَابِكُمۡ إِن شَكَرۡتُمۡ وَءَامَنتُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمٗا ١٤٧

Mmā yaf'alullāhu bi'adhābikum in shakartum wa āmantum wakānallāhu shākiran 'alīmā

147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad ku mahdisaan oo rumeysaan? Alle waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.

۞ لَّا يُحِبُّ ٱللَّهُ ٱلۡجَهۡرَ بِٱلسُّوٓءِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ إِلَّا مَن ظُلِمَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ سَمِيعًا عَلِيمًا ١٤٨

Llā yuhibbullāhul-jahra bis-sū'i minal-qawli illā man zulima wakānallāhu samī'an 'alīmā

148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

إِن تُبۡدُواْ خَيۡرًا أَوۡ تُخۡفُوهُ أَوۡ تَعۡفُواْ عَن سُوٓءٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوّٗا قَدِيرًا ١٤٩

In tubdū khayran aw tukhfūhu aw ta'fū 'an sū'in fa innallāha kāna 'afuwwan qadīrā

149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَكۡفُرُونَ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيُرِيدُونَ أَن يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ ٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَيَقُولُونَ نُؤۡمِنُ بِبَعۡضٖ وَنَكۡفُرُ بِبَعۡضٖ وَيُرِيدُونَ أَن يَتَّخِذُواْ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلًا ١٥٠

Innal-ladhīna yakfurūna billāhi warusulihī wayurīdūna an yufarriqū baynallāhi warusulihī wayaqūlūna nu'minu biba'din wanakfuru biba'din wayurīdūna an yattakhidhū bayna dhālika sabīlā

150. Hubaal, kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).

أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ حَقّٗاۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٗا مُّهِينٗا ١٥١

Ulā'ika humul-kāfirūna haqqan wa a'tadnā lil-kāfirīna 'adhābam muhīnā

151. Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦ وَلَمۡ يُفَرِّقُواْ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ أُوْلَٰٓئِكَ سَوۡفَ يُؤۡتِيهِمۡ أُجُورَهُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ١٥٢

Walladhīna āmanū billāhi warusulihī walam yufarriqū bayna ahadim minhum ulā'ika sawfa yu'tīhim ujūrahum wakānallāhu ghafūrar rahīmā

152. Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan kala soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

يَسۡـَٔلُكَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ أَن تُنَزِّلَ عَلَيۡهِمۡ كِتَٰبٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ فَقَدۡ سَأَلُواْ مُوسَىٰٓ أَكۡبَرَ مِن ذَٰلِكَ فَقَالُوٓاْ أَرِنَا ٱللَّهَ جَهۡرَةٗ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ بِظُلۡمِهِمۡۚ ثُمَّ ٱتَّخَذُواْ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَعَفَوۡنَا عَن ذَٰلِكَۚ وَءَاتَيۡنَا مُوسَىٰ سُلۡطَٰنٗا مُّبِينٗا ١٥٣

Yas'aluka ahlul-kitābi an tunazzila 'alayhim kitābam minas-samā'i faqad sa'alū mūsā akbara min dhālika faqālū arinallāha jahratan fa akhadhathumus-sā'iqatu bizulmihim thummat-takhadhul-'ijla mim ba'di mā jā'athumul-bayyinātu fa'afawnā 'an dhālika wa ātaynā mūsā sultānam mubīnā

153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Alle si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka tawbad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.

وَرَفَعۡنَا فَوۡقَهُمُ ٱلطُّورَ بِمِيثَٰقِهِمۡ وَقُلۡنَا لَهُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡبَابَ سُجَّدٗا وَقُلۡنَا لَهُمۡ لَا تَعۡدُواْ فِي ٱلسَّبۡتِ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا ١٥٤

Warafa'nā fawqahumut-tūra bimīthāqihim waqulnā lahumudkhulul-bāba sujjadan waqulnā lahum lā ta'dū fis-sabti wa akhadhnā minhum mīthāqan ghalīzā

154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.

فَبِمَا نَقۡضِهِم مِّيثَٰقَهُمۡ وَكُفۡرِهِم بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَقَتۡلِهِمُ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَقَوۡلِهِمۡ قُلُوبُنَا غُلۡفُۢۚ بَلۡ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَيۡهَا بِكُفۡرِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُونَ إِلَّا قَلِيلٗا ١٥٥

Fabimā naqdihim mīthāqahum wakufrihim bi'āyātillāhi waqatlihimul-ambiyā'a bighayri haqqin waqawlihim qulūbunā ghulfu bal taba'allāhu 'alayhā bikufrihim falā yu'minūna illā qalīlā

155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.

وَبِكُفۡرِهِمۡ وَقَوۡلِهِمۡ عَلَىٰ مَرۡيَمَ بُهۡتَٰنًا عَظِيمٗا ١٥٦

Wabikufrihim waqawlihim 'alā maryama buhtānan 'azīmā

156. Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah.

وَقَوۡلِهِمۡ إِنَّا قَتَلۡنَا ٱلۡمَسِيحَ عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينَۢا ١٥٧

Waqawlihim innā qatalnal-masīha 'īsabna maryama rasūlallāhi wamā qatalūhu wamā salabūhu walākin shubbiha lahum wa innal-ladhīnakhtalafū fīhi lafī shakkim minhu mā lahum bihī min 'ilmin illat-tibā'az-zanni wamā qatalūhu yaqīnā

157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle 56, _mase ay dilin 57 mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.

بَل رَّفَعَهُ ٱللَّهُ إِلَيۡهِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا ١٥٨

Bar rafa'ahullāhu ilayhi wakānallāhu 'azīzan hakīmā

158. Mayee! Alle baa kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

وَإِن مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا لَيُؤۡمِنَنَّ بِهِۦ قَبۡلَ مَوۡتِهِۦۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ شَهِيدٗا ١٥٩

Wa im min ahlil-kitābi illā layu'minanna bihī qabla mawtihī wayawmal-qiyāmati yakūnu 'alayhim shahīdā

159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman 58. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.

فَبِظُلۡمٖ مِّنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ حَرَّمۡنَا عَلَيۡهِمۡ طَيِّبَٰتٍ أُحِلَّتۡ لَهُمۡ وَبِصَدِّهِمۡ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ كَثِيرٗا ١٦٠

Fabizulmim minal-ladhīna hādū harramnā 'alayhim tayyibātin uhillat lahum wabisaddihim 'an sabīlillāhi kathīrā

160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle.

وَأَخۡذِهِمُ ٱلرِّبَوٰاْ وَقَدۡ نُهُواْ عَنۡهُ وَأَكۡلِهِمۡ أَمۡوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡبَٰطِلِۚ وَأَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ مِنۡهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا ١٦١

Wa akhdhihimur-ribawā waqad nuhū 'anhu wa aklihim amwālan-nāsi bil-bātili wa a'tadnā lil-kāfirīna minhum 'adhāban alīmā

161. Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan.

لَّٰكِنِ ٱلرَّٰسِخُونَ فِي ٱلۡعِلۡمِ مِنۡهُمۡ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ يُؤۡمِنُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ وَمَآ أُنزِلَ مِن قَبۡلِكَۚ وَٱلۡمُقِيمِينَ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَٱلۡمُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ أُوْلَٰٓئِكَ سَنُؤۡتِيهِمۡ أَجۡرًا عَظِيمًا ١٦٢

Llākinir-rāsikhūna fil-'ilmi minhum wal-mu'minūna yu'minūna bimā unzila ilayka wamā unzila min qablika wal-muqīmīnas-salawāta wal-mu'tūnaz-zakawāta wal-mu'minūna billāhi wal-yawmil-ākhiri ulā'ika sanu'tīhim ajran 'azīmā

162. Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, kuwaa waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno).

۞ إِنَّآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ كَمَآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ نُوحٖ وَٱلنَّبِيِّـۧنَ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَٰرُونَ وَسُلَيۡمَٰنَۚ وَءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ زَبُورٗا ١٦٣

Innā awhaynā ilayka kamā awhaynā ilā nūhin wan-nabiyyina mim ba'dihī wa awhaynā ilā ibrāhīma wa ismā'īla wa ishāqa waya'qūba wal-asbāti wa'īsā wa ayyūba wayūnusa wahārūna wasulaymāna wa ātaynā dāwūda zabūrā

163. Waxaanu kuugu waxyoonnay (Nabi Muxammadow) sidaan ugu waxyoonnay Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur.

وَرُسُلٗا قَدۡ قَصَصۡنَٰهُمۡ عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُ وَرُسُلٗا لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَيۡكَۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَكۡلِيمٗا ١٦٤

Warusulan qad qasasnāhum 'alayka min qablu warusulal lam naqsushum 'alayka wakallamallāhu mūsā taklīmā

164. (Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warramin. Alle wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid 59.

رُّسُلٗا مُّبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى ٱللَّهِ حُجَّةُۢ بَعۡدَ ٱلرُّسُلِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا ١٦٥

Rrusulam mubasshirīna wamundhirīna li allā yakūna lin-nāsi 'alallāhi hujjatu ba'dar-rusuli wakānallāhu 'azīzan hakīmā

165. (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Alle wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

لَّٰكِنِ ٱللَّهُ يَشۡهَدُ بِمَآ أَنزَلَ إِلَيۡكَۖ أَنزَلَهُۥ بِعِلۡمِهِۦۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَشۡهَدُونَۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًا ١٦٦

Llākinillāhu yashhadu bimā anzala ilayka anzalahū bi'ilmihī wal-malā'ikatu yashhadūna wakafā billāhi shahīdā

166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna 60 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Alle waa ku Filan yahay Markhaati ahaan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ قَدۡ ضَلُّواْ ضَلَٰلَۢا بَعِيدًا ١٦٧

Innal-ladhīna kafarū wasaddū 'an sabīlillāhi qad dallū dalālā ba'īdā

167. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, waxay habaabeen habow aad u fog.

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَظَلَمُواْ لَمۡ يَكُنِ ٱللَّهُ لِيَغۡفِرَ لَهُمۡ وَلَا لِيَهۡدِيَهُمۡ طَرِيقًا ١٦٨

Innal-ladhīna kafarū wazalamū lam yakunillāhu liyaghfira lahum walā liyahdiyahum tarīqā

168. Hubaal, kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.

إِلَّا طَرِيقَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا ١٦٩

Illā tarīqa jahannama khālidīna fīhā abadan wakāna dhālika 'alallāhi yasīrā

169. Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُمُ ٱلرَّسُولُ بِٱلۡحَقِّ مِن رَّبِّكُمۡ فَـَٔامِنُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ وَإِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١٧٠

Yā'ayyuhan-nāsu qad jā'akumur-rasūlu bil-haqqi mir rabbikum fa'āminū khayral lakum wa in takfurū fa inna lillāhi mā fis-samāwāti wal-ardi wakānallāhu 'alīman hakīmā

170. Dadoow! Wuxuu idiinla yimid Rasuulku xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad gaalowdaan, hubaal Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ وَلَا تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ إِنَّمَا ٱلۡمَسِيحُ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ رَسُولُ ٱللَّهِ وَكَلِمَتُهُۥٓ أَلۡقَىٰهَآ إِلَىٰ مَرۡيَمَ وَرُوحٞ مِّنۡهُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۖ وَلَا تَقُولُواْ ثَلَٰثَةٌۚ ٱنتَهُواْ خَيۡرٗا لَّكُمۡۚ إِنَّمَا ٱللَّهُ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ سُبۡحَٰنَهُۥٓ أَن يَكُونَ لَهُۥ وَلَدٞۘ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا ١٧١

Yā'ahlal-kitābi lā taghlū fī dīnikum walā taqūlū 'alallāhi illal-haqqa innamal-masīhu 'īsabnu maryama rasūlullāhi wakalimatuhū alqāhā ilā maryama warūhum minhu fa'āminū billāhi warusulihī walā taqūlū thalāthatunintahū khayral lakum innamallāhu ilāhun wāhidun subhānahū an yakūna lahū waladul lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wakafā billāhi wakīlā

171.Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina diintiinna (iyo camalkiinna), hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.

لَّن يَسۡتَنكِفَ ٱلۡمَسِيحُ أَن يَكُونَ عَبۡدٗا لِّلَّهِ وَلَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ ٱلۡمُقَرَّبُونَۚ وَمَن يَسۡتَنكِفۡ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَيَسۡتَكۡبِرۡ فَسَيَحۡشُرُهُمۡ إِلَيۡهِ جَمِيعٗا ١٧٢

Llan yastankifal-masīhu an yakūna 'abda lillāhi walal-malā'ikatul-muqarrabūna waman yastankif 'an 'ibādatihī wayastakbir fasayahshuruhum ilayhi jamī'ā

172. Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama kibriyo inuu ahaado addoon Alle, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska kibriya Caabudidda (Alle) oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin Xaggiisa dhammaantood.

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُوَفِّيهِمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضۡلِهِۦۖ وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡتَنكَفُواْ وَٱسۡتَكۡبَرُواْ فَيُعَذِّبُهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا ١٧٣

Fa ammal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti fayuwaffīhim ujūrahum wayazīduhum min fadlihī wa ammal-ladhīnastankafū wastakbarū fayu'addhibuhum 'adhāban alīman walā yajidūna lahum min dūnillāhi waliyyan walā nasīrā

173. Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُم بُرۡهَٰنٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ نُورٗا مُّبِينٗا ١٧٤

Yā'ayyuhan-nāsu qad jā'akum burhānum mir rabbikum wa anzalnā ilaykum nūram mubīnā

174. Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka).

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱللَّهِ وَٱعۡتَصَمُواْ بِهِۦ فَسَيُدۡخِلُهُمۡ فِي رَحۡمَةٖ مِّنۡهُ وَفَضۡلٖ وَيَهۡدِيهِمۡ إِلَيۡهِ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا ١٧٥

Fa ammal-ladhīna āmanū billāhi wa'tasamū bihī fasayudkhiluhum fī rahmatim minhu wafadlin wayahdīhim ilayhi sirātam mustaqīmā

175. Ma kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).

يَسۡتَفۡتُونَكَ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِي ٱلۡكَلَٰلَةِۚ إِنِ ٱمۡرُؤٌاْ هَلَكَ لَيۡسَ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَهُۥٓ أُخۡتٞ فَلَهَا نِصۡفُ مَا تَرَكَۚ وَهُوَ يَرِثُهَآ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهَا وَلَدٞۚ فَإِن كَانَتَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُمَا ٱلثُّلُثَانِ مِمَّا تَرَكَۚ وَإِن كَانُوٓاْ إِخۡوَةٗ رِّجَالٗا وَنِسَآءٗ فَلِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۗ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ أَن تَضِلُّواْۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ ١٧٦

Yastaftūnaka qulillāhu yuftīkum fil-kalālati inimru'un halaka laysa lahū waladun walahū ukhtun falahā nisfu mā taraka wahuwa yarithuhā il lam yakul lahā waladun fa in kānatathnatayni falahumath-thuluthāni mimmā taraka wa in kānū ikhwatar rijālan wanisā'an falidh-dhakari mithlu hazzil-unthayayni yubayyinullāhu lakum an tadillū wallāhu bikulli shay'in 'alīm

176. Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Alle baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda An-Nisa?

Suuradda An-Nisa waxay leedahay 176 aayadood. Waa suuradda 4 ee Qur'aanka.

Suuradda An-Nisa ma Makki baa mise Madani?

Suuradda An-Nisa waa suurad Madani ah.

Suuradda An-Nisa juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda An-Nisa waxay ku jirtaa juz' 4, 5, 6.

Ma dhageysan karaa Suuradda An-Nisa?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.