يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمۡ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعۡلَمُواْ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغۡتَسِلُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَفُوًّا غَفُورًا ٤٣
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā taqrabus-salawāta wa antum sukārā hattā ta'lamū mā taqūlūna walā junuban illā 'ābirī sabīlin hattā taghtasilū wa in kuntum mardā aw 'alā safarin aw jā'a ahadum minkum minal-ghā'iti aw lāmastumun-nisā'a falam tajidū mā'an fatayammamū sa'īdan tayyiban famsahū biwujūhikum wa aydīkum innallāha kāna 'afuwwan ghafūrā
43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan 32 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween 33, oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
Faallooyin hoose
32. Isticmaalka khamrada si dhan baa loo xaaraanshay: eeg Q 5: 90-91
33. Culimada qaar waxay ku fasireen taabashadaas taabashada caadiga ah ee la isku taabto gacanta nin iyo naag, waxaa sidoo kale jira qaar ku fasiray jimaaca oo ah isu tagga ninka iyo naagtiisa - galmoodka, waana sida xoogga badan.