وَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ مِنكُمۡ طَوۡلًا أَن يَنكِحَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ فَمِن مَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُم مِّن فَتَيَٰتِكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِكُمۚ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۚ فَٱنكِحُوهُنَّ بِإِذۡنِ أَهۡلِهِنَّ وَءَاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِ مُحۡصَنَٰتٍ غَيۡرَ مُسَٰفِحَٰتٖ وَلَا مُتَّخِذَٰتِ أَخۡدَانٖۚ فَإِذَآ أُحۡصِنَّ فَإِنۡ أَتَيۡنَ بِفَٰحِشَةٖ فَعَلَيۡهِنَّ نِصۡفُ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ مِنَ ٱلۡعَذَابِۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ ٱلۡعَنَتَ مِنكُمۡۚ وَأَن تَصۡبِرُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٢٥
Wamal lam yastati' minkum tawlan an yankihal-muhsanātil-mu'mināti famim mā malakat aymānukum min fatayātikumul-mu'mināti wallāhu a'lamu bi īmānikum ba'dukum mim ba'din fankihūhunna bi idhni ahlihinna wa ātūhunna ujūrahunna bil-ma'rūfi muhsanātin ghayra musāfihātin walā muttakhidhāti akhdānin fa idhā uhsinna fa in atayna bifāhishatin fa'alayhinna nisfu mā 'alal-muhsanāti minal-'adhābi dhālika liman khashiyal-'anata minkum wa an tasbirū khayrul lakum wallāhu ghafūrur rahīm
25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah 23, Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala bar ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Faallooyin hoose
23. Shareecada islaamka way ku bannaan tahay guursiga addoonta markay kaamil noqoto shuruudda lagu guursan karo.