إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا ٤٨
Innallāha lā yaghfiru an yushraka bihī wayaghfiru mā dūna dhālika liman yashā'u waman yushrik billāhi faqadiftarā ithman 'azīmā
48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn 34.
Faallooyin hoose
34. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada uga xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada, waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari.