وَإِن مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا لَيُؤۡمِنَنَّ بِهِۦ قَبۡلَ مَوۡتِهِۦۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكُونُ عَلَيۡهِمۡ شَهِيدٗا ١٥٩
Wa im min ahlil-kitābi illā layu'minanna bihī qabla mawtihī wayawmal-qiyāmati yakūnu 'alayhim shahīdā
159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman 58. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
Faallooyin hoose
58. Yuhuudi iyo Nasraani kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Alle, iyo inuusan ahayn wiilkii Alle siday lahaayeen. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Nasaarada wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa).