حُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَٰٓئِبُكُمُ ٱلَّٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٢٣
Hurrimat 'alaykum ummahātukum wabanātukum wa akhawātukum wa'ammātukum wakhālātukum wabanātul-akhi wabanātul-ukhti wa ummahātukumul-lātī arda'nakum wa akhawātukum minar-radā'ati wa ummahātu nisā'ikum warabā'ibukumul-lātī fī hujūrikum min nisā'ikumul-lātī dakhaltum bihinna fa il lam takūnū dakhaltum bihinna falā junāha 'alaykum wahalā'ilu abnā'ikumul-ladhīna min aslābikum wa an tajma'ū baynal-ukhtayni illā mā qad salafa innallāha kāna ghafūrar rahīmā
23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin 16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga 17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan 18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan 19.
Faallooyin hoose
16. Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad,
17. Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin.
18. Islaamka ka hor. Kaddib markuu Alle soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka.
19. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo.