Suuradda An-Nisa, aayadda 142

4:142

إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَٰدِعُهُمۡ وَإِذَا قَامُوٓاْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُواْ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلٗا ١٤٢

Innal-munāfiqīna yukhādi'ūnallāha wahuwa khādi'uhum wa idhā qāmū ilas-salawāti qāmū kusālā yurā'ūnan-nāsa walā yadhkurūnallāha illā qalīlā

142. Munaafiqiintu 54 waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.

Faallooyin hoose

54. Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari.