Suuradda An-Nisa, aayadda 176

4:176

يَسۡتَفۡتُونَكَ قُلِ ٱللَّهُ يُفۡتِيكُمۡ فِي ٱلۡكَلَٰلَةِۚ إِنِ ٱمۡرُؤٌاْ هَلَكَ لَيۡسَ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَهُۥٓ أُخۡتٞ فَلَهَا نِصۡفُ مَا تَرَكَۚ وَهُوَ يَرِثُهَآ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهَا وَلَدٞۚ فَإِن كَانَتَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُمَا ٱلثُّلُثَانِ مِمَّا تَرَكَۚ وَإِن كَانُوٓاْ إِخۡوَةٗ رِّجَالٗا وَنِسَآءٗ فَلِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۗ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ أَن تَضِلُّواْۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ ١٧٦

Yastaftūnaka qulillāhu yuftīkum fil-kalālati inimru'un halaka laysa lahū waladun walahū ukhtun falahā nisfu mā taraka wahuwa yarithuhā il lam yakul lahā waladun fa in kānatathnatayni falahumath-thuluthāni mimmā taraka wa in kānū ikhwatar rijālan wanisā'an falidh-dhakari mithlu hazzil-unthayayni yubayyinullāhu lakum an tadillū wallāhu bikulli shay'in 'alīm

176. Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Alle baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.