Suuradda An-Nisa, aayadda 79

4:79

مَّآ أَصَابَكَ مِنۡ حَسَنَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ وَمَآ أَصَابَكَ مِن سَيِّئَةٖ فَمِن نَّفۡسِكَۚ وَأَرۡسَلۡنَٰكَ لِلنَّاسِ رَسُولٗاۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدٗا ٧٩

Mmā asābaka min hasanatin faminallāhi wamā asābaka min sayyi'atin famin nafsika wa arsalnāka lin-nāsi rasūlan wakafā billāhi shahīdā

79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Alle, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul ahaan, oo Alle baa ku filan Marag ahaan.