Suuradda An-Nisa, aayadda 34

4:34

ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعۡضَهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ وَبِمَآ أَنفَقُواْ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡۚ فَٱلصَّٰلِحَٰتُ قَٰنِتَٰتٌ حَٰفِظَٰتٞ لِّلۡغَيۡبِ بِمَا حَفِظَ ٱللَّهُۚ وَٱلَّٰتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَٱهۡجُرُوهُنَّ فِي ٱلۡمَضَاجِعِ وَٱضۡرِبُوهُنَّۖ فَإِنۡ أَطَعۡنَكُمۡ فَلَا تَبۡغُواْ عَلَيۡهِنَّ سَبِيلًاۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيّٗا كَبِيرٗا ٣٤

Ar-rijālu qawwāmūna 'alan-nisā'i bimā faddalallāhu ba'dahum 'alā ba'din wabimā anfaqū min amwālihim fas-sālihātu qānitātun hāfizātul lil-ghaybi bimā hafizallāhu wallātī takhāfūna nushūzahunna fa'izūhunna wahjurūhunna fil-madāji'i wadribūhunna fa in ata'nakum falā tabghū 'alayhinna sabīlan innallāha kāna 'aliyyan kabīrā

34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed 25, iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed 26. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda 27, waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 28, hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.

Faallooyin hoose

25. Wuxuu Alle ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa.

26. Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda oo xafiddaa jirkeeda.

27. Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagta gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninkeeda ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin xitaa hadduu yahay aabbaheed ama hooyadeed, iwm.

28. Xalka u dambeeya ee edbintooda waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato. Taasina waa hadday garaaciddu faa’ido keeni oo arrinka ka sii dareyn.