Suuradda An-Nisa, aayadda 101

4:101

وَإِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَقۡصُرُواْ مِنَ ٱلصَّلَوٰةِ إِنۡ خِفۡتُمۡ أَن يَفۡتِنَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْۚ إِنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ كَانُواْ لَكُمۡ عَدُوّٗا مُّبِينٗا ١٠١

Wa idhā darabtum fil-ardi falaysa 'alaykum junāhun an taqsurū minas-salawāti in khiftum an yaftinakumul-ladhīna kafarū innal-kāfirīna kānū lakum 'aduwwam mubīnā

101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda 43, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.

Faallooyin hoose

43. Waqtiyada cabsida ee la joogo goobta dagaalka. Siduu ahaa dhaqanka Rasuulka iyo asxaabtiisa waxaa ku cad in cabsidu ahayn sabab lagu soo gaabiyo salaadda, waxaa la soo gaabin salaadda markaad ka soo safarto degaankaagii. Afarta rakcadood waxaa lagu soo koobaa labo rakcadood.