يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَكُم بَيۡنَكُم بِٱلۡبَٰطِلِ إِلَّآ أَن تَكُونَ تِجَٰرَةً عَن تَرَاضٖ مِّنكُمۡۚ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُمۡ رَحِيمٗا ٢٩
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā ta'kulū amwālakum baynakum bil-bātili illā an takūna tijāratan 'an tarādim minkum walā taqtulū anfusakum innallāha kāna bikum rahīmā
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna 24 (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.
Faallooyin hoose
24. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay, waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari.