Suuradda An-Nisa, aayadda 157

4:157

وَقَوۡلِهِمۡ إِنَّا قَتَلۡنَا ٱلۡمَسِيحَ عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ رَسُولَ ٱللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمۡۚ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُۚ مَا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٍ إِلَّا ٱتِّبَاعَ ٱلظَّنِّۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينَۢا ١٥٧

Waqawlihim innā qatalnal-masīha 'īsabna maryama rasūlallāhi wamā qatalūhu wamā salabūhu walākin shubbiha lahum wa innal-ladhīnakhtalafū fīhi lafī shakkim minhu mā lahum bihī min 'ilmin illat-tibā'az-zanni wamā qatalūhu yaqīnā

157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle 56, _mase ay dilin 57 mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.

Faallooyin hoose

56. Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Alle jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s.

57. Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Alle wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s.