۞ وَٱلۡمُحۡصَنَٰتُ مِنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۖ كِتَٰبَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ وَأُحِلَّ لَكُم مَّا وَرَآءَ ذَٰلِكُمۡ أَن تَبۡتَغُواْ بِأَمۡوَٰلِكُم مُّحۡصِنِينَ غَيۡرَ مُسَٰفِحِينَۚ فَمَا ٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِهِۦ مِنۡهُنَّ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ فَرِيضَةٗۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا تَرَٰضَيۡتُم بِهِۦ مِنۢ بَعۡدِ ٱلۡفَرِيضَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا ٢٤
Wal-muhsanātu minan-nisā'i illā mā malakat aymānukum kitāballāhi 'alaykum wa uhilla lakum mā warā'a dhālikum an tabtaghū bi amwālikum muhsinīna ghayra musāfihīna famastamta'tum bihī minhunna fa'ātūhunna ujūrahunna farīdatan walā junāha 'alaykum fīmā tarādaytum bihī mim ba'dil-farīdati innallāha kāna 'alīman hakīmā
24. Iyo dhammaan haweenka la qabo kuway midigtiinna hanato maahee 20. (Kani waa) waxa uu Alle faral idiinka dhigay. Waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn 21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan dooneyn gaabsi. Kuwase aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib 22. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Faallooyin hoose
20. kuway midigtiinna hanato maahee, waxaa loola jeedaa kuwa ayan nimankooda qafaalka ku jirin, eeg Suuradda An-Nisaa: 3
21. Waxaan ahayn haweenka lagu xusay Suuradda An-Nisaa Aayadda 23aad.
22. Inuu kordhiyo ama naaqusiyo amaba uusan bixin meherkii lagu heshiiyey.