Suuradda An-Nisa, aayadda 15

4:15

وَٱلَّٰتِي يَأۡتِينَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمۡ فَٱسۡتَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِنَّ أَرۡبَعَةٗ مِّنكُمۡۖ فَإِن شَهِدُواْ فَأَمۡسِكُوهُنَّ فِي ٱلۡبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلۡمَوۡتُ أَوۡ يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلٗا ١٥

Wallātī ya'tīnal-fāhishata min nisā'ikum fastashhidū 'alayhinna arba'atam minkum fa in shahidū fa amsikūhunna fil-buyūti hattā yatawaffāhunnal-mawtu aw yaj'alallāhu lahunna sabīlā

15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan 11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo 12.

Faallooyin hoose

11. Markhaatiyada waa inay ku dhaartaan inay dhab ahaan arkeen ficilkaa oo lagu gudo jiro.

12. Inuu Alle waddo u sameeyo waa tilmaan soo degidda suuradda An-Nuur, Q 24: Aayadda 2aad ee xadka zinada. Waxaana lagu nasakhay xukunka aayaddan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: «Iga qaata: Labada bikrada ah aan horay u guursan ee zineysta ciqaabtoodu waa boqol jeedal iyo ka saaritaan degaanka, labada wax soo guursatayna ama xaas ah markaa oo zineysta waa boqol jeedal iyo in dhagax lagu dilo.» W.w. Muslim.