لَّيۡسَ بِأَمَانِيِّكُمۡ وَلَآ أَمَانِيِّ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِۗ مَن يَعۡمَلۡ سُوٓءٗا يُجۡزَ بِهِۦ وَلَا يَجِدۡ لَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا ١٢٣
Llaysa bi amāniyyikum walā amāniyyi ahlil-kitābi man ya'mal sū'an yujza bihī walā yajid lahū min dūnillāhi waliyyan walā nasīrā
123. Ma aha hididdiillooyinkiinna 48 iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
Faallooyin hoose
48. “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayaddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka.