Islaamka nolosha maalinlaha ah

Casharka 3 ee 4

Sidee buu Muslimku u hadlaa una dhaqmaa deriskiisa?

Quraanka

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا يَسۡخَرۡ قَوۡمٞ مِّن قَوۡمٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُونُواْ خَيۡرٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا نِسَآءٞ مِّن نِّسَآءٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُنَّ خَيۡرٗا مِّنۡهُنَّۖ وَلَا تَلۡمِزُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ وَلَا تَنَابَزُواْ بِٱلۡأَلۡقَٰبِۖ بِئۡسَ ٱلِٱسۡمُ ٱلۡفُسُوقُ بَعۡدَ ٱلۡإِيمَٰنِۚ وَمَن لَّمۡ يَتُبۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ﴿١١﴾ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱجۡتَنِبُواْ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلظَّنِّ إِنَّ بَعۡضَ ٱلظَّنِّ إِثۡمٞۖ وَلَا تَجَسَّسُواْ وَلَا يَغۡتَب بَّعۡضُكُم بَعۡضًاۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمۡ أَن يَأۡكُلَ لَحۡمَ أَخِيهِ مَيۡتٗا فَكَرِهۡتُمُوهُۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٞ رَّحِيمٞ ﴿١٢﴾

11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib Iimaanka. Qofkaan tawbad keenin waa kuwaas kuwa ah daalimiinta. 12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka dheeraada malaha badanki, malaha qaarki waa denbi. Ha is jaasuusina, qaarkiinna yaanay xaman qaar kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Alle ka cabsada (iskana jira xumaha). Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.

Al-Hujurat 49:11-12Ka akhri Quraanka

Sunnada

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, Qofka rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha Jaarkiisa ha maamuuso, Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaame rumaysan ha maamuuso Martidiisa."

Xadiis la isku waafaqay Xadiis Saxiix ah HadeethEnc.com
Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Adoonka muuminka ee rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha ee loo celinaayo Qiyaamaha ee abaal marinta camalkiisu ay jirto, in imaankiisu ku dhiiri geliyo inuu Sifooyinkaa wanaagsan sameeyo:

Tan koobaad: hadalka wanaagsan: ee ah tasbiixda, tahliilka, wanaag farida, xumo reebida, islaaxinta dadka dhexdooda, intaa haduuna samayn karin ha iska aamuso dadkana dhibkiisa ha ka daayo, Carabkiisana ha xafido.

Tan labaad: maamuuska Dariska: oo ah in loo ixsaan falo oo aan la dhibin.

Tan seddexaad: maamuuska martida ku soo siyaarata: oo ah hadal wanaagsan, sooryeyn wanaagsan, iyo wixii la mid ah.

Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."

Xadiis la isku waafaqay Xadiis Saxiix ah HadeethEnc.com
Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Malakul Jibriil kama uu tegin inuu Jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan".

Xadiis la isku waafaqay Xadiis Saxiix ah HadeethEnc.com
Sharaxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Malakul Jibriil uusan ka tagin inuu ku celceliyo oo uu amrayo Jaarka ilaalintiisa, kaasoo ah Guriga u dhaw, xataa haduu yahay Muslim, Gaal, Qaraabo, ama Shisheeye waa in la ilaaliyo xaqiisa oo aan la dhibin, waa in loo ixsaan falo oo lagu sabro dhibkiisa, ilaa uu u maleeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu arkay sida uu u weyn yahay xaqa Jaarku oo uu ugu celcelinaayo Jibriil ayuu u maleeyey in waxyi ku soo dagi doono in la siiyo Xoolaha uu ka tagidoono markuu dhinto.

Dhammaan casharrada