Islaamka nolosha maalinlaha ah

Casharka 4 ee 4

Alle ma i dambi dhaafi doonaa?

Quraanka

۞ قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ﴿٥٣﴾

53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan . Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

Az-Zumar 39:53Ka akhri Quraanka

۞ وَٱكۡتُبۡ لَنَا فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗ وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِنَّا هُدۡنَآ إِلَيۡكَۚ قَالَ عَذَابِيٓ أُصِيبُ بِهِۦ مَنۡ أَشَآءُۖ وَرَحۡمَتِي وَسِعَتۡ كُلَّ شَيۡءٖۚ فَسَأَكۡتُبُهَا لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِنَا يُؤۡمِنُونَ ﴿١٥٦﴾

156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakadana bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.

Al-A'raf 7:156Ka akhri Quraanka

إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلٗا صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمۡ حَسَنَٰتٖۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ﴿٧٠﴾

70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Al-Furqan 25:70Ka akhri Quraanka

Sunnada

Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane.

Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed Xadiis Saxiix ah HadeethEnc.com
Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in kuwa u naxariista dadka kale iyagana Raxmaanku u naxariisto, naxariistaas oo cid walba gaartay, iyadoo lagu abaal marinaayo ficilkoodii.

Ka dibna wuxuu amray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, Dad, Xayawaan, Shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga Samada.

Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."

Waxa wariyay Muslim Xadiis Saxiix ah HadeethEnc.com
Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo Adoomadiisa, Hadii adoonku Maalintii dambaabo oo Habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii Habeenkii uu dambaabo oo Maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa Gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa Qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in Aduunkii dhamadaay, hadii Qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.

Dhammaan casharrada