Islaamka nolosha maalinlaha ah

Casharka 2 ee 4

Maxay Islaamku ka yiraahdaa waalidiinta?

Quraanka

۞ وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنًاۚ إِمَّا يَبۡلُغَنَّ عِندَكَ ٱلۡكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوۡ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفّٖ وَلَا تَنۡهَرۡهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوۡلٗا كَرِيمٗا ﴿٢٣﴾ وَٱخۡفِضۡ لَهُمَا جَنَاحَ ٱلذُّلِّ مِنَ ٱلرَّحۡمَةِ وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا ﴿٢٤﴾

23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” , hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh. 24. U raarici ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.

Al-Isra 17:23-24Ka akhri Quraanka

وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حَمَلَتۡهُ أُمُّهُۥ وَهۡنًا عَلَىٰ وَهۡنٖ وَفِصَٰلُهُۥ فِي عَامَيۡنِ أَنِ ٱشۡكُرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيۡكَ إِلَيَّ ٱلۡمَصِيرُ ﴿١٤﴾

14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga inuu (daryeelo oo) baarri u ahaadolabadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi Aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe.

Luqman 31:14Ka akhri Quraanka

Dhammaan casharrada