Goorma ayaa ducada la aqbalaa? Wakhtiyada iyo sababaha

Wakhtiyada iyo xaaladaha ugu badan ee la rajeeyo in ducada la aqbalo.

1 Hal mar

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya."

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu Sujuudsan yahay, taasina waa Qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna Sharafta badan jirkiisa isago Ilaahay Casa Wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo Sujuudsan.

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo Sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.

Faa'iidooyin

  • Cibaadadu waxay u kordhisaa Adoonka u dhawaanshaha Ilaahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.
  • Waxaa Suno ah in Sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Majiro Shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."

Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed Darajada: Xadiis Xasan ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inaanu jirin Shay cibaadada ka mid ah ee Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Ilaahay inuu qani yahay Isagaa nusqaan ka hufane, waxa kaloo ku jira ducada in la citiraafo in Adoonku tabar yar yahay oo uu Ilaahay u baahan yahay.

Faa'iidooyin

  • Fadliga ducada iyo in Qofka Ilaahay barya uu wayneeyey, ee uu qiray inuu qani yahay isagaa xumaan ka hufane waayo faqiir lama baryo, wuxuu qiray inuu Samiic yahay waayo Dhagool lama baryo, Kariimna yahay waayo Bakhiil lama baryo oo uu Raxiim yahay waayo Qabiid lama baryo, Qaadirna yahay waayo Daciif lama baryo oo uu dhaw yahay waayo mid fog kuma maqlayo iyo Sifaadka kale ee Ilaahay Waynaantiisa iyo Quruxdiisa ku Saabsan isagaa xumaan ka nasahane.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Goorma ayaa ducada la aqbalaa: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.