Adkaarta salaadda kadib (salaad kasta kadib)

Xusidda Allaah ee la sameeyo salaadaha waajibka ah kadib, marka salaanta la bixiyo.

1 Hal mar

أَسْتَغْفِرُ اللَّهَ (٣)، اللَّهُمَّ أَنْتَ السَّلَامُ وَمِنْكَ السَّلَامُ، تَبَارَكْتَ يَا ذَا الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ

Macnaha iyo isha

Thawbaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu Salaada ka baxo seddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri: " Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam. Waliid wuxuu yiri: waxaan ku iri Aw Saaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu Salaada ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.

Ka dibna Rabigii ayuu waynaynaayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, Yaa Dal Jalaal wal Ikraam, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamil, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad geliyo sharta Aduun iyo tan Aakhiro cid kale lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada Daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.

Faa'iidooyin

  • Waxaa Suna ah in la istiqfaarsado Salaadaha gadaashooda, lana joogteeyo.
  • Waxaa loo Suneeyey istiqfaarta si loo dhamaystiro naqsiga cibaadada ku yimaada oo lagu kabo daacada laga gaabiyey.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

Macnaha iyo isha

Waraad oo ahaa qoraagii Muqiira Binu Shucba Allaha ka raali ahaade waxaaa laga wariyey inuu yiri: Muqiira Binu Shucba ayaa iigu yeeriyey qoraal uu u diraayey mucaawiye: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray Salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majirto cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diido, mid awood lihina awoodiisu xagaaga wax uga tarto".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray Salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majiro cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diido, mid awood lihina awoodiisu xagaaga cid wax ugama tarto ".

Waxaan qirayaa oo aqoonsanahay, kalimada tawxiidka, ee: laa ilaaha Ilaa Allah, cibaadada xaqa ah waxaan u qirayaa Allah oo kaliya, waana u diidayaa waxa Ilaahay kasoo hara oo dhan, mana jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo Allah ahayn, waxaa kaloo qirsanahay mulkiga runta ah ee taamka ahi inuu Ilaahay leeyahay, dhamaan mahada kuwa ku sugan samooyinka iyo kuwa sugan dhulkuba inay Ilaahay u sugan tahay, waayo Isagaa ah Allaha wax walba awooda ah, waxa uu qadaro bixintiisa ee deeqihiisa ah, ama uu diido wax ka hor iman karaa majiro, mid qani ihi qanimadiisa xaga Ilaahay cidna wax ugama tarayo, waxaa wax taraya waa camalka saalixa ah oo kaliya.

Faa'iidooyin

  • Waa Suno in la akhristo Adkaartaa Salaadaha gadaashooda, waxaa ku jira darteed ee ah erayada tawxiidka iyo mahad celinta Ilaahay.
  • Waa in loo degdego gudashada Sunada lana faafiyo

Ka akhri HadeethEnc.com

3 Hal mar

لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللهِ، لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، ‌وَلَا ‌نَعْبُدُ ‌إِلَّا إِيَّاهُ، لَهُ النِّعْمَةُ وَلَهُ الْفَضْلُ وَلَهُ الثَّنَاءُ الْحَسَنُ، لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ

Macnaha iyo isha

Abii Subeyr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ibnu Subeyr wuxuu oran jirey dhaha Salaad kasta gadaasheeda marka uu salaama naqsado: "majiro Ilaah Xaq lagu Caabudo ee aan Allah ahayn, mana jiro wax la wadaaga Boqornimadiisa, isagaana leh mahad oo dhan, wax walbana isagaa awooda, xeelad iyo awood aan isaga xagiisa ahaynna majirto, Ilaahay mooyee Ilaah kalana majiro, isaga mooyee cid kalana macaabudayno, nicmada iyo fadliga oo dhanna isagaa iskaleh, amaan wanaagsana isgay u sugnaatay, Ilaahay maahee Ilaah kale majiro, isagaan u barax tiraynaa camalkayaga iyo umuuraha Diinta oo dhan, xataa haday gaaladu dhibsadaan" wuxuuna dhahay: "wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid dhaha dikrigaan Salaad kasta dabadeeda".

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu ka boxo Salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa:

"Laa Ilaaha ilaa Allaah": majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn.

"Waxdahuu laa shariika lahu" ma jiro cid la wadaagta Ilaah Nimcadiisa, Rabi nimadiisa, magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa.

"Lahul-mulku" Ilaahay kaligi ayaa iska leh mulkiga guud ee caamka ah ee shaamilka ah ee waasica ah waa mulkiga Samooyinka iyo Dhulka iyo inta dhuxaysa.

"Walahul-xamdu" Ilaahay isagaa ku sifoobay kaamilnimo guud oo lagu mahadiyo maxabo kaamila iyo xaalad walba oo la wayneeyo, hadii dhib jiro iyo hadii dheefi jirtoba.

"Wa huwa calaa kulli shay'in qadiir" awoodiisu waa kaamil oo dhinac walba taamka ah wax uusan awoodin ma jiro arin ku adkaanayana ma jiro.

"Laa xawla walaa quwata ilaa Billaah" ma jirto cid xaalad uga wareegi karta xaalad kale ama xaalad macsi ah uga wareegi karta xaalad cibaado ah, cid awood leh ma jirto in Ilaahay u kaalmeeyo mooyee oo isaga la talo saarto.

"Laa ilaaha Ilaa Allaah,walaa nacbudu ilaa Iyaahu" waa hadal xoojinaya macnaha Ilaahnimada, oo diidaya Shirkiga, mana jiro cid cibaadada xaq u leh oo aan Ilaahay ahayn.

"Lahu nicmatu walahul-fadlu" Ilaahay Isagaa abuuray nicmooyinka isagaana leh, wuxuuna siiyaa ciduu doono ee Adoomadiisa ah.

"Walahu thanaa ul-xusan" amaanta fiican waxaa iska leh Ilaahay Daatadiisa, Afcaashiisa, Nicmooyinkiisa iyo xaalad walba.

"Laa ilaaha ilaa Allaah, mukhlisiina lahu Diin" Ilaahay ayaan kali yeelaynaa cidna istusimayno cidna maqashiin mayno Ilaahay cibaadadiisa.

"Walow kariha AlKaafiruun waxaan ku sugnaanaynaa towxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa haba dhibsadaan gaaladuye.

Faa'iidooyin

  • Waa Suno in la ilaaliyo dikrigaan Salaad walba oo waajiba gadaasheeda.
  • Muslimku wuxuu ku faanaa oo ciso ku leeyahay Diintiisa wuuna muujiyaa cibaadada diinta, xataa haday dhibsadaan Gaaladu.
  • Hadii ay ku soo aroorto Xadiiska erayga: "Salaada dabadeeda" hadii aanu ku sugnayn xadiiska dikri, sida asalka ahi waa in dikrigaasi salaama naqsiga ka dambeeyaa, hadayse duco tahay waxay ahaanaysaa salaama naqsiga ka hor.

Ka akhri HadeethEnc.com

4 Hal mar

سُبْحَانَ اللَّهِ (٣٣)، الْحَمْدُ لِلَّهِ (٣٣)، اللَّهُ أَكْبَرُ (٣٣)، لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka dhaha Salaada faralka ah gadaasheeda:

33jeer: (Subxaana Allaah) waana Ilaahay oo laga nasahayo ama laga hufayo wax kastoo nusqaan ah.

Iyo 33 jeer: (Alxmdu lillaah), waana amaan Ilaahay lagu amaanayo Sifooyinkiisa kaamilka ah, Isagoo la jecel yahay lana wayneynaayo.

Iyo 33 jeer: (Allaahu akbar), waana Ilaahay inuu ka wayn yahay oo ka mudan yahay shay walba.

Waxaa lagu dhamaystirayaa tirada 100 hadka ah: (laa ilaaha illaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku, walahul-xamdu, wahuwa calaa kulli shay'in qadiir) oo macneheedu yahay: majiro macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn isagoo kaligi ah ee shariig lahayn, Isagaana nusqaan oo dhan ka hufan, oo gaar uleh boqornimada taamka ah, Isagaana xaq leh amaanta buuxda iyo in la jeclaado oo la wayneeyo, Isagaana awood badan oo wax is hortaagi karana jirin.

Qofka dhaha intaa waxaa laga tiraa dambiyadiisa, waana loo dambi dhaafaa haba u badnaato sida xoorka cad ee badda korkeeda saaran marka mawjada baddu kacdo.

Faa'iidooyin

  • Waa suno in dikrigaan la akhriyo salaadaha faralka ah ka dib.
  • Dikrigani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo.
  • Fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa iyo dambi dhaafkiisuba aad bay u wayn yihiin.
  • Dikrigaani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo, waxaana loo jeedaa: dambiyada yar-yar, laakiin dambiyada waaweyn laguma dhaafo waxaan towbokeen ahayn.

Ka akhri HadeethEnc.com

5 Hal mar

Macnaha iyo isha

Kacab Binu Cujra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir".

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay adkaar aanu khasaarayn oo uusan ka qoomamayn qofka akhrista, balse uu ka halayo kalimadkaa ajar, oo qaarba qaar ka daba imaanayo, waxaana la akhristaa salaadaha faralka ah gadaashooda, waana sidan:

''subxaana Allaah'' 33 jeer, macnaheeduna waa Ilaahay ayaa ka nasahan oo ka reeban nusqaan walba.

''Alxamdu lillaah'' 33 jeer, macnaheedu waa Ilaahay wuxuu ku tilmaaman yahay kaamilnimo taam ah, iyadoo ay la jirto jeclaantiisa iyo waynayntiisu.

''Allaahu akbar''34 jeer, macnaheedu waa Ilaahay baa ka wayn oo ka cisi iyo sharaf badan wax walba.

Faa'iidooyin

  • Tasbiixda iyo taxmiida iyo takbiirtu fadli ayey leeyihiin, waana la dhahaa Albaaqiyaat Alsaalixaat.

Ka akhri HadeethEnc.com

6 Hal mar

اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ مَنْ ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ

Macnaha iyo isha

Abii Umaama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".

رواه النسائي في الكبرى Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Salaadaha faralka ah gadaashooda akhriya aayatul kursiga ay janada galitaankeeda geeridu uuni ka xigto, waxayna ku jirtaa suurada Albaqara, waana Aayadaan: " Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn majiro, waana Allaha nool, ِAllaha qayuumka ah, ma qabato lulmo iyo hurdo midna wuxuu iska leeyahay oo u sugnaaday Samooyinka iyo Dhulka waxa ku sugan oo dhan, yuu yahay midka shafeeco qaadi kara idan la'aantiisa, wuxuu og yahay waxa ka horeeya-dadka- iyo waxa ka dambeeyaba, makoobikaraan oo wax badan kama ogaan karaan cilmiga Ilaahay ee balaaran wax yar oo uu doono maahee, wuu ka balaaran yahay kursigiisu Samooyinka iyo dhulkaba, kumana adka Ilaahay ilaalinta Samooyinka iyo Dhulka, waana Allaha saraynta iyo waynida badan". [Al baqara:255]

Faa'iidooyin

  • Xadiiskaan waxaa ku cad fadliga wayn ee aayatul-kursigu leedahay, waayo waxa ku jira magacyada Ilaahay ee wanaagsan iyo sifooyinkiisa sareeya ah.
  • Waa Sune in la akhriyo aayadan wayn Aayad kursiga Salaad walba oo faral ah gadaasheeda.
  • Camalka wanaagsani wuxuu sabab u noqdaa galitaanka Janada.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Adkaarta salaadda kadib: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.