Ducooyinka salaadda: furitaanka, rukuuca, sujuudda iyo tashahhudka

Ducooyinka uu Nabigu ﷺ ku odhan jiray salaadda dhexdeeda, laga bilaabo takbiirta furitaanka ilaa salaanta.

1 Hal mar

اللهُمَّ بَاعِدْ بَيْنِي وَبَيْنَ خَطَايَايَ كَمَا بَاعَدْتَ بَيْنَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ، اللهُمَّ نَقِّنِي مِنْ خَطَايَايَ كَمَا يُنَقَّى الثَّوْبُ الْأَبْيَضُ مِنَ الدَّنَسِ، اللهُمَّ اغْسِلْنِي مِنْ خَطَايَايَ بِالثَّلْجِ وَالْمَاءِ وَالْبَرَدِ

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto wuu yara aamusi jiray intaanu faatixada akhrin, wuxuuna salaadiisa ku bilaabi jiray qaar ka mida ducooyinka, waxaa ka mida ducooyinka ku soo arooray oraahdiisii: "Allahayow, nakala fogee aniga iyo dambiyadayda, sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow iiga nadiifi dambiyadayda sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda biyo, baraf iyo biyo qabow", Wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu kala dheereeyo isaga iyo dambiyadiisa, si aanu ugu dhicin, oo uu ka fogeeyo fogaan aanay wada kulmin, sida bari iyo galbeed aanay waligood u kumayn, haduu dambi ku dhocona Ilaahay uga nadiifiyo sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, oo uu dambiga ka dhaqo oo ka qaboojiyo ololkiisa iyo kulaylkiisa, oo uu uga dahiro kuwaan wax lagu dahiro ee qabow, oo ah biyo, baraf iyo biyo qabow.

Faa'iidooyin

  • Waana la siraystaa ducada salaada lagu bilaabo xataa haday tahay salaada jahriyada ah, sida Maqribka iyo Cishaha.
  • Asxaabta Nabigu scw waxay ku dadaali jireen inay arimahiisa oo dhan ogaadaan, dhaqdhaqaaqiisa iyo daganaantiisaba.
  • Qaabab kale oo ducada salaada lagu bilaabo ah ayaa soo arooray, sida ugu fadliga badana waa inuu qofku ducooyinka soo arooray ee Nabiga scw ka sugan midba mar la yimaado.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، اللَّهُمَّ رَبَّنَا لَكَ الْحَمْدُ، مِلْءَ السَّمَاوَاتِ وَمِلْءَ الْأَرْضِ وَمِلْءَ مَا شِئْتَ مِنْ شَيْءٍ بَعْدُ

Macnaha iyo isha

Ibni Abii Awfaa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah, Allaahuma Rabanaa lakal-xamdu, mila'asamaawaati wa mila'al Ardi wa mila'a maa shi'ita min shay'in bacdahu."

Ilaahay wuu maqlaa Qofka u mahad naqa, Allahayow Rabigayow adaa mahad leh, intay samadu qaado, intuu dhulku qaado iyo muga waxaad adigu doonto oo dhan intaa ka dib".

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee marka uu ka tooso Rukuucda Salaadda mid dhaha: "Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya ee u mahad naqa", oo macneheedu yahay: Qofka Ilaahay u mahad naqa Ilaahayna wuu aqbalaa mahad naqiisa wuuna ka ajar siiyaa, haddana Ilaahay ayuu u mahad naqayey isagoo dhahaya: "Allahayoow Rabigayoow aday mahadi kuu sugnaatay, inta samada iyo dhulku qaadaan, iyo intaa in ka badan oo waxaad doonto ah waxay qaadi karaan oo mahad ah aday kuu sugnaatay", mahad naq buuxiya samooyinka iyo dhulalka iyo inta u dhaxaysa, iyo waxa kale ee Illaahey doono mahad naq buuxiya.

Faa'iidooyin

  • Waa cadayn waxa sunada ah ee uu oranaayo Qofka tukanaya markuu Rukuuca Madaxiisa kor uga soo qaadayo.
  • WaaSsharci in lala yimaado Ictidaalka iyo Dumaaniinada marka laga soo tooso Rukuuca, waayo suura gal maaha in Adkaartaas la dhoho in lala yimaado Ictidaal iyo Dumaaniino mooyee.
  • Adkaartaasi waa sharci in la akhriyo dhamaan Salaadaha oo dhan, faral iyo Sunaba.

Ka akhri HadeethEnc.com

3 Hal mar

اللَّهمَّ اغْفِرْ لي، وارْحَمْنِي، وعافِني، واهْدِني، وارزقْنِي

Macnaha iyo isha

Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo Aabbihiyee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq".

Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed Darajada: Xadiis Xasan ah marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee Muslimku si weyn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka Aduunyada iyo kan Aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtada, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.

Faa'iidooyin

  • Ducadaasi waa sharci in la akhriyo fadhiga labada sujuudood u dhexeeya.
  • Ducooyinkani waa qaar aad u fadli badan waxa ku jira khayrka Aduun iyo kan Aakhiraba.

Ka akhri HadeethEnc.com

4 Hal mar

اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا صَلَّيْتَ عَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ، اللَّهُمَّ بَارِكْ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا بَارَكْتَ عَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ

Macnaha iyo isha

Caburraxmaan Binu Abii Leylaa wuxuu yiri: waxaan la kulmay Kacab Binu Cujrah, wuxuuna igu yiri: hadiyad makusiiyaa? Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa? wuxuu yiri: "waxaad dhahdaan: Allahayow u naxariiso Maxamad iyo

Ehelada Maxamadba, sida aad ugu naxariisatay Ibraahim iyo Ehelada Ibraahim, adigu waxaad tahay Ilaahii mahad badan oo sharaf badane, Allahayow barakee Maxamad iyo Ehelada Maxamad, sida aad u barakaysay Ibraahim iyo Eheladiisa, waxaad tahay Ilaahii mahad badan oo sharaf badane."

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Waxay weydiiyeen asaxaabtu Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- qaabka loogu sallinayo isaga? ka dib markay Ataxyaadka ku barteen sida ay u salaamayaan Nabiga scw: ((salaani korkaaga ha ahaato Nabi yahow iyo naxariista Ilaahay iyo barakadiisu...))? Wuxuu u sheegay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- sida loogu sallinayo, iyo macnaheedaba: ((Allahayow u naxariiso Maxamad iyo Ehelada Maxamadba)) macnaheedu waa: Allahayow ku amaan hadal wanaagsan malaa'igtaada agteeda Maxamad iyo kuwa diintiisa raacay iyo mu'uminiinta qaraabadiisa ah. ((sida aad ugu naxariisatay Ehelada Ibraahim)) Sida aad naxariistaada u siisay Ehelada Ibraahim-nabadi korkiisa ha ahaatee-oo ah: Ibraahim, Ismaaciil, Isxaaq, caruurtoodii iyo kuwa raacay ee mu'uminiinta ah, Maxamadna gaarsii galladdaada-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. ((waxaad tahay Ilaah mahad badan oo sharaf badane)) Ilaahow waxaa la mahadiyaa adiga, sifooyinkaaga, iyo ficilkaaga, Ilaahow way balaaran tahay waynaantaadu, boqor tooyadaadu iyo wax bixintaaduba. ((Allahayow barakee Maxamad iyo Eheladiisaba, sida aad u barakaysay Ehelada Ibraahim)) Ilaahayow Nabiga scw sii kheyrka iyo karaamada tan ugu wayn oo u siyaadi una sug.

Faa'iidooyin

  • Dadkii hore ee salafu saalixa ahaa waxay ahaayeen kuwo isku hibeeya masalooyinka cilmiga ah.
  • Waa waajib salliga Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in lagu akhriyo ataxiyaadka dambe dhexdiisa.
  • Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu baray asaxaabtiisa sida loo salaamayo iyo sida loogu sallinayo isaga.
  • Qaabkan aan soo marnay waa qaabka ugu kaamilsan ee Suubbanaha loogu salliyo-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-.

Ka akhri HadeethEnc.com

5 Hal mar

اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ القَبْرِ، وَمِنْ عَذَابِ النَّارِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالمَمَاتِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَسِيحِ الدَّجَّالِ

Macnaha iyo isha

Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal."

hadal kale oo Muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto Ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka Masiixu Dajaal."

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, Ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa,

Tan 1aad: Cadaabta Qabriga.

Tan 2aad: Cadaabta Naarta ee Maalinta Qiyaamaha.

Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah Shahawaatka Aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo Islaamnimada ama Sunada uu ka leexdo, fitnada Qabriga sida su'aasha labada Malag.

Tan 4aad: fitnada Masiixu Dajaal ka soo bixidoona Aakhiru Samaanka, Ilaahayna Adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.

Faa'iidooyin

  • Magan galkaani waa waxa ugu muhimsan ducada wax badana soo hoos galayaan, waayo waxaa soo galaya in laga magan galo Sharka Aduunka iyo Aakhiraba.
  • Waa sugan yahay Cadaabul Qabrigu waana xaq.
  • Fitantu waa khatar waana muhiim in Ilaahay la kaalmaysto oo lana baryo si looga nabad galo.
  • Way sugan tahay soo bixida Dajaal fitnadiisuna waa wayn tahay.
  • waxaa Suna ah ducadan in la Akhristo Ataxiyaadka u dambeeya ka dib.
  • camalka saalixa ah ka dib ducadu waa Suno

Ka akhri HadeethEnc.com

6 Hal mar

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya."

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu Sujuudsan yahay, taasina waa Qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna Sharafta badan jirkiisa isago Ilaahay Casa Wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo Sujuudsan.

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo Sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.

Faa'iidooyin

  • Cibaadadu waxay u kordhisaa Adoonka u dhawaanshaha Ilaahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.
  • Waxaa Suno ah in Sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Ducooyinka salaadda: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.