Juz' 11 يعتذرون

Laga bilaabo Suuradda At-Tawbah 9:93 ilaa Suuradda Hud 11:5

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Suuradda At-Tawbah

۞ إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَسۡتَـٔۡذِنُونَكَ وَهُمۡ أَغۡنِيَآءُۚ رَضُواْ بِأَن يَكُونُواْ مَعَ ٱلۡخَوَالِفِ وَطَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٩٣

Innamas-sabīlu 'alal-ladhīna yasta'dhinūnaka wahum aghniyā'u radū bi an yakūnū ma'al-khawālifi wataba'allāhu 'alā qulūbihim fahum lā ya'lamūn

93. Waxaa uun jid (eedeyn ah) lagu leeyahay kuwa idan kaa qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka) iyagoo hodan ah deeqtoon. waxay ku raalli noqdeen inay la joogaan kuwa dib u haray, wuxuuna Alle daboolay quluubtooda marka ma ay oga (waxa ay waayayaan).

يَعۡتَذِرُونَ إِلَيۡكُمۡ إِذَا رَجَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡۚ قُل لَّا تَعۡتَذِرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ لَكُمۡ قَدۡ نَبَّأَنَا ٱللَّهُ مِنۡ أَخۡبَارِكُمۡۚ وَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمۡ وَرَسُولُهُۥ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٩٤

Ya'tadhirūna ilaykum idhā raja'tum ilayhim qul lā ta'tadhirū lan nu'mina lakum qad nabba'anallāhu min akhbārikum wasayarallāhu 'amalakum warasūluhū thumma turaddūna ilā 'ālimil-ghaybi wash-shahādati fayunabbi'ukum bimā kuntum ta'malūn

94. Way idiin cudur daaran markaad u laabataan. Dheh: Ha cudurdaaranina, marnaba idinma rumaysaneyno. Alle baa noo sheegay arrimo ku saabsan xaalkiinna. Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa, markaas waxaa dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiinka warrami waxaad fali jirteen oo dhan.

سَيَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ لَكُمۡ إِذَا ٱنقَلَبۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ لِتُعۡرِضُواْ عَنۡهُمۡۖ فَأَعۡرِضُواْ عَنۡهُمۡۖ إِنَّهُمۡ رِجۡسٞۖ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٩٥

Sayahlifūna billāhi lakum idhanqalabtum ilayhim litu'ridū 'anhum fa a'ridū 'anhum innahum rijsun wama'wāhum jahannamu jazā'a bimā kānū yaksibūn

95. Waxay idiinku dhaaran Alle (inay cudur daar heystaan) markaad ka soo laabataan (dagaalka Tabuuk) si aad uga jeesataan. Ee isaga jeesta; waa qurune, hoygooduna waa Jahannama - abaal marin waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah).

يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ لِتَرۡضَوۡاْ عَنۡهُمۡۖ فَإِن تَرۡضَوۡاْ عَنۡهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَرۡضَىٰ عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡفَٰسِقِينَ ٩٦

Yahlifūna lakum litardaw 'anhum fa in tardaw 'anhum fa innallāha lā yardā 'anil-qawmil-fāsiqīn

96.Way idiin dhaaran si aad uga raalli noqo- taan, haddiise aad ka raalli noqotaan, Alle kama raalli noqdo qoloda fallaagada ah.

ٱلۡأَعۡرَابُ أَشَدُّ كُفۡرٗا وَنِفَاقٗا وَأَجۡدَرُ أَلَّا يَعۡلَمُواْ حُدُودَ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ٩٧

Al-a'rābu ashaddu kufran wanifāqan wa ajdaru allā ya'lamū hudūda mā anzalallāhu 'alā rasūlihī wallāhu 'alīmun hakīm

97. (Qaar ka mid ah) reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah baa) ugu daran gaalnimo iyo munaafaqnimo, oo aan isku taxalujin inay ogaadaan soohdimaha wuxuu Alle ku soo dejiyey Waxyi ahaan Rasuulkiisa. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.

وَمِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مَن يَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ مَغۡرَمٗا وَيَتَرَبَّصُ بِكُمُ ٱلدَّوَآئِرَۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٞ ٩٨

Waminal-a'rābi man yattakhidhu mā yunfiqu maghraman wayatarabbasu bikumud-dawā'ira 'alayhim dā'iratus-saw'i wallāhu samī'un 'alīm

98. Reer miyigaana (Madiina hareeraheeda ah) waxaa ka mid ah kuwo u arka waxay bixiyaan inuu yahay ganaax (iyo khasaaro), oo idinla suga belaayo (idinku dhacda), dushooda (bay ahaan) belaayada wareegta. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

وَمِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مَن يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَيَتَّخِذُ مَا يُنفِقُ قُرُبَٰتٍ عِندَ ٱللَّهِ وَصَلَوَٰتِ ٱلرَّسُولِۚ أَلَآ إِنَّهَا قُرۡبَةٞ لَّهُمۡۚ سَيُدۡخِلُهُمُ ٱللَّهُ فِي رَحۡمَتِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٩٩

Waminal-a'rābi man yu'minu billāhi wal-yawmil-ākhiri wayattakhidhu mā yunfiqu qurubātin 'indallāhi wasalawātir-rasūli alā innahā qurbatul lahum sayudkhiluhumullāhu fī rahmatihī innallāha ghafūrur rahīm

99. Waxaase reer miyigaa (Madiina hareeraheeda ah) ka mid ah kuwo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ka yeesha waxay bixiyaan (habab ay ku mutaan) u dhowaansho Alle iyo ducooyinka Rasuulka. Waxay u ahaan dhowaansho. Alle wuxuu galin Naxariistiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَٱلسَّٰبِقُونَ ٱلۡأَوَّلُونَ مِنَ ٱلۡمُهَٰجِرِينَ وَٱلۡأَنصَارِ وَٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُم بِإِحۡسَٰنٖ رَّضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُ وَأَعَدَّ لَهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي تَحۡتَهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١٠٠

Was-sābiqūnal-awwalūna minal-muhājirīna wal-ansāri walladhīnat-taba'ūhum bi ihsānir radiyallāhu 'anhum waradū 'anhu wa a'adda lahum jannātin tajrī tahtahal-anhāru khālidīna fīhā abadan dhālikal-fawzul-'azīm

100. Kuwase u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta 30 iyo Ansaarta 31 iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuu u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn.

وَمِمَّنۡ حَوۡلَكُم مِّنَ ٱلۡأَعۡرَابِ مُنَٰفِقُونَۖ وَمِنۡ أَهۡلِ ٱلۡمَدِينَةِ مَرَدُواْ عَلَى ٱلنِّفَاقِ لَا تَعۡلَمُهُمۡۖ نَحۡنُ نَعۡلَمُهُمۡۚ سَنُعَذِّبُهُم مَّرَّتَيۡنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَىٰ عَذَابٍ عَظِيمٖ ١٠١

Wamimman hawlakum minal-a'rābi munāfiqūna wamin ahlil-madīnati maradū 'alan-nifāqi lā ta'lamuhum nahnu na'lamuhum sanu'addhibuhum marratayni thumma yuraddūna ilā 'adhābin 'azīm

101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada).

وَءَاخَرُونَ ٱعۡتَرَفُواْ بِذُنُوبِهِمۡ خَلَطُواْ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَءَاخَرَ سَيِّئًا عَسَى ٱللَّهُ أَن يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ ١٠٢

Wa ākharūna'tarafū bidhunūbihim khalatū 'amalan sālihan wa ākhara sayyi'an 'asallāhu an yatūba 'alayhim innallāha ghafūrur rahīm

102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun 32. Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

خُذۡ مِنۡ أَمۡوَٰلِهِمۡ صَدَقَةٗ تُطَهِّرُهُمۡ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّ صَلَوٰتَكَ سَكَنٞ لَّهُمۡۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ١٠٣

Khudh min amwālihim sadaqatan tutahhiruhum watuzakkīhim bihā wasalli 'alayhim inna salawātaka sakanul lahum wallāhu samī'un 'alīm

103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

أَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ هُوَ يَقۡبَلُ ٱلتَّوۡبَةَ عَنۡ عِبَادِهِۦ وَيَأۡخُذُ ٱلصَّدَقَٰتِ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ١٠٤

Alam ya'lamū annallāha huwa yaqbalut-tawbata 'an 'ibādihī waya'khudhus-sadaqāti wa annallāha huwat-tawwābur-rahīm

104. Miyeyna ogayn in Alle ka aqbalo tawbada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Alle yahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.

وَقُلِ ٱعۡمَلُواْ فَسَيَرَى ٱللَّهُ عَمَلَكُمۡ وَرَسُولُهُۥ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ١٠٥

Waquli'malū fasayarallāhu 'amalakum warasūluhū wal-mu'minūna wasaturaddūna ilā 'ālimil-ghaybi wash-shahādati fayunabbi'ukum bimā kuntum ta'malūn

105. Dheh: camal fasha; marka Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan.

وَءَاخَرُونَ مُرۡجَوۡنَ لِأَمۡرِ ٱللَّهِ إِمَّا يُعَذِّبُهُمۡ وَإِمَّا يَتُوبُ عَلَيۡهِمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ١٠٦

Wa ākharūna murjawna li amrillāhi immā yu'addhibuhum wa immā yatūbu 'alayhim wallāhu 'alīmun hakīm

106. Kuwo kale (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo tawbada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مَسۡجِدٗا ضِرَارٗا وَكُفۡرٗا وَتَفۡرِيقَۢا بَيۡنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَإِرۡصَادٗا لِّمَنۡ حَارَبَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ مِن قَبۡلُۚ وَلَيَحۡلِفُنَّ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّا ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ ١٠٧

Walladhīnat-takhadhū masjidan dirāran wakufran watafrīqā baynal-mu'minīna wa irsādal liman hāraballāha warasūlahū min qablu walayahlifunna in aradnā illal-husnā wallāhu yashhadu innahum lakādhibūn

107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay 33 Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.

لَا تَقُمۡ فِيهِ أَبَدٗاۚ لَّمَسۡجِدٌ أُسِّسَ عَلَى ٱلتَّقۡوَىٰ مِنۡ أَوَّلِ يَوۡمٍ أَحَقُّ أَن تَقُومَ فِيهِۚ فِيهِ رِجَالٞ يُحِبُّونَ أَن يَتَطَهَّرُواْۚ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُطَّهِّرِينَ ١٠٨

Lā taqum fīhi abadal lamasjidun ussisa 'alat-taqwā min awwali yawmin ahaqqu an taqūma fīhi fīhi rijālun yuhibbūna an yatatahharū wallāhu yuhibbul-muttahhirīn

108. Ha isdhex taagin (oo ha ku tukan masjidkaa oo kale) waligaa. Masjid 34 aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa mudan inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Alle wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya (iska daahiriya shirkiga, xumaha iyo najaasada).

أَفَمَنۡ أَسَّسَ بُنۡيَٰنَهُۥ عَلَىٰ تَقۡوَىٰ مِنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٍ خَيۡرٌ أَم مَّنۡ أَسَّسَ بُنۡيَٰنَهُۥ عَلَىٰ شَفَا جُرُفٍ هَارٖ فَٱنۡهَارَ بِهِۦ فِي نَارِ جَهَنَّمَۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٠٩

Afaman assasa bunyānahū 'alā taqwā minallāhi waridwānin khayrun am man assasa bunyānahū 'alā shafā jurufin hārin fanhāra bihī fī nāri jahannama wallāhu lā yahdil-qawmaz-zālimīn

109. Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Alle iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

لَا يَزَالُ بُنۡيَٰنُهُمُ ٱلَّذِي بَنَوۡاْ رِيبَةٗ فِي قُلُوبِهِمۡ إِلَّآ أَن تَقَطَّعَ قُلُوبُهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ١١٠

Lā yazālu bunyānuhumul-ladhī banaw rībatan fī qulūbihim illā an taqatta'a qulūbuhum wallāhu 'alīmun hakīm

110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda 35 in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo 36. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

۞ إِنَّ ٱللَّهَ ٱشۡتَرَىٰ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَنفُسَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُم بِأَنَّ لَهُمُ ٱلۡجَنَّةَۚ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيَقۡتُلُونَ وَيُقۡتَلُونَۖ وَعۡدًا عَلَيۡهِ حَقّٗا فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَٱلۡإِنجِيلِ وَٱلۡقُرۡءَانِۚ وَمَنۡ أَوۡفَىٰ بِعَهۡدِهِۦ مِنَ ٱللَّهِۚ فَٱسۡتَبۡشِرُواْ بِبَيۡعِكُمُ ٱلَّذِي بَايَعۡتُم بِهِۦۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١١١

Innallāhashtarā minal-mu'minīna anfusahum wa amwālahum bi anna lahumul-jannata yuqātilūna fī sabīlillāhi fayaqtulūna wayuqtalūna wa'dan 'alayhi haqqan fit-tawrāti wal-injīli wal-qur'āni waman awfā bi'ahdihī minallāhi fastabshirū bibay'ikumul-ladhī bāya'tum bihī wadhālika huwal-fawzul-'azīm

111. Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Alle 37, markaasay dilaan (xaq iyo nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Alle? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Guusha Weyn.

ٱلتَّٰٓئِبُونَ ٱلۡعَٰبِدُونَ ٱلۡحَٰمِدُونَ ٱلسَّٰٓئِحُونَ ٱلرَّٰكِعُونَ ٱلسَّٰجِدُونَ ٱلۡأٓمِرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَٱلنَّاهُونَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَٱلۡحَٰفِظُونَ لِحُدُودِ ٱللَّهِۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١١٢

At-tā'ibūnal-'ābidūnal-hāmidūnas-sā'ihūnar-rāki'ūnas-sājidūnal-āmirūna bil-ma'rūfi wan-nāhūna 'anil-munkari wal-hāfizūna lihudūdillāhi wabasshiril-mu'minīn

112. Kuwa tawbad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma 'ama u baxa diin fidinta', ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhowra soohdimaha Alle 38. U bishaaree mu’miniinta.

مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن يَسۡتَغۡفِرُواْ لِلۡمُشۡرِكِينَ وَلَوۡ كَانُوٓاْ أُوْلِي قُرۡبَىٰ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمۡ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ ١١٣

Mā kāna lin-nabiyyi walladhīna āmanū an yastaghfirū lil-mushrikīna walaw kānū ulī qurbā mim ba'di mā tabayyana lahum annahum ashābul-jahīm

113. Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeeyey inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar 'ku dhinteen gaalnimo' 39.

وَمَا كَانَ ٱسۡتِغۡفَارُ إِبۡرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ إِلَّا عَن مَّوۡعِدَةٖ وَعَدَهَآ إِيَّاهُ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُۥٓ أَنَّهُۥ عَدُوّٞ لِّلَّهِ تَبَرَّأَ مِنۡهُۚ إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ لَأَوَّٰهٌ حَلِيمٞ ١١٤

Wamā kānastighfāru ibrāhīma li abīhi illā 'am maw'idatin wa'adahā iyyāhu falammā tabayyana lahū annahū 'aduwwu lillāhi tabarra'a minhu inna ibrāhīma la awwāhun halīm

114. Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay aabbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Alle, barii buu ka noqday. Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan.

وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُضِلَّ قَوۡمَۢا بَعۡدَ إِذۡ هَدَىٰهُمۡ حَتَّىٰ يُبَيِّنَ لَهُم مَّا يَتَّقُونَۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ ١١٥

Wamā kānallāhu liyudilla qawmā ba'da idh hadāhum hattā yubayyina lahum mā yattaqūna innallāha bikulli shay'in 'alīm

115. Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan 40. Hubaal Alle waa Ogsoonaha wax walba.

إِنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۚ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ ١١٦

Innallāha lahū mulkus-samāwāti wal-ardi yuhyī wayumītu wamā lakum min dūnillāhi min waliyyin walā nasīr

116. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Ma lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.

لَّقَد تَّابَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلنَّبِيِّ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ وَٱلۡأَنصَارِ ٱلَّذِينَ ٱتَّبَعُوهُ فِي سَاعَةِ ٱلۡعُسۡرَةِ مِنۢ بَعۡدِ مَا كَادَ يَزِيغُ قُلُوبُ فَرِيقٖ مِّنۡهُمۡ ثُمَّ تَابَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّهُۥ بِهِمۡ رَءُوفٞ رَّحِيمٞ ١١٧

Llaqat tāballāhu 'alan-nabiyyi wal-muhājirīna wal-ansāril-ladhīnat-taba'ūhu fī sā'atil-'usrati mim ba'di mā kāda yazīghu qulūbu farīqim minhum thumma tāba 'alayhim innahū bihim ra'ūfur rahīm

117. Wuxuu Alle ka tawbad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka tawbad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan (mu'miniinta).

وَعَلَى ٱلثَّلَٰثَةِ ٱلَّذِينَ خُلِّفُواْ حَتَّىٰٓ إِذَا ضَاقَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَرۡضُ بِمَا رَحُبَتۡ وَضَاقَتۡ عَلَيۡهِمۡ أَنفُسُهُمۡ وَظَنُّوٓاْ أَن لَّا مَلۡجَأَ مِنَ ٱللَّهِ إِلَّآ إِلَيۡهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيۡهِمۡ لِيَتُوبُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ١١٨

Wa'alath-thalāthatil-ladhīna khullifū hattā idhā dāqat 'alayhimul-ardu bimā rahubat wadāqat 'alayhim anfusuhum wazannū al lā malja'a minallāhi illā ilayhi thumma tāba 'alayhim liyatūbū innallāha huwat-tawwābur-rahīm

118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' 41, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَكُونُواْ مَعَ ٱلصَّٰدِقِينَ ١١٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanut-taqullāha wakūnū ma'as-sādiqīn

119. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo ahaada la jirka kuwa runlowyada ah.

مَا كَانَ لِأَهۡلِ ٱلۡمَدِينَةِ وَمَنۡ حَوۡلَهُم مِّنَ ٱلۡأَعۡرَابِ أَن يَتَخَلَّفُواْ عَن رَّسُولِ ٱللَّهِ وَلَا يَرۡغَبُواْ بِأَنفُسِهِمۡ عَن نَّفۡسِهِۦۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ لَا يُصِيبُهُمۡ ظَمَأٞ وَلَا نَصَبٞ وَلَا مَخۡمَصَةٞ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَا يَطَـُٔونَ مَوۡطِئٗا يَغِيظُ ٱلۡكُفَّارَ وَلَا يَنَالُونَ مِنۡ عَدُوّٖ نَّيۡلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُم بِهِۦ عَمَلٞ صَٰلِحٌۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٢٠

Mā kāna li ahlil-madīnati waman hawlahum minal-a'rābi an yatakhallafū 'ar rasūlillāhi walā yarghabū bi anfusihim 'an nafsihī dhālika bi annahum lā yusībuhum zama'un walā nasabun walā makhmasatun fī sabīlillāhi walā yata'ūna mawti'an yaghīzul-kuffāra walā yanālūna min 'aduwwin naylan illā kutiba lahum bihī 'amalun sālihun innallāha lā yudī'u ajral-muhsinīn

120. Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Alle, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Alle 42, ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga (Islaamka) oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.

وَلَا يُنفِقُونَ نَفَقَةٗ صَغِيرَةٗ وَلَا كَبِيرَةٗ وَلَا يَقۡطَعُونَ وَادِيًا إِلَّا كُتِبَ لَهُمۡ لِيَجۡزِيَهُمُ ٱللَّهُ أَحۡسَنَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٢١

Walā yunfiqūna nafaqatan saghīratan walā kabīratan walā yaqta'ūna wādiyan illā kutiba lahum liyajziyahumullāhu ahsana mā kānū ya'malūn

121 Ma jiro wax yar ama weyn oo ay ku bixiyaan (jihaadka) ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Alle ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay falayeen.

۞ وَمَا كَانَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ لِيَنفِرُواْ كَآفَّةٗۚ فَلَوۡلَا نَفَرَ مِن كُلِّ فِرۡقَةٖ مِّنۡهُمۡ طَآئِفَةٞ لِّيَتَفَقَّهُواْ فِي ٱلدِّينِ وَلِيُنذِرُواْ قَوۡمَهُمۡ إِذَا رَجَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَحۡذَرُونَ ١٢٢

Wamā kānal-mu'minūna liyanfirū kāffatan falawlā nafara min kulli firqatim minhum tā'ifatul liyatafaqqahū fid-dīni waliyundhirū qawmahum idhā raja'ū ilayhim la'allahum yahdharūn

122. Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtoonaadaan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَٰتِلُواْ ٱلَّذِينَ يَلُونَكُم مِّنَ ٱلۡكُفَّارِ وَلۡيَجِدُواْ فِيكُمۡ غِلۡظَةٗۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ ١٢٣

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū qātilul-ladhīna yalūnakum minal-kuffāri walyajidū fīkum ghilzatan wa'lamū annallāha ma'al-muttaqīn

123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg. Ogaada inuu Alle la jiro dhowrsanayaasha.

وَإِذَا مَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ فَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ أَيُّكُمۡ زَادَتۡهُ هَٰذِهِۦٓ إِيمَٰنٗاۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فَزَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَهُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ ١٢٤

Wa idhā mā unzilat sūratun faminhum man yaqūlu ayyukum zādathu hādhihī īmānan fa ammal-ladhīna āmanū fazādathum īmānan wahum yastabshirūn

124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan.

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ فَزَادَتۡهُمۡ رِجۡسًا إِلَىٰ رِجۡسِهِمۡ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كَٰفِرُونَ ١٢٥

Wa ammal-ladhīna fī qulūbihim maradun fazādathum rijsan ilā rijsihim wamātū wahum kāfirūn

125. Kuwase quluubta ka buka 43, waxay u kordhisaa fadaro 44 'ka badan' fadaradoodii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.

أَوَلَا يَرَوۡنَ أَنَّهُمۡ يُفۡتَنُونَ فِي كُلِّ عَامٖ مَّرَّةً أَوۡ مَرَّتَيۡنِ ثُمَّ لَا يَتُوبُونَ وَلَا هُمۡ يَذَّكَّرُونَ ١٢٦

Awalā yarawna annahum yuftanūna fī kulli 'āmim marratan aw marratayni thumma lā yatūbūna walā hum yaddhakkarūn

126. Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma tawbad keenaan (Alle), mana waansamaan.

وَإِذَا مَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ نَّظَرَ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ هَلۡ يَرَىٰكُم مِّنۡ أَحَدٖ ثُمَّ ٱنصَرَفُواْۚ صَرَفَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُم بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ ١٢٧

Wa idhā mā unzilat sūratun nazara ba'duhum ilā ba'din hal yarākum min ahadin thummansarafū sarafallāhu qulūbahum bi annahum qawmul lā yafqahūn

127. Marka Suurad la soo dejiyo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin.

لَقَدۡ جَآءَكُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ عَزِيزٌ عَلَيۡهِ مَا عَنِتُّمۡ حَرِيصٌ عَلَيۡكُم بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَءُوفٞ رَّحِيمٞ ١٢٨

Laqad jā'akum rasūlum min anfusikum 'azīzun 'alayhi mā 'anittum harīsun 'alaykum bil-mu'minīna ra'ūfur rahīm

128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah 'waa Nabi Muxammad s.c.w', oo ay ku adag tahay waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.

فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُۖ وَهُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ ١٢٩

Fa in tawallaw faqul hasbiyallāhu lā ilāha illā huwa 'alayhi tawakkaltu wahuwa rabbul-'arshil-'azīm

129. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka iyo camalka san), dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn.

Suuradda Yunus

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡحَكِيمِ ١

Alif Lām Rā tilka āyātul-kitābil-hakīm

1. Alif Laam Raa 1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda Badan 2.

أَكَانَ لِلنَّاسِ عَجَبًا أَنۡ أَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ رَجُلٖ مِّنۡهُمۡ أَنۡ أَنذِرِ ٱلنَّاسَ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنَّ لَهُمۡ قَدَمَ صِدۡقٍ عِندَ رَبِّهِمۡۗ قَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٞ مُّبِينٌ ٢

Akāna lin-nāsi 'ajaban an awhaynā ilā rajulim minhum an andhirin-nāsa wabasshiril-ladhīna āmanū anna lahum qadama sidqin 'inda rabbihim qālal-kāfirūna inna hādhā lasāhirum mubīn

2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonnay nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu xaqiiq waa saaxir cad.

إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۖ مَا مِن شَفِيعٍ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ إِذۡنِهِۦۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ ٣

Inna rabbakumullāhul-ladhī khalaqas-samāwāti wal-arda fī sittati ayyāmin thummastawā 'alal-'arshi yudabbirul-amra mā min shafī'in illā mim ba'di idhnihī dhālikumullāhu rabbukum fa'budūhu afalā tadhakkarūn

3. Hubaal, Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa, Isagaa maamula arrinka 'uunka dhammaan'. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, Miyaydaan waansamayn?

إِلَيۡهِ مَرۡجِعُكُمۡ جَمِيعٗاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقًّاۚ إِنَّهُۥ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ بِٱلۡقِسۡطِۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ شَرَابٞ مِّنۡ حَمِيمٖ وَعَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ ٤

Ilayhi marji'ukum jamī'an wa'dallāhi haqqan innahū yabda'ul-khalqa thumma yu'īduhū liyajziyal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti bil-qisti walladhīna kafarū lahum sharābum min hamīmin wa'adhābun alīmu bimā kānū yakfurūn

4. Xaggiisaa la idiin soo celin dhammaan. Wacad Alle oo xaq ah weeye, Wuxuu billaabaa uunka kolka horeba, haddana dib u soo celin mar kale, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa (Xaqa) rumeeya ee samaha fala. Kuwase gaalooba waxay leeyihiin cabbitaan biyo kulul ah iyo cadaab xanuun badan (Aakhirada) gaalnimadooda darteed.

هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلشَّمۡسَ ضِيَآءٗ وَٱلۡقَمَرَ نُورٗا وَقَدَّرَهُۥ مَنَازِلَ لِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ ٥

Huwal-ladhī ja'alash-shamsa diyā'an wal-qamara nūran waqaddarahū manāzila lita'lamū 'adadas-sinīna wal-hisāba mā khalaqallāhu dhālika illā bil-haqqi yufassilul-āyāti liqawmin ya'lamūn

5. (Alle) waa Kan ka dhigay qorraxda ileys ifaya, dayaxana Nuur, una qaddaray rugo uu maro si aad u garataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Alle uma uusan abuurin waxaan ahayn Xaq. Wuxuu u cad- deeyaa calaamooyinka ciddii garasho leh.

إِنَّ فِي ٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَّقُونَ ٦

Inna fikhtilāfil-layli wan-nahāri wamā khalaqallāhu fis-samāwāti wal-ardi la'āyātil liqawmin yattaqūn

6. Xaqiiq is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Alle ku abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii Alle ka cabsan (oo iska jiri xumaha).

إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا وَرَضُواْ بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَٱطۡمَأَنُّواْ بِهَا وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنۡ ءَايَٰتِنَا غَٰفِلُونَ ٧

Innal-ladhīna lā yarjūna liqā'anā waradū bil-hayawātid-dunyā watma'annū bihā walladhīna hum 'an āyātinā ghāfilūn

7. Xaqiiq kuwa aan rajayn la kulankayaga, kuna raalli noqday nolosha adduunkan oo ku qalbi degay, iyo kuwa ka dhoohan Aayadahayaga.

أُوْلَٰٓئِكَ مَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٨

Ulā'ika ma'wāhumun-nāru bimā kānū yaksibūn

8. Kuwaas, hoygoodu waa Naar, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ يَهۡدِيهِمۡ رَبُّهُم بِإِيمَٰنِهِمۡۖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُ فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ ٩

Innal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti yahdīhim rabbuhum bi īmānihim tajrī min tahtihimul-anhāru fī jannātin-na'īm

9. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Rabbigood wuxuu ku hanuunin iimaankooda darti; waxaa qulquli hoostooda webiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada ah (Jannada).

دَعۡوَىٰهُمۡ فِيهَا سُبۡحَٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٞۚ وَءَاخِرُ دَعۡوَىٰهُمۡ أَنِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٠

Da'wāhum fīhā subhānakallāhumma watahiyyatuhum fīhā salāmun wa ākhiru da'wāhum anil-hamdu lillāhi rabbil-'ālamīn

10. Ducadooda waa 'Subxaanakal laahumma 3' (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa ka hufan xumaan oo xurmoo dhan leh), salaantooduna waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Ducadooda ugu dambeysana waa 'Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin' (ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka).

۞ وَلَوۡ يُعَجِّلُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ ٱلشَّرَّ ٱسۡتِعۡجَالَهُم بِٱلۡخَيۡرِ لَقُضِيَ إِلَيۡهِمۡ أَجَلُهُمۡۖ فَنَذَرُ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ ١١

Walaw yu'ajjilullāhu lin-nāsish-sharrasti'jālahum bil-khayri laqudiya ilayhim ajaluhum fanadharul-ladhīna lā yarjūna liqā'anā fī tughyānihim ya'mahūn

11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa 'oo la hallagi lahaa' 4. Waxaanse ku deynaa kuwa aan rajayn la Kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.

وَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ٱلضُّرُّ دَعَانَا لِجَنۢبِهِۦٓ أَوۡ قَاعِدًا أَوۡ قَآئِمٗا فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُ ضُرَّهُۥ مَرَّ كَأَن لَّمۡ يَدۡعُنَآ إِلَىٰ ضُرّٖ مَّسَّهُۥۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلۡمُسۡرِفِينَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٢

Wa idhā massal-insānad-durru da'ānā lijambihī aw qā'idan aw qā'iman falammā kashafnā 'anhu durrahū marra ka al lam yad'unā ilā durrim massahū kadhālika zuyyina lil-musrifīna mā kānū ya'malūn

12. Marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sida inaanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen.

وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَا ٱلۡقُرُونَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ١٣

Walaqad ahlaknal-qurūna min qablikum lammā zalamū wajā'athum rusuluhum bil-bayyināti wamā kānū liyu'minū kadhālika najzil-qawmal-mujrimīn

13. Waxaan dhab ahaan horey u halaagnay facyo idinka horreeyey, markay dulmi (shirki iyo xume) faleen, Rusushooduna waxay ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase ahayn kuwo rumeynaya. Sidaasaan u abaal marinnaa qoloda denbiilayaasha ah.

ثُمَّ جَعَلۡنَٰكُمۡ خَلَٰٓئِفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لِنَنظُرَ كَيۡفَ تَعۡمَلُونَ ١٤

Thumma ja'alnākum khalā'ifa fil-ardi mim ba'dihim linanzura kayfa ta'malūn

14. Markaasaan idinka dhignay kuwa u hadha dhulka iyaga kaddib, si aan u eegno sidaad fashaan.

وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَاتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا ٱئۡتِ بِقُرۡءَانٍ غَيۡرِ هَٰذَآ أَوۡ بَدِّلۡهُۚ قُلۡ مَا يَكُونُ لِيٓ أَنۡ أُبَدِّلَهُۥ مِن تِلۡقَآيِٕ نَفۡسِيٓۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّۖ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ ١٥

Wa idhā tutlā 'alayhim āyātunā bayyinātin qālal-ladhīna lā yarjūna liqā'ana'ti biqur'ānin ghayri hādhā aw baddilhu qul mā yakūnu lī an ubaddilahū min tilqāy'i nafsī in attabi'u illā mā yūhā ilayya innī akhāfu in 'asaytu rabbī 'adhāba yawmin 'azīm

15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran.

قُل لَّوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا تَلَوۡتُهُۥ عَلَيۡكُمۡ وَلَآ أَدۡرَىٰكُم بِهِۦۖ فَقَدۡ لَبِثۡتُ فِيكُمۡ عُمُرٗا مِّن قَبۡلِهِۦٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ١٦

Qul law shā'allāhu mā talawtuhū 'alaykum walā adrākum bihī faqad labithtu fīkum 'umuram min qablihī afalā ta'qilūn

16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor 5. Ee miyeydaan garowsaneyn?

فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ ١٧

Faman azlamu mimmaniftarā 'alallāhi kadhiban aw kaddhaba bi'āyātihī innahū lā yuflihul-mujrimūn

17. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa, xaqiiq, denbiilayaasha ma liibaanaan.

وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡ وَيَقُولُونَ هَٰٓؤُلَآءِ شُفَعَٰٓؤُنَا عِندَ ٱللَّهِۚ قُلۡ أَتُنَبِّـُٔونَ ٱللَّهَ بِمَا لَا يَعۡلَمُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ١٨

Waya'budūna min dūnillāhi mā lā yadurruhum walā yanfa'uhum wayaqūlūna hā'ulā'i shufa'ā'unā 'indallāhi qul atunabbi'ūnallāha bimā lā ya'lamu fis-samāwāti walā fil-ardi subhānahū wata'ālā 'ammā yushrikūn

18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti 6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka sugan samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.

وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ فَٱخۡتَلَفُواْۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡ فِيمَا فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ١٩

Wamā kānan-nāsu illā ummatan wāhidatan fakhtalafū walawlā kalimatun sabaqat mir rabbika laqudiya baynahum fīmā fīhi yakhtalifūn

19. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya (heysta diin keliya 'Islaamka' 7, markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa 8 waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.

وَيَقُولُونَ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَةٞ مِّن رَّبِّهِۦۖ فَقُلۡ إِنَّمَا ٱلۡغَيۡبُ لِلَّهِ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ ٢٠

Wayaqūlūna lawlā unzila 'alayhi āyatum mir rabbihī faqul innamal-ghaybu lillāhi fantazirū innī ma'akum minal-muntazirīn

20. Waxay yidhaahdeen: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Alle Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle).

وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ مِّنۢ بَعۡدِ ضَرَّآءَ مَسَّتۡهُمۡ إِذَا لَهُم مَّكۡرٞ فِيٓ ءَايَاتِنَاۚ قُلِ ٱللَّهُ أَسۡرَعُ مَكۡرًاۚ إِنَّ رُسُلَنَا يَكۡتُبُونَ مَا تَمۡكُرُونَ ٢١

Wa idhā adhaqnan-nāsa rahmatam mim ba'di darrā'a massathum idhā lahum makrun fī āyātinā qulillāhu asra'u makran inna rusulanā yaktubūna mā tamkurūn

21. Markaan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Alle baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta ah) waxay qoraan waxaad qooleysaan.

هُوَ ٱلَّذِي يُسَيِّرُكُمۡ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا كُنتُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَرَيۡنَ بِهِم بِرِيحٖ طَيِّبَةٖ وَفَرِحُواْ بِهَا جَآءَتۡهَا رِيحٌ عَاصِفٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡمَوۡجُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ أُحِيطَ بِهِمۡ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ لَئِنۡ أَنجَيۡتَنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ ٢٢

Huwal-ladhī yusayyirukum fil-barri wal-bahri hattā idhā kuntum fil-fulki wajarayna bihim birīhin tayyibatin wafarihū bihā jā'athā rīhun 'āsifun wajā'ahumul-mawju min kulli makānin wazannū annahum uhīta bihim da'awullāha mukhlisīna lahud-dīna la in anjaytanā min hādhihī lanakūnanna minash-shākirīn

22. (Alle) waa Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer markaad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabeyl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan ay u timaaddo dabeyl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Alle iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: "Haddaad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan kuwa ku mahdiya".

فَلَمَّآ أَنجَىٰهُمۡ إِذَا هُمۡ يَبۡغُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّۗ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّمَا بَغۡيُكُمۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِكُمۖ مَّتَٰعَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُكُمۡ فَنُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٢٣

Falammā anjāhum idhā hum yabghūna fil-ardi bighayril-haqqi yā'ayyuhan-nāsu innamā baghyukum 'alā anfusikum matā'al-hayawātid-dunyā thumma ilaynā marji'ukum fanunabbi'ukum bimā kuntum ta'malūn

23. Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku kibraan dhulka xaq darro. Dadow! Kibirka (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa raaxo kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin, waxaana idiin sheegi waxaad falayseen.

إِنَّمَا مَثَلُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ مِمَّا يَأۡكُلُ ٱلنَّاسُ وَٱلۡأَنۡعَٰمُ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذَتِ ٱلۡأَرۡضُ زُخۡرُفَهَا وَٱزَّيَّنَتۡ وَظَنَّ أَهۡلُهَآ أَنَّهُمۡ قَٰدِرُونَ عَلَيۡهَآ أَتَىٰهَآ أَمۡرُنَا لَيۡلًا أَوۡ نَهَارٗا فَجَعَلۡنَٰهَا حَصِيدٗا كَأَن لَّمۡ تَغۡنَ بِٱلۡأَمۡسِۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ ٢٤

Innamā mathalul-hayawātid-dunyā kamā'in anzalnāhu minas-samā'i fakhtalata bihī nabātul-ardi mimmā ya'kulun-nāsu wal-an'āmu hattā idhā akhadhatil-ardu zukhrufahā wazzayyanat wazanna ahluhā annahum qādirūna 'alayhā atāhā amrunā laylan aw nahāran faja'alnāhā hasīdan ka al lam taghna bil-amsi kadhālika nufassilul-āyāti liqawmin yatafakkarūn

24. Mataalka noloshan adduunku 9 waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka 10 ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.

وَٱللَّهُ يَدۡعُوٓاْ إِلَىٰ دَارِ ٱلسَّلَٰمِ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ ٢٥

Wallāhu yad'ū ilā dāris-salāmi wayahdī man yashā'u ilā sirātim mustaqīm

25. Alle wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka).

۞ لِّلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ ٱلۡحُسۡنَىٰ وَزِيَادَةٞۖ وَلَا يَرۡهَقُ وُجُوهَهُمۡ قَتَرٞ وَلَا ذِلَّةٌۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢٦

Llilladhīna ahsanul-husnā waziyādatun walā yarhaqu wujūhahum qatarun walā dhillatun ulā'ika ashābul-jannati hum fīhā khālidūn

26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11 'eegista Rabbi'. Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.

وَٱلَّذِينَ كَسَبُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ جَزَآءُ سَيِّئَةِۭ بِمِثۡلِهَا وَتَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ مَّا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِنۡ عَاصِمٖۖ كَأَنَّمَآ أُغۡشِيَتۡ وُجُوهُهُمۡ قِطَعٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِ مُظۡلِمًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢٧

Walladhīna kasabus-sayyi'āti jazā'u sayyi'ati bimithlihā watarhaquhum dhillatum mā lahum minallāhi min 'āsimin ka annamā ughshiyat wujūhuhum qita'am minal-layli muzliman ulā'ika ashābun-nāri hum fīhā khālidūn

27. Kuwase kasbada xumaha (shirkiga iyo macaasida), abaalka xume keliyihi waa mid la mid ah, dulli baana daboolaya (wejiyadooda). Ma helayaan wax Alle ka celiya. Waxaad moodi wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari weligood.

وَيَوۡمَ نَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ مَكَانَكُمۡ أَنتُمۡ وَشُرَكَآؤُكُمۡۚ فَزَيَّلۡنَا بَيۡنَهُمۡۖ وَقَالَ شُرَكَآؤُهُم مَّا كُنتُمۡ إِيَّانَا تَعۡبُدُونَ ٢٨

Wayawma nahshuruhum jamī'an thumma naqūlu lilladhīna ashrakū makānakum antum washurakā'ukum fazayyalnā baynahum waqāla shurakā'uhum mā kuntum iyyānā ta'budūn

28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen.

فَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمۡ إِن كُنَّا عَنۡ عِبَادَتِكُمۡ لَغَٰفِلِينَ ٢٩

Fakafā billāhi shahīdā baynanā wabaynakum in kunnā 'an 'ibādatikum laghāfilīn

29.Alle baa ku filan markhaati dhexdeen- na innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna.

هُنَالِكَ تَبۡلُواْ كُلُّ نَفۡسٖ مَّآ أَسۡلَفَتۡۚ وَرُدُّوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ مَوۡلَىٰهُمُ ٱلۡحَقِّۖ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ ٣٠

Hunālika tablū kullu nafsim mā aslafat waruddū ilallāhi mawlāhumul-haqqi wadalla 'anhum mā kānū yaftarūn

30. Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan naf walbaa waxay hor marsatay (khayr ama shar), waxaana loo celiyaa Mudanahooda Xaqa ah, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuurteen.

قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أَمَّن يَمۡلِكُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَمَن يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُۚ فَقُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ ٣١

Qul man yarzuqukum minas-samā'i wal-ardi amman yamlikus-sam'a wal-absāra waman yukhrijul-hayya minal-mayyiti wayukhrijul-mayyita minal-hayyi waman yudabbirul-amra fasayaqūlūnallāhu faqul afalā tattaqūn

31. Dheh: Waa kuma kan idinka arsaaqa samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo mayd ka soo saara noole? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka oo idil)? Markaasay odhan: Allaah. Dheh: Miyeydaan iska jireyn (xumaha)?

فَذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلۡحَقُّۖ فَمَاذَا بَعۡدَ ٱلۡحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَٰلُۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ ٣٢

Fadhālikumullāhu rabbukumul-haqqu famādhā ba'dal-haqqi illad-dalālu fa annā tusrafūn

32. Kaa weeye Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee la idiinka jeediyey?

كَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ فَسَقُوٓاْ أَنَّهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٣٣

Kadhālika haqqat kalimatu rabbika 'alal-ladhīna fasaqū annahum lā yu'minūn

33. Sidaasay ugu rumowday Kelmadda Rabbigaa (Xukunkiisa iyo Qaddarkiisa) kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayneyn (Xaqa).

قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۚ قُلِ ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ ٣٤

Qul hal min shurakā'ikum man yabda'ul-khalqa thumma yu'īduhū qulillāhu yabda'ul-khalqa thumma yu'īduhū fa annā tu'fakūn

34.Dheh:Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan 'cibaadadiinna' oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Alle baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale, Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?

قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّۚ قُلِ ٱللَّهُ يَهۡدِي لِلۡحَقِّۗ أَفَمَن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ أَحَقُّ أَن يُتَّبَعَ أَمَّن لَّا يَهِدِّيٓ إِلَّآ أَن يُهۡدَىٰۖ فَمَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ ٣٥

Qul hal min shurakā'ikum man yahdī ilal-haqqi qulillāhu yahdī lil-haqqi afaman yahdī ilal-haqqi ahaqqu an yuttaba'a ammal lā yahiddī illā an yuhdā famā lakum kayfa tahkumūn

35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Alle baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?

وَمَا يَتَّبِعُ أَكۡثَرُهُمۡ إِلَّا ظَنًّاۚ إِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَفۡعَلُونَ ٣٦

Wamā yattabi'u aktharuhum illā zannan innaz-zanna lā yughnī minal-haqqi shay'an innallāha 'alīmu bimā yaf'alūn

36. Badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; malahuna waxba kama taro Xaqa. Hubaal Alle wuu Og yahay waxay falaan.

وَمَا كَانَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ أَن يُفۡتَرَىٰ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٣٧

Wamā kāna hādhal-qur'ānu an yuftarā min dūnillāhi walākin tasdīqal-ladhī bayna yadayhi watafsīlal-kitābi lā rayba fīhi mir rabbil-'ālamīn

37. Ma aha Qu’raankani 12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.

أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ فَأۡتُواْ بِسُورَةٖ مِّثۡلِهِۦ وَٱدۡعُواْ مَنِ ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٣٨

Am yaqūlūnaftarāhu qul fa tū bisūratim mithlihī wad'ū manistata'tum min dūnillāhi in kuntum sādiqīn

38. Mise waxay leeyihiin: Wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh: Keena Suurad la mid ah, oo u yeedha ciddaad kartaan Alle sokadi, haddaad run sheegaysaan.

بَلۡ كَذَّبُواْ بِمَا لَمۡ يُحِيطُواْ بِعِلۡمِهِۦ وَلَمَّا يَأۡتِهِمۡ تَأۡوِيلُهُۥۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلظَّٰلِمِينَ ٣٩

Bal kaddhabū bimā lam yuhītū bi'ilmihī walammā ya'tihim ta'wīluhū kadhālika kaddhabal-ladhīna min qablihim fanzur kayfa kāna 'āqibatuz-zālimīn

39. Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg siday aheyd cidhibta daalimiinta (gar diidka).

وَمِنۡهُم مَّن يُؤۡمِنُ بِهِۦ وَمِنۡهُم مَّن لَّا يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَرَبُّكَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُفۡسِدِينَ ٤٠

Waminhum man yu'minu bihī waminhum mal lā yu'minu bihī warabbuka a'lamu bil-mufsidīn

40. Waxaa ka mid ah mid rumeysan (Qur’aankan), iyo midaan rumeysneyn, Rabbigaa wuu Og yahay kuwa waxa fasahaadsha.

وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّي عَمَلِي وَلَكُمۡ عَمَلُكُمۡۖ أَنتُم بَرِيٓـُٔونَ مِمَّآ أَعۡمَلُ وَأَنَا۠ بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ ٤١

Wa in kaddhabūka faqul lī 'amalī walakum 'amalukum antum barī'ūna mimmā a'malu wa ana barī'um mimmā ta'malūn

41. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), Dheh: camalkayga anaa leh, camalkiinnana idinkaa iska leh. Waxaad idinku barii ka tihiin waxaan falo, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad fashaan.

وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُونَ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يَعۡقِلُونَ ٤٢

Waminhum man yastami'ūna ilayka afa'anta tusmi'us-summa walaw kānū lā ya'qilūn

42. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta 13, ma adigaase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon wax fahmeyn?

وَمِنۡهُم مَّن يَنظُرُ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يُبۡصِرُونَ ٤٣

Waminhum man yanzuru ilayka afa'anta tahdil-'umya walaw kānū lā yubsirūn

43. Waxaana ka mid ah kuwo ku soo eega 14, ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon wax arkayn?

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ ٱلنَّاسَ شَيۡـٔٗا وَلَٰكِنَّ ٱلنَّاسَ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ ٤٤

Innallāha lā yazlimun-nāsa shay'an walākinnan-nāsa anfusahum yazlimūn

44. Hubaal Alle kama dulmiyo dadka waxba;dadkuse iyagaa nafahooda dulmiya.

وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ كَأَن لَّمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّنَ ٱلنَّهَارِ يَتَعَارَفُونَ بَيۡنَهُمۡۚ قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱللَّهِ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ ٤٥

Wayawma yahshuruhum ka al lam yalbathū illā sā'atam minan-nahāri yata'ārafūna baynahum qad khasiral-ladhīna kaddhabū biliqā'illāhi wamā kānū muhtadīn

45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah, wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa beeniyey la kunlanka Alle, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.

وَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ ٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ ٤٦

Wa immā nuriyannaka ba'dal-ladhī na'iduhum aw natawaffayannaka fa ilaynā marji'uhum thummallāhu shahīdun 'alā mā yaf'alūn

46. Haddaan ku tusinno 'intaad nooshahay' qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan.

وَلِكُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولٞۖ فَإِذَا جَآءَ رَسُولُهُمۡ قُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ٤٧

Walikulli ummatir rasūlun fa idhā jā'a rasūluhum qudiya baynahum bil-qisti wahum lā yuzlamūn

47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٤٨

Wayaqūlūna matā hādhal-wa'du in kuntum sādiqīn

48. Waxay (gaaladu) odhan: Waa goorma ballan qaadkani-haddaad run sheegaysaan.

قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي ضَرّٗا وَلَا نَفۡعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَلَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ ٤٩

Qul lā amliku linafsī darran walā naf'an illā mā shā'allāhu likulli ummatin ajalun idhā jā'a ajaluhum falā yasta'khirūna sā'atan walā yastaqdimūn

49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda).

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُهُۥ بَيَٰتًا أَوۡ نَهَارٗا مَّاذَا يَسۡتَعۡجِلُ مِنۡهُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٥٠

Qul ara'aytum in atākum 'adhābuhū bayātan aw nahāram mādhā yasta'jilu minhul-mujrimūn

50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu 15?

أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓۚ ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ ٥١

Athumma idhā mā waqa'a āmantum bihī āl'ana waqad kuntum bihī tasta'jilūn

51. Mise markuu dhaco ayaad rumayn? Ma imminka (baad rumeyn)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo.

ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ ٥٢

Thumma qīla lilladhīna zalamū dhūqū 'adhābal-khuldi hal tujzawna illā bimā kuntum taksibūn

52. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay: Dhadhamiya cadaabka waarista. La idinku abaal marin maayo waxaan aheyn waxaad geysateen (oo denbiyo ah).

۞ وَيَسۡتَنۢبِـُٔونَكَ أَحَقٌّ هُوَۖ قُلۡ إِي وَرَبِّيٓ إِنَّهُۥ لَحَقّٞۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ ٥٣

Wayastambi'ūnaka ahaqqun huwa qul ī warabbī innahū lahaqqun wamā antum bimu'jizīn

53. Waxay ku weydiin: Ma run baa (Qiyaamada)? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Waa xaq. Mana ka baxsan kartaan (Cadaabka).

وَلَوۡ أَنَّ لِكُلِّ نَفۡسٖ ظَلَمَتۡ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ لَٱفۡتَدَتۡ بِهِۦۗ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۖ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ٥٤

Walaw anna likulli nafsin zalamat mā fil-ardi laftadat bihī wa asarrun-nadāmata lammā ra'awul-'adhāba waqudiya baynahum bil-qisti wahum lā yuzlamūn

54. Hadday naf walba oo dulmi (shirki) fashay lahaan lahayd waxa dhulka yaalloo dhan, way isku furan lahayd, waxayna dareemi qoomammo markay arkaan cadaabka, arrinkana waa la kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.

أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَلَآ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٥٥

Alā inna lillāhi mā fis-samāwāti wal-ardi alā inna wa'dallāhi haqqun walākinna aktharahum lā ya'lamūn

55. Ogaada, hubaal, waxaa iska leh Alle waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Ogaada, hubaal, Ballanka Alle waa xaq. Badankooduse ma ogsoona.

هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٥٦

Huwa yuhyī wayumītu wa ilayhi turja'ūn

56. Isagaa wax nooleeya, oo dhinsiiya, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَتۡكُم مَّوۡعِظَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَشِفَآءٞ لِّمَا فِي ٱلصُّدُورِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٥٧

Yā'ayyuhan-nāsu qad jā'atkum maw'izatum mir rabbikum washifā'ul limā fis-sudūri wahudan warahmatul lil-mu'minīn

57. Dadow! Waxaa idiinka yimid waano wanaagsan xagga Rabbigiin iyo reysasho lagaga bogsado waxa ku jira laabaha (oo cudurro ah) oo u ah hanuuun iyo naxariis mu’miniinta.

قُلۡ بِفَضۡلِ ٱللَّهِ وَبِرَحۡمَتِهِۦ فَبِذَٰلِكَ فَلۡيَفۡرَحُواْ هُوَ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ ٥٨

Qul bifadlillāhi wabirahmatihī fabidhālika falyafrahū huwa khayrum mimmā yajma'ūn

58. Dheh: Deeqda Alle (Islaamka) iyo Naxariistiisa (Qur’aanka) - arrinkani ha ku farxeen, isagaa uga khayr badan waxay isu keenaan (oo maal ah).

قُلۡ أَرَءَيۡتُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ لَكُم مِّن رِّزۡقٖ فَجَعَلۡتُم مِّنۡهُ حَرَامٗا وَحَلَٰلٗا قُلۡ ءَآللَّهُ أَذِنَ لَكُمۡۖ أَمۡ عَلَى ٱللَّهِ تَفۡتَرُونَ ٥٩

Qul ara'aytum mā anzalallāhu lakum mir rizqin faja'altum minhu harāman wahalālan qul āllahu adhina lakum am 'alallāhi taftarūn

59. Dheh: Bal ka warrama waxa Alle idiin soo dejiyey oo rizaq ah oo aad ka yeeshaan qaar ka mid ah xaaraan (qaarna) xalaal. Dheh: Ma Alle baa idin amray, mise Alle ayaad ka been sheegaysaan?

وَمَا ظَنُّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ ٦٠

Wamā zannul-ladhīna yaftarūna 'alallāhil-kadhiba yawmal-qiyāmati innallāha ladhū fadlin 'alan-nāsi walākinna aktharahum lā yashkurūn

60. Maxayse filan kuwa ka been sheega Alle Maalinta Qiyaamaha? hubaal Alle waa Kan fadli ku leh dadka, dadkuse badankiisu kuma mahdiyaan.

وَمَا تَكُونُ فِي شَأۡنٖ وَمَا تَتۡلُواْ مِنۡهُ مِن قُرۡءَانٖ وَلَا تَعۡمَلُونَ مِنۡ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيۡكُمۡ شُهُودًا إِذۡ تُفِيضُونَ فِيهِۚ وَمَا يَعۡزُبُ عَن رَّبِّكَ مِن مِّثۡقَالِ ذَرَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ وَلَآ أَصۡغَرَ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرَ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ ٦١

Wamā takūnu fī sha'nin wamā tatlū minhu min qur'ānin walā ta'malūna min 'amalin illā kunnā 'alaykum shuhūdan idh tufīdūna fīhi wamā ya'zubu 'ar rabbika mim mithqāli dharratin fil-ardi walā fis-samā'i walā asghara min dhālika walā akbara illā fī kitābim mubīn

61. Ma jirto waxaad ku sugan tahay oo arrin ah, waxaad ka akhridaan Qur’aanka, iyo camal kasta oo aad fashaan aan idin la joogin (ogeyn) markaad dhex galeysaan. Kagama Qarsoona Rabbigaa (haba ahaadaane) wax saxar le’eg dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa, ama wax ka yar ama wax ka weyn, bal waxay ku qoran yihiin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

أَلَآ إِنَّ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٦٢

Alā inna awliyā'allāhi lā khawfun 'alayhim walā hum yahzanūn

62. Ogaada, hubaal, awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan 16.

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ ٦٣

Alladhīna āmanū wakānū yattaqūn

63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale).

لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ لَا تَبۡدِيلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ٦٤

Lahumul-bushrā fil-hayawātid-dunyā wafil-ākhirati lā tabdīla likalimātillāhi dhālika huwal-fawzul-'azīm

64. Waxay leeyihiin bishaaro 17 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddelaad ah Kelmadaha Alle (iyo baaqasho Ballankiisa). Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.

وَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًاۚ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٦٥

Walā yahzunka qawluhum innal-'izzata lillāhi jamī'an huwas-samī'ul-'alīm

65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا يَتَّبِعُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُرَكَآءَۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ ٦٦

Alā inna lillāhi man fis-samāwāti waman fil-ardi wamā yattabi'ul-ladhīna yad'ūna min dūnillāhi shurakā'a in yattabi'ūna illaz-zanna wa in hum illā yakhrusūn

66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.

هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ ٦٧

Huwal-ladhī ja'ala lakumul-layla litaskunū fīhi wan-nahāra mubsiran inna fī dhālika la'āyātil liqawmin yasma'ūn

67. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax maqli.

قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱلۡغَنِيُّۖ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنۡ عِندَكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭ بِهَٰذَآۚ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ ٦٨

Qālut-takhadhallāhu waladan subhānahū huwal-ghaniyyu lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi in 'indakum min sultāni bihādhā ataqūlūna 'alallāhi mā lā ta'lamūn

68. Waxay yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay ilmo 18, Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan). waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?

قُلۡ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ لَا يُفۡلِحُونَ ٦٩

Qul innal-ladhīna yaftarūna 'alallāhil-kadhiba lā yuflihūn

69. Dheh: Kuwa Alle ka been sheega ma liibaanaan.

مَتَٰعٞ فِي ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ نُذِيقُهُمُ ٱلۡعَذَابَ ٱلشَّدِيدَ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ ٧٠

Matā'un fid-dunyā thumma ilaynā marji'uhum thumma nudhīquhumul-'adhābash-shadīda bimā kānū yakfurūn

70. Waa raaxo (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin cadaab daran, gaalnimadooda darteed.

۞ وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ نُوحٍ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِن كَانَ كَبُرَ عَلَيۡكُم مَّقَامِي وَتَذۡكِيرِي بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَعَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡتُ فَأَجۡمِعُوٓاْ أَمۡرَكُمۡ وَشُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُنۡ أَمۡرُكُمۡ عَلَيۡكُمۡ غُمَّةٗ ثُمَّ ٱقۡضُوٓاْ إِلَيَّ وَلَا تُنظِرُونِ ٧١

Watlu 'alayhim naba'a nūhin idh qāla liqawmihī yāqawmi in kāna kabura 'alaykum maqāmī watadhkīrī bi'āyātillāhi fa'alallāhi tawakkaltu fa ajmi'ū amrakum washurakā'akum thumma lā yakun amrukum 'alaykum ghummatan thummaqdū ilayya walā tunzirūn

71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi 19, markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.

فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ٧٢

Fa in tawallaytum famā sa'altukum min ajrin in ajriya illā 'alallāhi wa umirtu an akūna minal-muslimīn

72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta 'kuwa u hoggaansan Alle'.

فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ ٧٣

Fakaddhabūhu fanajjaynāhu wamam ma'ahū fil-fulki waja'alnāhum khalā'ifa wa aghraqnal-ladhīna kaddhabū bi'āyātinā fanzur kayfa kāna 'āqibatul-mundharīn

73. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii ku wehlisay Doonida, Waxaana ka dhignay kuwa u hara dhulka oo ka taliya, oo aanu harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Ee fiiri siduu ahaa aayaha kuwii loo digay.

ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ ٧٤

Thumma ba'athnā mim ba'dihī rusulan ilā qawmihim fajā'ūhum bil-bayyināti famā kānū liyu'minū bimā kaddhabū bihī min qablu kadhālika natba'u 'alā qulūbil-mu'tadīn

74. Markaasaan u soo bixinnay isaga kaddib Rusul dadkoodii, oo ula yimaadeen Xujooyin Cad, mase rumeyn lahayn waxay horayba u beeniyeen 20. Sidaasaan u yeelnaa shaabbad daboosha quluubta xadgudbayaasha.

ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ ٧٥

Thumma ba'athnā mim ba'dihim mūsā wahārūna ilā fir'awna wamala'ihī bi'āyātinā fastakbarū wakānū qawmam mujrimīn

75. Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse iyo Haaruun xagga Fircoon iyo xildhibaannadii iyagoo u sida Aayadahayaga, wayse is kibriyeen oo waxay ahaayeen qolo denbiilayaal ah.

فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰذَا لَسِحۡرٞ مُّبِينٞ ٧٦

Falammā jā'ahumul-haqqu min 'indinā qālū inna hādhā lasihrum mubīn

76. Markuu uga yimid Xaqu Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.

قَالَ مُوسَىٰٓ أَتَقُولُونَ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَكُمۡۖ أَسِحۡرٌ هَٰذَا وَلَا يُفۡلِحُ ٱلسَّٰحِرُونَ ٧٧

Qāla mūsā ataqūlūna lil-haqqi lammā jā'akum asihrun hādhā walā yuflihus-sāhirūn

77. Muuse wuxuu yidhi: Ma waxaad ka leedihiin (sidatan) Xaqa markuu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Sixiroolaayaashu ma liibaanaan.

قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَلۡفِتَنَا عَمَّا وَجَدۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا ٱلۡكِبۡرِيَآءُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا نَحۡنُ لَكُمَا بِمُؤۡمِنِينَ ٧٨

Qālū aji'tanā litalfitanā 'ammā wajadnā 'alayhi ābā'anā watakūna lakumal-kibriyā'u fil-ardi wamā nahnu lakumā bimu'minīn

78. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso waxaan ka hellay aabbayaashayo, iyo (inaad) ku sarreynta arlada markaas aad idinku yeelataan? Innaguna ma nihin kuwo idin rumeysanaya.

وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ ٱئۡتُونِي بِكُلِّ سَٰحِرٍ عَلِيمٖ ٧٩

Waqāla fir'awnu'tūnī bikulli sāhirin 'alīm

79. Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer.

فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ ٨٠

Falammā jā'as-saharatu qāla lahum mūsā alqū mā antum mulqūn

80. Markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxaad tuureysaan.

فَلَمَّآ أَلۡقَوۡاْ قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئۡتُم بِهِ ٱلسِّحۡرُۖ إِنَّ ٱللَّهَ سَيُبۡطِلُهُۥٓ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُصۡلِحُ عَمَلَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ٨١

Falammā alqaw qāla mūsā mā ji'tum bihis-sihru innallāha sayubtiluhū innallāha lā yuslihu 'amalal-mufsidīn

81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha.

وَيُحِقُّ ٱللَّهُ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٨٢

Wayuhiqqullāhul-haqqa bikalimātihī walaw karihal-mujrimūn

82. Alle wuxuu ku sugi Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane denbiilayaashu.

فَمَآ ءَامَنَ لِمُوسَىٰٓ إِلَّا ذُرِّيَّةٞ مِّن قَوۡمِهِۦ عَلَىٰ خَوۡفٖ مِّن فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِمۡ أَن يَفۡتِنَهُمۡۚ وَإِنَّ فِرۡعَوۡنَ لَعَالٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ ٨٣

Famā āmana limūsā illā dhurriyyatum min qawmihī 'alā khawfim min fir'awna wamala'ihim an yaftinahum wa inna fir'awna la'ālin fil-ardi wa innahū laminal-musrifīn

83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan. Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna xaqiiq ka mid ahaa xadgudbayaasha.

وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰقَوۡمِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ فَعَلَيۡهِ تَوَكَّلُوٓاْ إِن كُنتُم مُّسۡلِمِينَ ٨٤

Waqāla mūsā yāqawmi in kuntum āmantum billāhi fa'alayhi tawakkalū in kuntum muslimīn

84. Muuse wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Haddaad tihiin kuwo rumeysan Alle Isaga uun tala saarta, haddaad tihiin Muslimiin.

فَقَالُواْ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡنَا رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ ٨٥

Faqālū 'alallāhi tawakkalnā rabbanā lā taj'alnā fitnatal lil-qawmiz-zālimīn

85. Markaasay yidhaahdeen: Alle baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qoloda daalimiinta ah.

وَنَجِّنَا بِرَحۡمَتِكَ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٨٦

Wanajjinā birahmatika minal-qawmil-kāfirīn

86. Noogana badbaadi Naxariistaada qoloda gaalada ah.

وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰ وَأَخِيهِ أَن تَبَوَّءَا لِقَوۡمِكُمَا بِمِصۡرَ بُيُوتٗا وَٱجۡعَلُواْ بُيُوتَكُمۡ قِبۡلَةٗ وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٨٧

Wa awhaynā ilā mūsā wa akhīhi an tabawwa'ā liqawmikumā bimisra buyūtan waj'alū buyūtakum qiblatan wa aqīmus-salawāta wabasshiril-mu'minīn

87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna 21 guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) oogana salaadda. U bishaaree mu’miniinta.

وَقَالَ مُوسَىٰ رَبَّنَآ إِنَّكَ ءَاتَيۡتَ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَأَهُۥ زِينَةٗ وَأَمۡوَٰلٗا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا رَبَّنَا لِيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِكَۖ رَبَّنَا ٱطۡمِسۡ عَلَىٰٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ وَٱشۡدُدۡ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُواْ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ ٨٨

Waqāla mūsā rabbanā innaka ātayta fir'awna wamala'ahū zīnatan wa amwālan fil-hayawātid-dunyā rabbanā liyudillū 'an sabīlika rabbanatmis 'alā amwālihim washdud 'alā qulūbihim falā yu'minū hattā yarawul-'adhābal-alīm

88. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigayow! Waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbigayow! Markaasay ka lumeen Jidkaaga (oo ku kibreen arlada). Rabbigayow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.

قَالَ قَدۡ أُجِيبَت دَّعۡوَتُكُمَا فَٱسۡتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ ٨٩

Qāla qad ujībad da'watukumā fastaqīmā walā tattabi'ānni sabīlal-ladhīna lā ya'lamūn

89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay 22. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.

۞ وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ وَجُنُودُهُۥ بَغۡيٗا وَعَدۡوًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدۡرَكَهُ ٱلۡغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِيٓ ءَامَنَتۡ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ٩٠

Wajāwaznā bibanī isrā'īlal-bahra fa atba'ahum fir'awnu wajunūduhū baghyan wa'adwan hattā idhā adrakahul-gharaqu qāla āmantu annahū lā ilāha illal-ladhī āmanat bihī banū isrā'īla wa ana minal-muslimīn

90. Waxaan ka gudbinnay Ilmahii Israa’iil badda, markaasaa waxaa soo raacdeystey Fircoon iyo ciidamadiisa gardarro (dulmi) iyo cadaawad darteed; markuuse haraqu haleelay, wuxuu (Fircoon) yidhi: Waxaan rumeeyey inuusan jirin ilaah (xaq ah) aan aheyn kay rumeeyeen Ilamahii Israa’iil, aniguna waxaan ka mid ahay Muslimiinta.

ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ٩١

Āl'ana waqad 'asayta qablu wakunta minal-mufsidīn

91. Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta.

فَٱلۡيَوۡمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنۡ خَلۡفَكَ ءَايَةٗۚ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ عَنۡ ءَايَٰتِنَا لَغَٰفِلُونَ ٩٢

Fal-yawma nunajjīka bibadanika litakūna liman khalfaka āyatan wa inna kathīram minan-nāsi 'an āyātinā laghāfilūn

92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga 23 si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.

وَلَقَدۡ بَوَّأۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مُبَوَّأَ صِدۡقٖ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ فَمَا ٱخۡتَلَفُواْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ٩٣

Walaqad bawwa'nā banī isrā'īla mubawwa'a sidqin warazaqnāhum minat-tayyibāti famakhtalafū hattā jā'ahumul-'ilmu inna rabbaka yaqdī baynahum yawmal-qiyāmati fīmā kānū fīhi yakhtalifūn

93. Waxaana dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuu u kala garsoori dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen.

فَإِن كُنتَ فِي شَكّٖ مِّمَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ فَسۡـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقۡرَءُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكَۚ لَقَدۡ جَآءَكَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ ٩٤

Fa in kunta fī shakkim mimmā anzalnā ilayka fas'alil-ladhīna yaqra'ūnal-kitāba min qablika laqad jā'akal-haqqu mir rabbika falā takūnanna minal-mumtarīn

94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay 24, weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.

وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٩٥

Walā takūnanna minal-ladhīna kaddhabū bi'āyātillāhi fatakūna minal-khāsirīn

95. Ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Alle, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa khasaaray.

إِنَّ ٱلَّذِينَ حَقَّتۡ عَلَيۡهِمۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ لَا يُؤۡمِنُونَ ٩٦

Innal-ladhīna haqqat 'alayhim kalimatu rabbika lā yu'minūn

96. Kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa (ee cadaabka), ma rumaynayaan.

وَلَوۡ جَآءَتۡهُمۡ كُلُّ ءَايَةٍ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ ٩٧

Walaw jā'athum kullu āyatin hattā yarawul-'adhābal-alīm

97. Xataa hadday calaamo kasta u timaaddo jeeray arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.

فَلَوۡلَا كَانَتۡ قَرۡيَةٌ ءَامَنَتۡ فَنَفَعَهَآ إِيمَٰنُهَآ إِلَّا قَوۡمَ يُونُسَ لَمَّآ ءَامَنُواْ كَشَفۡنَا عَنۡهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ ٩٨

Falawlā kānat qaryatun āmanat fanafa'ahā īmānuhā illā qawma yūnusa lammā āmanū kashafnā 'anhum 'adhābal-khizyi fil-hayawātid-dunyā wamatta'nāhum ilā hīn

98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.

وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَأٓمَنَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ كُلُّهُمۡ جَمِيعًاۚ أَفَأَنتَ تُكۡرِهُ ٱلنَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ ٩٩

Walaw shā'a rabbuka la'āmana man fil-ardi kulluhum jamī'an afa'anta tukrihun-nāsa hattā yakūnū mu'minīn

99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin.

وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تُؤۡمِنَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَجۡعَلُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ ١٠٠

Wamā kāna linafsin an tu'mina illā bi idhnillāhi wayaj'alur-rijsa 'alal-ladhīna lā ya'qilūn

100. Nafna ma rumeyso Idanka Alle la'aantii, Wuxuuna Alle yeelaa qurunka 25 kuwaa dushooda aan (Xaqa) garowsan.

قُلِ ٱنظُرُواْ مَاذَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَا تُغۡنِي ٱلۡأٓيَٰتُ وَٱلنُّذُرُ عَن قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ ١٠١

Qulinzurū mādhā fis-samāwāti wal-ardi wamā tughnil-āyātu wan-nudhuru 'an qawmil lā yu'minūn

101. Dheh: Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu cid aan rumeyneyn.

فَهَلۡ يَنتَظِرُونَ إِلَّا مِثۡلَ أَيَّامِ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ قُلۡ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ ١٠٢

Fahal yantazirūna illā mithla ayyāmil-ladhīna khalaw min qablihim qul fantazirū innī ma'akum minal-muntazirīn

102. Ma waxay sugayaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood (ee Xaqa beeniyey)? Dheh: Suga (Ciqaabka Alle), aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta sugiye.

ثُمَّ نُنَجِّي رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ حَقًّا عَلَيۡنَا نُنجِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٠٣

Thumma nunajjī rusulanā walladhīna āmanū kadhālika haqqan 'alaynā nunjil-mu'minīn

103. Markaasaan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta.

قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي شَكّٖ مِّن دِينِي فَلَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِنۡ أَعۡبُدُ ٱللَّهَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُمۡۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٠٤

Qul yā'ayyuhan-nāsu in kuntum fī shakkim min dīnī falā a'budul-ladhīna ta'budūna min dūnillāhi walākin a'budullāhal-ladhī yatawaffākum wa umirtu an akūna minal-mu'minīn

104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi 26. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.

وَأَنۡ أَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ١٠٥

Wa an aqim wajhaka lid-dīni hanīfan walā takūnanna minal-mushrikīn

105. Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta (Islaamka) adigoo toosan, hana ka mid noqonin mushrikiinta.

وَلَا تَدۡعُ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَۖ فَإِن فَعَلۡتَ فَإِنَّكَ إِذٗا مِّنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٠٦

Walā tad'u min dūnillāhi mā lā yanfa'uka walā yadurruka fa in fa'alta fa innaka idham minaz-zālimīn

106. Ha baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.

وَإِن يَمۡسَسۡكَ ٱللَّهُ بِضُرّٖ فَلَا كَاشِفَ لَهُۥٓ إِلَّا هُوَۖ وَإِن يُرِدۡكَ بِخَيۡرٖ فَلَا رَآدَّ لِفَضۡلِهِۦۚ يُصِيبُ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ١٠٧

Wa in yamsaskallāhu bidurrin falā kāshifa lahū illā huwa wa in yuridka bikhayrin falā rādda lifadlihī yusību bihī man yashā'u min 'ibādihī wahuwal-ghafūrur-rahīm

107. Hadduu Alle ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa aan Isaga ahayn; hadduu kula doono khayrna ma jirto cid celin karta Deeqdiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدۡ جَآءَكُمُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۖ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ ١٠٨

Qul yā'ayyuhan-nāsu qad jā'akumul-haqqu mir rabbikum famanihtadā fa innamā yahtadī linafsihī waman dalla fa innamā yadillu 'alayhā wamā ana 'alaykum biwakīl

108. Dheh: Dadow! Waxaa idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa naftiisa, qofkii lumaana, waxay u daran tahay oo u lumaa naftiisa, anigana layma saarin inaan idinka noqdo wakiil.

وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ وَٱصۡبِرۡ حَتَّىٰ يَحۡكُمَ ٱللَّهُۚ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ ١٠٩

Wattabi' mā yūhā ilayka wasbir hattā yahkumallāhu wahuwa khayrul-hākimīn

109. Ee raac waxa (Qur’aanka) laguu waxyoodo (Nabiyow) samirna inta Alle ka kala xukumin (dadka). Isagaana u wanaagsan inta garsoorta.

Suuradda Hud

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ كِتَٰبٌ أُحۡكِمَتۡ ءَايَٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتۡ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ خَبِيرٍ ١

Alif Lām Rā kitābun uhkimat āyātuhū thumma fussilat mil ladun hakīmin khabīr

1. Alif Laam Raa 1. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey 2 Xagga Xigmad Badane, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).

أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۚ إِنَّنِي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ ٢

Allā ta'budū illallāha innanī lakum minhu nadhīrun wabashīr

2. Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.

وَأَنِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُمَتِّعۡكُم مَّتَٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى وَيُؤۡتِ كُلَّ ذِي فَضۡلٖ فَضۡلَهُۥۖ وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٖ كَبِيرٍ ٣

Wa anistaghfirū rabbakum thumma tūbū ilayhi yumatti'kum matā'an hasanan ilā ajalim musamman wayu'ti kulla dhī fadlin fadlahū wa in tawallaw fa innī akhāfu 'alaykum 'adhāba yawmin kabīr

3. Oo weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una tawbad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada).

إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٤

Ilallāhi marji'ukum wahuwa 'alā kulli shay'in qadīr

4. Waa xagga Alle meel noqodkiinna, Isagaana wax walba Kara.

أَلَآ إِنَّهُمۡ يَثۡنُونَ صُدُورَهُمۡ لِيَسۡتَخۡفُواْ مِنۡهُۚ أَلَا حِينَ يَسۡتَغۡشُونَ ثِيَابَهُمۡ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٥

Alā innahum yathnūna sudūrahum liyastakhfū minhu alā hīna yastaghshūna thiyābahum ya'lamu mā yusirrūna wamā yu'linūna innahū 'alīmu bidhātis-sudūr

5. Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan 3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

Su'aalo

Juz' 11 xagee ka bilaabmaa, xageese ku dhammaadaa?

Juz' 11 wuxuu ka bilaabmaa Suuradda At-Tawbah 9:93, wuxuuna ku dhammaadaa Suuradda Hud 11:5.

Suuradahee ayaa ku jira Juz' 11?

Juz' 11 waxaa ku jira At-Tawbah, Yunus, Hud.

Waa maxay juz'?

Juz' waa mid ka mid ah 30 qaybood oo dherer isku mid ah. Haddii aad maalin kasta mid akhrido, Qur'aanka waxaad ku dhammaynaysaa bil.