Suuradda At-Tawbah, aayadda 107

9:107

وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مَسۡجِدٗا ضِرَارٗا وَكُفۡرٗا وَتَفۡرِيقَۢا بَيۡنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَإِرۡصَادٗا لِّمَنۡ حَارَبَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ مِن قَبۡلُۚ وَلَيَحۡلِفُنَّ إِنۡ أَرَدۡنَآ إِلَّا ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ ١٠٧

Walladhīnat-takhadhū masjidan dirāran wakufran watafrīqā baynal-mu'minīna wa irsādal liman hāraballāha warasūlahū min qablu walayahlifunna in aradnā illal-husnā wallāhu yashhadu innahum lakādhibūn

107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay 33 Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.

Faallooyin hoose

33. Waxaa loola jeedaa kii la dagaalay Alle iyo Rasuulkiisa : Abuu Caamir Al- Faasiq, waxayna sugayeen inuu ka yimaado Suuriya oo kula tukado masjidkooda, isagoo ay la socdaan ciidammo Ruumaan ah oo u yimaada la dagaallanka muslimiinta, laakiinse Abuu Caamir ma imanoo wuxuu ku dhintay Suuriya, masjidkii ay dhiseen munaafiqiintana waxaa lagu dumiyey amarka Rasuulka s.c.w. waxyigii ku soo degay darti kaddib markuu ka soo laabtay dagaalkii Tabuuk.