وَعَلَى ٱلثَّلَٰثَةِ ٱلَّذِينَ خُلِّفُواْ حَتَّىٰٓ إِذَا ضَاقَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَرۡضُ بِمَا رَحُبَتۡ وَضَاقَتۡ عَلَيۡهِمۡ أَنفُسُهُمۡ وَظَنُّوٓاْ أَن لَّا مَلۡجَأَ مِنَ ٱللَّهِ إِلَّآ إِلَيۡهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيۡهِمۡ لِيَتُوبُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ ١١٨
Wa'alath-thalāthatil-ladhīna khullifū hattā idhā dāqat 'alayhimul-ardu bimā rahubat wadāqat 'alayhim anfusuhum wazannū al lā malja'a minallāhi illā ilayhi thumma tāba 'alayhim liyatūbū innallāha huwat-tawwābur-rahīm
118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' 41, heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.
Faallooyin hoose
41. Aayadahani waxay ku soo degeen duullaankii Tabuuk, wuxuuna ahaa waqti aad u kulul, iyo socdaal dheer, waayo Madiina iyo Tabuuk waa kala dheer yihiin marka lug lagu socdo. Seddexdaas nin ee dib ku haray waxay ahaayeen: Kacab bin Maalik, Hilaal bin Umayyah, iyo Muraarah bin Rabiic., waxaana lagu eedeeyey inay ka hareen dagaalkii Tabuuk oo ayan ka soo qayb gelin.