Suuradda Yunus, aayadda 19

10:19

وَمَا كَانَ ٱلنَّاسُ إِلَّآ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ فَٱخۡتَلَفُواْۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡ فِيمَا فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ١٩

Wamā kānan-nāsu illā ummatan wāhidatan fakhtalafū walawlā kalimatun sabaqat mir rabbika laqudiya baynahum fīmā fīhi yakhtalifūn

19. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya (heysta diin keliya 'Islaamka' 7, markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa 8 waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.

Faallooyin hoose

7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ilmo kasta waxay ku dhashaan Islaamnimo (oo ah in la caabudo Alle Keliya aan waxna lala wadaajin cibaadada) laakiinse waalidkiisa baa ka yeela Yuhuud ama Nasaaro (Kirishtaan) ama Majuus dab caabud ah, sidaba ay xooluhu u dhalaan neef aan iin laheyn. Ma waad ku aragtaan wax dheg go’an? (W.w. Al-Bukhaari).

8. In loo oofiyo muddadooda ama inaan la ciqaabin cidna iyadoo aan xujo cad u iman.