Suuradda At-Tawbah, aayadda 111

9:111

۞ إِنَّ ٱللَّهَ ٱشۡتَرَىٰ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَنفُسَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُم بِأَنَّ لَهُمُ ٱلۡجَنَّةَۚ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَيَقۡتُلُونَ وَيُقۡتَلُونَۖ وَعۡدًا عَلَيۡهِ حَقّٗا فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَٱلۡإِنجِيلِ وَٱلۡقُرۡءَانِۚ وَمَنۡ أَوۡفَىٰ بِعَهۡدِهِۦ مِنَ ٱللَّهِۚ فَٱسۡتَبۡشِرُواْ بِبَيۡعِكُمُ ٱلَّذِي بَايَعۡتُم بِهِۦۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١١١

Innallāhashtarā minal-mu'minīna anfusahum wa amwālahum bi anna lahumul-jannata yuqātilūna fī sabīlillāhi fayaqtulūna wayuqtalūna wa'dan 'alayhi haqqan fit-tawrāti wal-injīli wal-qur'āni waman awfā bi'ahdihī minallāhi fastabshirū bibay'ikumul-ladhī bāya'tum bihī wadhālika huwal-fawzul-'azīm

111. Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Alle 37, markaasay dilaan (xaq iyo nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Alle? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Guusha Weyn.

Faallooyin hoose

37. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Arrinka qofka u jihaada Alle darti, Alle baana ogsoon qofka u jihaada darti, wuxuu la mid yahay qof u sooma oo u salaada si aan hakad lahayn. Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday qofkii u jihaada Jidkiisa inuu gelin Janno haddii la dilo, haddii kale wuxuu u soo celin gurgiisa isagoo nabad qaba oo ajar helay iyo qaniimo (maal)”. W.w. Al-Bukhaari.