Juz' 10 واعلموا

Laga bilaabo Suuradda Al-Anfal 8:41 ilaa Suuradda At-Tawbah 9:92

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Suuradda Al-Anfal

۞ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٤١

Wa'lamū annamā ghanimtum min shay'in fa anna lillāhi khumusahū walir-rasūli walidhil-qurbā wal-yatāmā wal-masākīni wabnis-sabīli in kuntum āmantum billāhi wamā anzalnā 'alā 'abdinā yawmal-furqāni yawmal-taqal-jam'āni wallāhu 'alā kulli shay'in qadīr

41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel 11, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo socotada (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa 12, maalintay kulmeen labadii ciidan. Alle wax walba wuu Karaa.

إِذۡ أَنتُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلۡقُصۡوَىٰ وَٱلرَّكۡبُ أَسۡفَلَ مِنكُمۡۚ وَلَوۡ تَوَاعَدتُّمۡ لَٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡمِيعَٰدِ وَلَٰكِن لِّيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗا لِّيَهۡلِكَ مَنۡ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٖ وَيَحۡيَىٰ مَنۡ حَيَّ عَنۢ بَيِّنَةٖۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ ٤٢

Idh antum bil-'udwatid-dunyā wahum bil-'udwatil-quswā war-rakbu asfala minkum walaw tawā'attum lakhtalaftum fil-mī'ādi walākil liyaqdiyallāhu amran kāna maf'ūlal liyahlika man halaka 'am bayyinatin wayahyā man hayya 'am bayyinatin wa innallāha lasamī'un 'alīm

42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke 'ee togga' 13, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

إِذۡ يُرِيكَهُمُ ٱللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلٗاۖ وَلَوۡ أَرَىٰكَهُمۡ كَثِيرٗا لَّفَشِلۡتُمۡ وَلَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ سَلَّمَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٤٣

Idh yurīkahumullāhu fī manāmika qalīlan walaw arākahum kathīral lafashiltum walatanāza'tum fil-amri walākinnallāha sallama innahū 'alīmu bidhātis-sudūr

43. Markuu Alle idinku tusay riyaadada inay tiro yar yihiin, hadduu idin tusi lahaa iyagoo tiro badan, waad qalbi jabi laheydeen, oo aad isku qabsan lahaydeen arrinka. Alle baase (idinka) badbaadshay. Hubaal (Alle) waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).

وَإِذۡ يُرِيكُمُوهُمۡ إِذِ ٱلۡتَقَيۡتُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِكُمۡ قَلِيلٗا وَيُقَلِّلُكُمۡ فِيٓ أَعۡيُنِهِمۡ لِيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗاۗ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ ٤٤

Wa idh yurīkumūhum idhil-taqaytum fī a'yunikum qalīlan wayuqallilukum fī a'yunihim liyaqdiyallāhu amran kāna maf'ūlan wa ilallāhi turja'ul-umūr

44. (Xusuusta) markuu idinku tusayey, markaad kulanteen wax tiro yar oo kale indhihiinna, wuxuuna idinka yeelay inaad ugu muuqataan wax tiro yar indhahooda, si uu Alle u fuliyo arrin horay uu u qaddaray. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمۡ فِئَةٗ فَٱثۡبُتُواْ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا لَّعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ٤٥

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā laqītum fi atan fathbutū wadhkurullāha kathīral la'allakum tuflihūn

45. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad la kulantaan ciidan (cadow ah) sugnaada, xusana Alle in badan inaad liibaantaan.

وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَا تَنَٰزَعُواْ فَتَفۡشَلُواْ وَتَذۡهَبَ رِيحُكُمۡۖ وَٱصۡبِرُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ ٤٦

Wa atī'ullāha warasūlahū walā tanāza'ū fatafshalū watadhhaba rīhukum wasbirū innallāha ma'as-sābirīn

46. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha murmina, yeydaan niyad jabine, xooggiinnu- nu tegin, oo samra. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa samra.

وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بَطَرٗا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ ٤٧

Walā takūnū kalladhīna kharajū min diyārihim bataran wari'ā'an-nāsi wayasuddūna 'an sabīlillāhi wallāhu bimā ya'malūna muhīt

47. Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle 14. Alle wuu koobaa waxay falaan.

وَإِذۡ زَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَقَالَ لَا غَالِبَ لَكُمُ ٱلۡيَوۡمَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَإِنِّي جَارٞ لَّكُمۡۖ فَلَمَّا تَرَآءَتِ ٱلۡفِئَتَانِ نَكَصَ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ وَقَالَ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّنكُمۡ إِنِّيٓ أَرَىٰ مَا لَا تَرَوۡنَ إِنِّيٓ أَخَافُ ٱللَّهَۚ وَٱللَّهُ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٤٨

Wa idh zayyana lahumush-shaytānu a'mālahum waqāla lā ghāliba lakumul-yawma minan-nāsi wa innī jārul lakum falammā tarā'atil-fi'atāni nakasa 'alā 'aqibayhi waqāla innī barī'um minkum innī arā mā lā tarawna innī akhāfullāha wallāhu shadīdul-'iqāb

48. (Xusuuso) markuu shaydaanku u qurxiyey acmaashooda (xun) oo yidhi: "Ma jiro maanta cid ka mid ah dadka oo idinka adkaan karta, anigaana ah ilaaliyahiinna". Markayse is arkeen labadii kooxood ayuu u gurtay cidhbahiisa oo yidhi, "anigu barii baan idinka ahay. Waxaan anigu arkaa wax aydaan arag. Waxaan anigu ka cabsan Alle, Alle Ciqaabkiisu wuu daran yahay".

إِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ غَرَّ هَٰٓؤُلَآءِ دِينُهُمۡۗ وَمَن يَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ ٤٩

Idh yaqūlul-munāfiqūna walladhīna fī qulūbihim maradun gharra hā'ulā'i dīnuhum waman yatawakkal 'alallāhi fa innallāha 'azīzun hakīm

49. Markay munaafiqiintu iyo kuwa uu ku jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) quluubtooda yidhaahdeen: kuwaani diintooda baa hodday. Qofkiise tala saarta Alle, hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ يَتَوَفَّى ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ وَذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ ٥٠

Walaw tarā idh yatawaffal-ladhīna kafarul-malā'ikatu yadribūna wujūhahum wa adbārahum wadhūqū 'adhābal-harīq

50. Haddaad arki lahayd markay malaa'igtu nafta ka qaadeyso kuwa gaaloobay iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda (oo ku leh): Dhadhamiya cadaabka gubashada 15.

ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ ٥١

Dhālika bimā qaddamat aydīkum wa annallāha laysa bizallāmil lil-'abīd

51. Arrinkaasi waa waxay gacmihiinnu hormarsadeen awgii, iyo in Alle aanu ahayn mid dulmiya addoomahiisa.

كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ ٥٢

Kada'bi āli fir'awna walladhīna min qablihim kafarū bi'āyātillāhi fa akhadhahumullāhu bidhunūbihim innallāha qawiyyun shadīdul-'iqāb

52. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: waxay ku gaaloobeen Aayadaha Alle, markaasuu Alle u halaagay denbiyadoodii awgood. Hubaal Alle waa Xoog Badane, Ciqaab Adag.

ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ لَمۡ يَكُ مُغَيِّرٗا نِّعۡمَةً أَنۡعَمَهَا عَلَىٰ قَوۡمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنفُسِهِمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ ٥٣

Dhālika bi annallāha lam yaku mughayyiran ni'matan an'amahā 'alā qawmin hattā yughayyirū mā bi anfusihim wa annallāha samī'un 'alīm

53. Arrinkaa wa inaan Alle marnaba beddelin nicmad uu siiyey qolo jeer ay beddelaan iyaga xaalkooda; iyo inuu Alle yahay wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

كَدَأۡبِ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَۚ وَكُلّٞ كَانُواْ ظَٰلِمِينَ ٥٤

Kada'bi āli fir'awna walladhīna min qablihim kaddhabū bi'āyāti rabbihim fa ahlaknāhum bidhunūbihim wa aghraqnā āla fir'awna wakullun kānū zālimīn

54. Waa sida caadadii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay: Waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan u halaagnay denbiyadoodii awgood, waxaana harqinnay qolodii Fircoon, oo waxay kulligood ahaayeen daalimiin.

إِنَّ شَرَّ ٱلدَّوَآبِّ عِندَ ٱللَّهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٥٥

Inna sharrad-dawābbi 'indallāhil-ladhīna kafarū fahum lā yu'minūn

55. Xaqiiq kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Alle agti waa gaalada, marka ma ay rumeynayaan.

ٱلَّذِينَ عَٰهَدتَّ مِنۡهُمۡ ثُمَّ يَنقُضُونَ عَهۡدَهُمۡ فِي كُلِّ مَرَّةٖ وَهُمۡ لَا يَتَّقُونَ ٥٦

Alladhīna 'āhatta minhum thumma yanqudūna 'ahdahum fī kulli marratin wahum lā yattaqūn

56. Kuwa aad la gasho axdiga, haddana jebiya axdigooda mar waliba, oo aan iska jirin (Cadaabka Alle iyo Cadhadi).

فَإِمَّا تَثۡقَفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡحَرۡبِ فَشَرِّدۡ بِهِم مَّنۡ خَلۡفَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ ٥٧

Fa immā tathqafannahum fil-harbi fasharrid bihim man khalfahum la'allahum yaddhakkarūn

57. Ee haddaad ku hesho dagaal kala firdhi (adigoo tusaale uga dhigaya) kuwa ka dambeeya 16, bal inay waantoobaan.

وَإِمَّا تَخَافَنَّ مِن قَوۡمٍ خِيَانَةٗ فَٱنۢبِذۡ إِلَيۡهِمۡ عَلَىٰ سَوَآءٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡخَآئِنِينَ ٥٨

Wa immā takhāfanna min qawmin khiyānatan fambidh ilayhim 'alā sawā'in innallāha lā yuhibbul-khā'inīn

58. Haddaad ka cabsato khiyaano xagga qolo 'axdi idinka dhexeeyey' 17, u tuur (axdigooda), oo u sheeg si aad uga sinnaataan wargelinta (in axdi idin dhex yaalla jirin). Hubaal, Alle ma jecla khaa’imiinta.

وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَبَقُوٓاْۚ إِنَّهُمۡ لَا يُعۡجِزُونَ ٥٩

Walā yahsabannal-ladhīna kafarū sabaqū innahum lā yu'jizūn

59. Yeysan moodinna gaalada inay hormareen (macnaha waa ha ka cabsan ku hormarkooda heerarka adduun ama hubka). Hubaal (Alle) kama baxsan karaan 18.

وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا ٱسۡتَطَعۡتُم مِّن قُوَّةٖ وَمِن رِّبَاطِ ٱلۡخَيۡلِ تُرۡهِبُونَ بِهِۦ عَدُوَّ ٱللَّهِ وَعَدُوَّكُمۡ وَءَاخَرِينَ مِن دُونِهِمۡ لَا تَعۡلَمُونَهُمُ ٱللَّهُ يَعۡلَمُهُمۡۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِن شَيۡءٖ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ ٦٠

Wa a'iddū lahum mastata'tum min quwwatin wamir ribātil-khayli turhibūna bihī 'aduwwallāhi wa'aduwwakum wa ākharīna min dūnihim lā ta'lamūnahumullāhu ya'lamuhum wamā tunfiqū min shay'in fī sabīlillāhi yuwaffa ilaykum wa antum lā tuzlamūn

60. U diyaarsada waxaad kartaan oo xoog ah (sida sawaariikhda, gantaallada) iyo fardo u heegan ah (dagaal, gawaari gaashaaman, diyaarado iyo doomo dheereeya) si aad ugu cabsi gelisaan cadowga Alle iyo cadowgiinna iyo kuwo kale oo ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Alle baase og. Waxaad ku bixisaanna Jidka Alle waa la idiin gudi si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmin.

۞ وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلۡمِ فَٱجۡنَحۡ لَهَا وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٦١

Wa in janahū lis-salmi fajnah lahā watawakkal 'alallāhi innahū huwas-samī'ul-'alīm

61. Hadday u iishaan gaalada xagga nabadda, markaa adiguna u iilo, oo Alle talo saaro. hubaal, waa wax Kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٦٢

Wa in yurīdū an yakhda'ūka fa inna hasbakallāhu huwal-ladhī ayyadaka binasrihī wabil-mu'minīn

62. Hadday doonaanna inay ku dhagraan, waxaa kugu Filan Alle, Isaga weeye Kan kugu xoojiyey Gargaarkiisa iyo mu’miniintaba.

وَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡۚ لَوۡ أَنفَقۡتَ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا مَّآ أَلَّفۡتَ بَيۡنَ قُلُوبِهِمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ أَلَّفَ بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّهُۥ عَزِيزٌ حَكِيمٞ ٦٣

Wa allafa bayna qulūbihim law anfaqta mā fil-ardi jamī'am mā allafta bayna qulūbihim walākinnallāha allafa baynahum innahū 'azīzun hakīm

63. Oo isu soo dumay quluubtooda. Haddaad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad mideyso quluubtooda, Alle baase mideeyey. Hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَسۡبُكَ ٱللَّهُ وَمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٦٤

Yā'ayyuhan-nabiyyu hasbukallāhu wamanit-taba'aka minal-mu'minīn

64. Nabiyow! Waxaa kugu Filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ حَرِّضِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَى ٱلۡقِتَالِۚ إِن يَكُن مِّنكُمۡ عِشۡرُونَ صَٰبِرُونَ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ ٦٥

Yā'ayyuhan-nabiyyu harridil-mu'minīna 'alal-qitāli in yakum minkum 'ishrūna sābirūna yaghlibū mi'atayni wa in yakum minkum mi'atun yaghlibū alfam minal-ladhīna kafarū bi annahum qawmul lā yafqahūn

65. Nabiyow! Ku guubaabi mu’miniinta inay dagaallamaan. Hadday idinka mid yihiin labaatan samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, hadday idinka mid yihiin boqol (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan kun kuwa gaaloobay ah 19, waayo waa dad aan wax fahmayn.

ٱلۡـَٰٔنَ خَفَّفَ ٱللَّهُ عَنكُمۡ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمۡ ضَعۡفٗاۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّاْئَةٞ صَابِرَةٞ يَغۡلِبُواْ مِاْئَتَيۡنِۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمۡ أَلۡفٞ يَغۡلِبُوٓاْ أَلۡفَيۡنِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ ٦٦

Al-'ana khaffafallāhu 'ankum wa'alima anna fīkum da'fan fa in yakum minkum mi'atun sābiratun yaghlibū mi'atayni wa in yakum minkum alfun yaghlibū alfayni bi idhnillāhi wallāhu ma'as-sābirīn

66. Haatan Alle wuu idinka fududeeyey cuelyskiinna, wuxuu og yahay inaad tabar yar tihiin. Ee hadday idinka mid yihiin boqol samir iyo adkeysi leh, waxay ka adkaan labo boqol, oo hadday idinka mid yihiin kun (samir iyo adkeysi leh), waxay ka adkaan labo kun Alle Idankii 20. Alle wuxuu la jiraa kuwa ah samrayaasha.

مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُۥٓ أَسۡرَىٰ حَتَّىٰ يُثۡخِنَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ ٱلدُّنۡيَا وَٱللَّهُ يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ ٦٧

Mā kāna linabiyyin an yakūna lahū asrā hattā yuthkhina fil-ardi turīdūna 'aradad-dunyā wallāhu yurīdul-ākhirata wallāhu 'azīzun hakīm

67. Kuma habboona Nabi inuu soo qaato qafaal (dagaal) ilaa uu horta ku laayo (cadowyada Alle) arlada oo ka jilciyo. Waxaad rabtaan (waa muslimiinta qaar) alaabta dhammaaneysa ee nolosha adduunyadan, wuxuuse Alle (idinla) rabaa Aakhirada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

لَّوۡلَا كِتَٰبٞ مِّنَ ٱللَّهِ سَبَقَ لَمَسَّكُمۡ فِيمَآ أَخَذۡتُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ ٦٨

Llawlā kitābum minallāhi sabaqa lamassakum fīmā akhadhtum 'adhābun 'azīm

68. Haddaanu jiri lahayn xukun xagga Alle ah ee hore uu u gooyey 21, waxaa idinku soo gaari lahaa waxaad qaadateen cadaab daran.

فَكُلُواْ مِمَّا غَنِمۡتُمۡ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٦٩

Fakulū mimmā ghanimtum halālan tayyiban wattaqullāha innallāha ghafūrur rahīm

69. Cuna waxa xalaasha ah wanaagsan aad heshaan ee qaniimo dagaal ah. Alle ka cabsada (oo dhowra Amarradiisa). Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّمَن فِيٓ أَيۡدِيكُم مِّنَ ٱلۡأَسۡرَىٰٓ إِن يَعۡلَمِ ٱللَّهُ فِي قُلُوبِكُمۡ خَيۡرٗا يُؤۡتِكُمۡ خَيۡرٗا مِّمَّآ أُخِذَ مِنكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٧٠

Yā'ayyuhan-nabiyyu qul liman fī aydīkum minal-asrā in ya'lamillāhu fī qulūbikum khayran yu'tikum khayram mimmā ukhidha minkum wayaghfir lakum wallāhu ghafūrur rahīm

70. Nabiyow! Ku dheh kuwaad soo qafaalateen ee ku jira gacmahiinna: haddii Alle ku og yahay wax khayr ah quluubtiinna, wuxuu idin siin wax ka khayr badan waxa la idinka qaaday, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَإِن يُرِيدُواْ خِيَانَتَكَ فَقَدۡ خَانُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ فَأَمۡكَنَ مِنۡهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ٧١

Wa in yurīdū khiyānataka faqad khānullāha min qablu fa amkana minhum wallāhu 'alīmun hakīm

71. Hadday doonaan inay ku khiyaamee- yaan waxay horeba u khiyaameeyeen Alle. Markaasuu lib idin siiyey oo la laayey. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يُهَاجِرُواْ مَا لَكُم مِّن وَلَٰيَتِهِم مِّن شَيۡءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُواْۚ وَإِنِ ٱسۡتَنصَرُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ فَعَلَيۡكُمُ ٱلنَّصۡرُ إِلَّا عَلَىٰ قَوۡمِۭ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُم مِّيثَٰقٞۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ ٧٢

Innal-ladhīna āmanū wahājarū wajāhadū bi amwālihim wa anfusihim fī sabīlillāhi walladhīna āwaw wwanasarū ulā'ika ba'duhum awliyā'u ba'din walladhīna āmanū walam yuhājirū mā lakum min walāyatihim min shay'in hattā yuhājirū wa inistansarūkum fid-dīni fa'alaykumun-nasru illā 'alā qawmi baynakum wabaynahum mīthāqun wallāhu bimā ta'malūna basīr

72. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyay ee soo haajiray ee ugu jihaaday maalkooda iyo nafahooda jidka Alle iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray - kuwaa ayaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale. Kuwase rumeeyey aanse soo haajirin idinkama saarna xil xigaaleysigooda jeer ay soo haajiraan, hadday se idiinku hiishadaan Diinta, waa idinku waajib inaad u soo hiillisaan, marka laga reebo qolo uu dhexdiinna idinka iyo iyaga axdi yaal, Alle wuu arkaa waxaad fashaan.

وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٍۚ إِلَّا تَفۡعَلُوهُ تَكُن فِتۡنَةٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَفَسَادٞ كَبِيرٞ ٧٣

Walladhīna kafarū ba'duhum awliyā'u ba'din illā taf'alūhu takun fitnatun fil-ardi wafasādun kabīr

73. Kuwa gaalada ah qaaroodba xulufo buu u yahay qaarka kale, haddii aydaan (Muslimiintoy) sameyn sidaa oo kale, waxaa jiri dhulka fasahaad weyn 22.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱلَّذِينَ ءَاوَواْ وَّنَصَرُوٓاْ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ ٧٤

Walladhīna āmanū wahājarū wajāhadū fī sabīlillāhi walladhīna āwaw wwanasarū ulā'ika humul-mu'minūna haqqal lahum maghfiratun warizqun karīm

74. Kuwa rumeeyey ee soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, iyo kuwa soo hoygeshay ee taageeray, kuwaa waa mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنۢ بَعۡدُ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ مَعَكُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ مِنكُمۡۚ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمُۢ ٧٥

Walladhīna āmanū mim ba'du wahājarū wajāhadū ma'akum fa ulā'ika minkum wa ulul-arhāmi ba'duhum awlā biba'din fī kitābillāhi innallāha bikulli shay'in 'alīm

75. Kuwase rumeeyey waa’ dambe, oo soo hijrooday oo jihaaday la jirkiin, kuwaa waa idinka mid. Qaraabada baana qaarkoodba ka mudan yahay qaarka kale (is dhaxlidda) sida Kitaabka Alle qoray 23. Hubaal, Alle wax kasta wuu Ogsoon yahay.

Suuradda At-Tawbah

9:1

بَرَآءَةٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّم مِّنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ١

Barā'atum minallāhi warasūlihī ilal-ladhīna 'āhattum minal-mushrikīn

1. (Kani waa ogeysiis in) Alle iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin 1 kuwa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).

9:2

فَسِيحُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَرۡبَعَةَ أَشۡهُرٖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّكُمۡ غَيۡرُ مُعۡجِزِي ٱللَّهِ وَأَنَّ ٱللَّهَ مُخۡزِي ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢

Fasīhū fil-ardi arba'ata ashhurin wa'lamū annakum ghayru mu'jizillāhi wa annallāha mukhzil-kāfirīn

2. Ee (ku) mara (gaaloy) dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Alle, iyo in Alle uu dulleyn gaalada.

9:3

وَأَذَٰنٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦٓ إِلَى ٱلنَّاسِ يَوۡمَ ٱلۡحَجِّ ٱلۡأَكۡبَرِ أَنَّ ٱللَّهَ بَرِيٓءٞ مِّنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ وَرَسُولُهُۥۚ فَإِن تُبۡتُمۡ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۖ وَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّكُمۡ غَيۡرُ مُعۡجِزِي ٱللَّهِۗ وَبَشِّرِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ٣

Wa adhānum minallāhi warasūlihī ilan-nāsi yawmal-hajjil-akbari annallāha barī'um minal-mushrikīna warasūluhū fa in tubtum fahuwa khayrul lakum wa in tawallaytum fa'lamū annakum ghayru mu'jizillāhi wabasshiril-ladhīna kafarū bi'adhābin alīm

3. Waa ogeysiis xagga Alle iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka 2 inuu Alle barii ka yahay gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisu. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) tawbad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Ugu bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.

9:4

إِلَّا ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّم مِّنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ثُمَّ لَمۡ يَنقُصُوكُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَمۡ يُظَٰهِرُواْ عَلَيۡكُمۡ أَحَدٗا فَأَتِمُّوٓاْ إِلَيۡهِمۡ عَهۡدَهُمۡ إِلَىٰ مُدَّتِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَّقِينَ ٤

Illal-ladhīna 'āhattum minal-mushrikīna thumma lam yanqusūkum shay'an walam yuzāhirū 'alaykum ahadan fa atimmū ilayhim 'ahdahum ilā muddatihim innallāha yuhibbul-muttaqīn

4. Waxaan ahayn kuwa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, markaasna aan idinka nuqsaamin waxba, aanna kaalmeyn cidna lidkiin. U oofiya axdigooda intay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).

9:5

فَإِذَا ٱنسَلَخَ ٱلۡأَشۡهُرُ ٱلۡحُرُمُ فَٱقۡتُلُواْ ٱلۡمُشۡرِكِينَ حَيۡثُ وَجَدتُّمُوهُمۡ وَخُذُوهُمۡ وَٱحۡصُرُوهُمۡ وَٱقۡعُدُواْ لَهُمۡ كُلَّ مَرۡصَدٖۚ فَإِن تَابُواْ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ فَخَلُّواْ سَبِيلَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٥

Fa idhansalakhal-ashhurul-hurumu faqtulul-mushrikīna haythu wajattumūhum wakhudhūhum wahsurūhum waq'udū lahum kulla marsadin fa in tābū wa aqāmus-salawāta wa ātawuz-zakawāta fakhallū sabīlahum innallāha ghafūrur rahīm

5. Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan 3, ku dila mushrikiinta (idiinka baxay heshiiska) meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, una fadhiista suryo walba. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya waddadooda. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

9:6

وَإِنۡ أَحَدٞ مِّنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ٱسۡتَجَارَكَ فَأَجِرۡهُ حَتَّىٰ يَسۡمَعَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ أَبۡلِغۡهُ مَأۡمَنَهُۥۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَعۡلَمُونَ ٦

Wa in ahadum minal-mushrikīnastajāraka fa ajirhu hattā yasma'a kalāmallāhi thumma ablighhu ma'manahū dhālika bi annahum qawmul lā ya'lamūn

6. Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn.

9:7

كَيۡفَ يَكُونُ لِلۡمُشۡرِكِينَ عَهۡدٌ عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ رَسُولِهِۦٓ إِلَّا ٱلَّذِينَ عَٰهَدتُّمۡ عِندَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۖ فَمَا ٱسۡتَقَٰمُواْ لَكُمۡ فَٱسۡتَقِيمُواْ لَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَّقِينَ ٧

Kayfa yakūnu lil-mushrikīna 'ahdun 'indallāhi wa'inda rasūlihī illal-ladhīna 'āhattum 'indal-masjidil-harāmi famastaqāmū lakum fastaqīmū lahum innallāha yuhibbul-muttaqīn

7. Sidee bay ugu lahaan karaan gaalada mushrikiinta ah axdi Alle agti iyo Rasuulkiisa aan aheyn kuwa aad kula gasheen axdiga Masjidka xurmadda leh (Kacbada)? Intay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Hubaal, Alle wuu jecel yahay kuwa ka cabsada (ee dhowra amarradiisa oo iska jira xumaha).

9:8

كَيۡفَ وَإِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ لَا يَرۡقُبُواْ فِيكُمۡ إِلّٗا وَلَا ذِمَّةٗۚ يُرۡضُونَكُم بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَتَأۡبَىٰ قُلُوبُهُمۡ وَأَكۡثَرُهُمۡ فَٰسِقُونَ ٨

Kayfa wa in yazharū 'alaykum lā yarqubū fīkum illan walā dhimmatan yurdūnakum bi afwāhihim wata'bā qulūbuhum wa aktharuhum fāsiqūn

8. Sidee (baad axdi ula yeelan) halka markay idinka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ha ahaado mid wada dhalasho ama axdi aad leedihiin midna? Waxay idinku raalli galiyaan afafkooda, halka quluubtoodu ayan oggolaan (inay oofiyaan), intooda badanina waa caasiyaal.

9:9

ٱشۡتَرَوۡاْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلٗا فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٩

Ishtaraw bi'āyātillāhi thamanan qalīlan fasaddū 'an sabīlihī innahum sā'a mā kānū ya'malūn

9. Waxay siistaan qiimo yar Aayadaha Alle, markaasay ka duwaan (dadka) Jidkiisa (Islaamka). Xumaa waxay falaan.

لَا يَرۡقُبُونَ فِي مُؤۡمِنٍ إِلّٗا وَلَا ذِمَّةٗۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُعۡتَدُونَ ١٠

Lā yarqubūna fī mu'minin illan walā dhimmatan wa ulā'ika humul-mu'tadūn

10. Uma dhowraan mu'min qaraabinnimo iyo axdi midna. Waa kuwaa kuwa ahi xad gudbayaasha.

فَإِن تَابُواْ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِۗ وَنُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ ١١

Fa in tābū wa aqāmus-salawāta wa ātawuz-zakawāta fa ikhwānukum fid-dīni wanufassilul-āyāti liqawmin ya'lamūn

11. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, bixiyaanna Sakada waa walaalihiinna diinta. Waxaanu uga dhignaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh.

وَإِن نَّكَثُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُم مِّنۢ بَعۡدِ عَهۡدِهِمۡ وَطَعَنُواْ فِي دِينِكُمۡ فَقَٰتِلُوٓاْ أَئِمَّةَ ٱلۡكُفۡرِ إِنَّهُمۡ لَآ أَيۡمَٰنَ لَهُمۡ لَعَلَّهُمۡ يَنتَهُونَ ١٢

Wa in nakathū aymānahum mim ba'di 'ahdihim wata'anū fī dīnikum faqātilū a'immatal-kufri innahum lā aymāna lahum la'allahum yantahūn

12. Haddayse (gaaladu) jabiyaan dhaarahooda axdigooda kaddib, oo (si cad) u duraan diintiinna, markaa la dagaallama hoggaamiyayaasha kufriga – hubaal waa kuwo aan axdi tixgelin - waa intaasoo ay joojiyaan (colaadda ay wadaan).

أَلَا تُقَٰتِلُونَ قَوۡمٗا نَّكَثُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ وَهَمُّواْ بِإِخۡرَاجِ ٱلرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٍۚ أَتَخۡشَوۡنَهُمۡۚ فَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَوۡهُ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ١٣

Alā tuqātilūna qawman nakathū aymānahum wahammū bi ikhrājir-rasūli wahum bada'ūkum awwala marratin atakhshawnahum fallāhu ahaqqu an takhshawhu in kuntum mu'minīn

13. Miyeydaan la dagaallamayn qolo burisay dhaarahooda (ballamahay idinla galeenna ka baxay) oo ku hammiyey saaridda Rasuulka, idinkuna billaabay weerarka markii hore? Miyaad ka baqeysaan? Alle baase mudan inaad ka baqdaan, haddaad tihiin mu’miniin.

قَٰتِلُوهُمۡ يُعَذِّبۡهُمُ ٱللَّهُ بِأَيۡدِيكُمۡ وَيُخۡزِهِمۡ وَيَنصُرۡكُمۡ عَلَيۡهِمۡ وَيَشۡفِ صُدُورَ قَوۡمٖ مُّؤۡمِنِينَ ١٤

Qātilūhum yu'addhibhumullāhu bi aydīkum wayukhzihim wayansurkum 'alayhim wayashfi sudūra qawmim mu'minīn

14. La dagaallama (gaalada duullaanka idinku ah), Alle wuxuu ku cadaabi gacmihiinna oo ku dulleyn, idiinna gar- gaari oo bogsiin laabaha qolo mu’miniin ah.

وَيُذۡهِبۡ غَيۡظَ قُلُوبِهِمۡۗ وَيَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَىٰ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ١٥

Wayudhhib ghayza qulūbihim wayatūbullāhu 'alā man yashā'u wallāhu 'alīmun hakīm

15. Wuxuuna ka saari ciilkii hayey quluubtooda. Alle wuxuu ka tawbad aqbalaa qofkuu doono. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تُتۡرَكُواْ وَلَمَّا يَعۡلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ مِنكُمۡ وَلَمۡ يَتَّخِذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَا رَسُولِهِۦ وَلَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَلِيجَةٗۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ ١٦

Am hasibtum an tutrakū walammā ya'lamillāhul-ladhīna jāhadū minkum walam yattakhidhū min dūnillāhi walā rasūlihī walal-mu'minīna walījatan wallāhu khabīru bimā ta'malūn

16. Ma waxaad mooddaan in la idiinkaga tegi sidiinna isagoo uusan Alle muujin kuwiinna idinka mid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan cidaan ahayn Alle iyo Rasuulkiisa iyo mu'miniinta sokeeye. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

مَا كَانَ لِلۡمُشۡرِكِينَ أَن يَعۡمُرُواْ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ شَٰهِدِينَ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِم بِٱلۡكُفۡرِۚ أُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ وَفِي ٱلنَّارِ هُمۡ خَٰلِدُونَ ١٧

Mā kāna lil-mushrikīna an ya'murū masājidallāhi shāhidīna 'alā anfusihim bil-kufri ulā'ika habitat a'māluhum wafin-nāri hum khālidūn

17. Ma laha gaalada mushrikiinta ah inay camiraan masaajidda Alle iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaasi waxaa buray acmaashooda, Naartayna ku dhex waadhi weligood.

إِنَّمَا يَعۡمُرُ مَسَٰجِدَ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَأَقَامَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَى ٱلزَّكَوٰةَ وَلَمۡ يَخۡشَ إِلَّا ٱللَّهَۖ فَعَسَىٰٓ أُوْلَٰٓئِكَ أَن يَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُهۡتَدِينَ ١٨

Innamā ya'muru masājidallāhi man āmana billāhi wal-yawmil-ākhiri wa aqāmas-salawāta wa ātaz-zakawāta walam yakhsha illallāha fa'asā ulā'ika an yakūnū minal-muhtadīn

18. Waxaa uun camira Masaajidda Alle kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo ooga salaadda oo bixiya Zakada oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Kuwaa waxay u dhow yihiin inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.

۞ أَجَعَلۡتُمۡ سِقَايَةَ ٱلۡحَآجِّ وَعِمَارَةَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ كَمَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَجَٰهَدَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ لَا يَسۡتَوُۥنَ عِندَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٩

Aja'altum siqāyatal-hājji wa'imāratal-masjidil-harāmi kaman āmana billāhi wal-yawmil-ākhiri wajāhada fī sabīlillāhi lā yastawūna 'indallāhi wallāhu lā yahdil-qawmaz-zālimīn

19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَهَاجَرُواْ وَجَٰهَدُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ أَعۡظَمُ دَرَجَةً عِندَ ٱللَّهِۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ ٢٠

Alladhīna āmanū wahājarū wajāhadū fī sabīlillāhi bi amwālihim wa anfusihim a'zamu darajatan 'indallāhi wa ulā'ika humul-fā'izūn

20. Kuwa rumeeyey oo ka soo hijrooday (guryahooda) oo ugula jihaaday Jidka Alle maalkooda iyo nafahooda baa darajo weyn Alle agtiis. Waa kuwaas kuwa ah guuleystayaasha.

يُبَشِّرُهُمۡ رَبُّهُم بِرَحۡمَةٖ مِّنۡهُ وَرِضۡوَٰنٖ وَجَنَّٰتٖ لَّهُمۡ فِيهَا نَعِيمٞ مُّقِيمٌ ٢١

Yubasshiruhum rabbuhum birahmatim minhu waridwānin wajannātil lahum fīhā na'īmum muqīm

21. Rabbigood wuxuu ugu bishaareeyaa Naxariis Xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero (Jannooyin) ay ku dhex leeyihiin barwaaqo ma guuraan ah.

خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ ٢٢

Khālidīna fīhā abadan innallāha 'indahū ajrun 'azīm

22. Iyagoo ku dhex waaraya waligood. Hubaa Alle agtiis waxaa yaal abaalgud Weyn (Janno).

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُوٓاْ ءَابَآءَكُمۡ وَإِخۡوَٰنَكُمۡ أَوۡلِيَآءَ إِنِ ٱسۡتَحَبُّواْ ٱلۡكُفۡرَ عَلَى ٱلۡإِيمَٰنِۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٢٣

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tattakhidhū ābā'akum wa ikhwānakum awliyā'a inistahabbul-kufra 'alal-īmāni waman yatawallahum minkum fa ulā'ika humuz-zālimūn

23. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina aabbayaashiin ama walaalihiin sokeeyayaal hadday jeclaadaan gaalnimo halkii Iimaanka. Qofkii sidaa yeela oo idinka mid ah, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).

قُلۡ إِن كَانَ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُكُمۡ وَإِخۡوَٰنُكُمۡ وَأَزۡوَٰجُكُمۡ وَعَشِيرَتُكُمۡ وَأَمۡوَٰلٌ ٱقۡتَرَفۡتُمُوهَا وَتِجَٰرَةٞ تَخۡشَوۡنَ كَسَادَهَا وَمَسَٰكِنُ تَرۡضَوۡنَهَآ أَحَبَّ إِلَيۡكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَجِهَادٖ فِي سَبِيلِهِۦ فَتَرَبَّصُواْ حَتَّىٰ يَأۡتِيَ ٱللَّهُ بِأَمۡرِهِۦۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ ٢٤

Qul in kāna ābā'ukum wa abnā'ukum wa ikhwānukum wa azwājukum wa'ashīratukum wa amwāluniqtaraftumūhā watijāratun takhshawna kasādahā wamasākinu tardawnahā ahabba ilaykum minallāhi warasūlihī wajihādin fī sabīlihī fatarabbasū hattā ya'tiyallāhu bi amrihī wallāhu lā yahdil-qawmal-fāsiqīn

24. Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganacsi aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah 4.

لَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ فِي مَوَاطِنَ كَثِيرَةٖ وَيَوۡمَ حُنَيۡنٍ إِذۡ أَعۡجَبَتۡكُمۡ كَثۡرَتُكُمۡ فَلَمۡ تُغۡنِ عَنكُمۡ شَيۡـٔٗا وَضَاقَتۡ عَلَيۡكُمُ ٱلۡأَرۡضُ بِمَا رَحُبَتۡ ثُمَّ وَلَّيۡتُم مُّدۡبِرِينَ ٢٥

Laqad nasarakumullāhu fī mawātina kathīratin wayawma hunaynin idh a'jabatkum kathratukum falam tughni 'ankum shay'an wadāqat 'alaykumul-ardu bimā rahubat thumma wallaytum mudbirīn

25. Alle Wuxuu idiinku gargaaray goobo dagaal oo badan, Maalintii Xunaynna markay idin cajabisey tiro badnaantiinnu hase ahaatee waxna idiin tari weydey, ee dhulku intuu ballaar le'eg yahay idinku cidhiidhi noqday, markaas aad carar dhabarka jeediseen.

ثُمَّ أَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَعَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَأَنزَلَ جُنُودٗا لَّمۡ تَرَوۡهَا وَعَذَّبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٦

Thumma anzalallāhu sakīnatahū 'alā rasūlihī wa'alal-mu'minīna wa anzala junūdal lam tarawhā wa'addhabal-ladhīna kafarū wadhālika jazā'ul-kāfirīn

26. Markaas Alle ku soo dejiyey xasillooni Xaggiisa ah Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo u soo diray ciidammo (malaa’ig ah) aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii gaaloobay.Taasina waa jazada gaalada.

ثُمَّ يَتُوبُ ٱللَّهُ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ عَلَىٰ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٢٧

Thumma yatūbullāhu mim ba'di dhālika 'alā man yashā'u wallāhu ghafūrur rahīm

27. Markaas Alle ka tawbad aqbalo intaas kaddib cidduu doono. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡمُشۡرِكُونَ نَجَسٞ فَلَا يَقۡرَبُواْ ٱلۡمَسۡجِدَ ٱلۡحَرَامَ بَعۡدَ عَامِهِمۡ هَٰذَاۚ وَإِنۡ خِفۡتُمۡ عَيۡلَةٗ فَسَوۡفَ يُغۡنِيكُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦٓ إِن شَآءَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ٢٨

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū innamal-mushrikūna najasun falā yaqrabul-masjidal-harāma ba'da 'āmihim hādhā wa in khiftum 'aylatan fasawfa yughnīkumullāhu min fadlihī in shā'a innallāha 'alīmun hakīm

28. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Mushrikiintu sidooduba waa Nijaas ee yeysan u soo dhowaan Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sannadkan kaddib 5, haddaad ka cabsataan faqri, Alle baa idinka hodansiin Deeqdiisa hadduu doono. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

قَٰتِلُواْ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَلَا بِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ ٱلۡحَقِّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ حَتَّىٰ يُعۡطُواْ ٱلۡجِزۡيَةَ عَن يَدٖ وَهُمۡ صَٰغِرُونَ ٢٩

Qātilul-ladhīna lā yu'minūna billāhi walā bil-yawmil-ākhiri walā yuharrimūna mā harramallāhu warasūluhū walā yadīnūna dīnal-haqqi minal-ladhīna ūtul-kitāba hattā yu'tul-jizyata 'an yadin wahum sāghirūn

29. La dagaallama kuwa aan rumeysnayn Alle, iyo Maalinta Aakhiro, aan xaaraameyn waxay xaaraameeyeen Alle iyo Rasuulkiisu, ee aan ka diin dhigan raacinna Diinta Xaqa ah ee ka mid ah ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada', ilaa ay ka dhiibaan Jisyo 6 si raalli leh iyagoo hoggaansan.

وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ عُزَيۡرٌ ٱبۡنُ ٱللَّهِ وَقَالَتِ ٱلنَّصَٰرَى ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ ٱللَّهِۖ ذَٰلِكَ قَوۡلُهُم بِأَفۡوَٰهِهِمۡۖ يُضَٰهِـُٔونَ قَوۡلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَبۡلُۚ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُۖ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ ٣٠

Waqālatil-yahūdu 'uzayrunibnullāhi waqālatin-nasāral-masīhubnullāhi dhālika qawluhum bi afwāhihim yudāhi'ūna qawlal-ladhīna kafarū min qablu qātalahumullāhu annā yu'fakūn

30. Yuhuuddii (Carbeed) waxay yidhaahdeen: Cuzayr waa wiilkii Alle, Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Masiixu waa wiilkii Alle. Kuwakani waa hadalkooda ay afafkooda ka yidhaahdaan. Waxay ku hadal dayanayaan kuwii hore u gaaloobay (mushrikiinta). Allaha laayee, maxaa (xaqa) ka duway.

ٱتَّخَذُوٓاْ أَحۡبَارَهُمۡ وَرُهۡبَٰنَهُمۡ أَرۡبَابٗا مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَٱلۡمَسِيحَ ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُوٓاْ إِلَٰهٗا وَٰحِدٗاۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ سُبۡحَٰنَهُۥ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٣١

Ittakhadhū ahbārahum waruhbānahum arbābam min dūnillāhi wal-masīhabna maryama wamā umirū illā liya'budū ilāhan wāhidal lā ilāha illā huwa subhānahū 'ammā yushrikūn

31. Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan 7.

يُرِيدُونَ أَن يُطۡفِـُٔواْ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَيَأۡبَى ٱللَّهُ إِلَّآ أَن يُتِمَّ نُورَهُۥ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ ٣٢

Yurīdūna an yutfi'ū nūrallāhi bi afwāhihim waya'ballāhu illā an yutimma nūrahū walaw karihal-kāfirūn

32. Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Alle afafkooda, ha yeeshee Alle ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane.

هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُشۡرِكُونَ ٣٣

Huwal-ladhī arsala rasūlahū bil-hudā wadīnil-haqqi liyuzhirahū 'alad-dīni kullihī walaw karihal-mushrikūn

33. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane 8.

۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلۡأَحۡبَارِ وَٱلرُّهۡبَانِ لَيَأۡكُلُونَ أَمۡوَٰلَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡبَٰطِلِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۗ وَٱلَّذِينَ يَكۡنِزُونَ ٱلذَّهَبَ وَٱلۡفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَبَشِّرۡهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٖ ٣٤

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū inna kathīram minal-ahbāri war-ruhbāni laya'kulūna amwālan-nāsi bil-bātili wayasuddūna 'an sabīlillāhi walladhīna yaknizūnadh-dhahaba wal-fiddata walā yunfiqūnahā fī sabīlillāhi fabasshirhum bi'adhābin alīm

34. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Alle (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka 9 ee aan wax ku bixin Jidka Alle ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

يَوۡمَ يُحۡمَىٰ عَلَيۡهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَتُكۡوَىٰ بِهَا جِبَاهُهُمۡ وَجُنُوبُهُمۡ وَظُهُورُهُمۡۖ هَٰذَا مَا كَنَزۡتُمۡ لِأَنفُسِكُمۡ فَذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَكۡنِزُونَ ٣٥

Yawma yuhmā 'alayhā fī nāri jahannama fatukwā bihā jibāhuhum wajunūbuhum wazuhūruhum hādhā mā kanaztum li anfusikum fadhūqū mā kuntum taknizūn

35. Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen.

إِنَّ عِدَّةَ ٱلشُّهُورِ عِندَ ٱللَّهِ ٱثۡنَا عَشَرَ شَهۡرٗا فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ يَوۡمَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ مِنۡهَآ أَرۡبَعَةٌ حُرُمٞۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُۚ فَلَا تَظۡلِمُواْ فِيهِنَّ أَنفُسَكُمۡۚ وَقَٰتِلُواْ ٱلۡمُشۡرِكِينَ كَآفَّةٗ كَمَا يُقَٰتِلُونَكُمۡ كَآفَّةٗۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ ٣٦

Inna 'iddatash-shuhūri 'indallāhithnā 'ashara shahran fī kitābillāhi yawma khalaqas-samāwāti wal-arda minhā arba'atun hurumun dhālikad-dīnul-qayyimu falā tazlimū fīhinna anfusakum waqātilul-mushrikīna kāffatan kamā yuqātilūnakum kāffatan wa'lamū annallāha ma'al-muttaqīn

36. Tirada bilaha Alle agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Alle tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar (bilood oo) xurmad gaar ah leh 10. Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda 11, oo la dagaallama gaalada Mushrikiinta ah wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaada in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).

إِنَّمَا ٱلنَّسِيٓءُ زِيَادَةٞ فِي ٱلۡكُفۡرِۖ يُضَلُّ بِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُحِلُّونَهُۥ عَامٗا وَيُحَرِّمُونَهُۥ عَامٗا لِّيُوَاطِـُٔواْ عِدَّةَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ فَيُحِلُّواْ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُۚ زُيِّنَ لَهُمۡ سُوٓءُ أَعۡمَٰلِهِمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٣٧

Innaman-nasī'u ziyādatun fil-kufri yudallu bihil-ladhīna kafarū yuhillūnahū 'āman wayuharrimūnahū 'āmal liyuwāti'ū 'iddata mā harramallāhu fayuhillū mā harramallāhu zuyyina lahum sū'u a'mālihim wallāhu lā yahdil-qawmal-kāfirīn

37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah 12: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَا لَكُمۡ إِذَا قِيلَ لَكُمُ ٱنفِرُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ٱثَّاقَلۡتُمۡ إِلَى ٱلۡأَرۡضِۚ أَرَضِيتُم بِٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِۚ فَمَا مَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا فِي ٱلۡأٓخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ ٣٨

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū mā lakum idhā qīla lakumunfirū fī sabīlillāhit-thāqaltum ilal-ardi aradītum bil-hayawātid-dunyā minal-ākhirati famā matā'ul-hayawātid-dunyā fil-ākhirati illā qalīl

38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar 13.

إِلَّا تَنفِرُواْ يُعَذِّبۡكُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا وَيَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ وَلَا تَضُرُّوهُ شَيۡـٔٗاۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٣٩

Illā tanfirū yu'addhibkum 'adhāban alīman wayastabdil qawman ghayrakum walā tadurrūhu shay'an wallāhu 'alā kulli shay'in qadīr

39. Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba. Alle wax walba wuu Karaa.

إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدۡ نَصَرَهُ ٱللَّهُ إِذۡ أَخۡرَجَهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ثَانِيَ ٱثۡنَيۡنِ إِذۡ هُمَا فِي ٱلۡغَارِ إِذۡ يَقُولُ لِصَٰحِبِهِۦ لَا تَحۡزَنۡ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَنَاۖ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَيۡهِ وَأَيَّدَهُۥ بِجُنُودٖ لَّمۡ تَرَوۡهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلسُّفۡلَىٰۗ وَكَلِمَةُ ٱللَّهِ هِيَ ٱلۡعُلۡيَاۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ٤٠

Illā tansurūhu faqad nasarahullāhu idh akhrajahul-ladhīna kafarū thāniyathnayni idh humā fil-ghāri idh yaqūlu lisāhibihī lā tahzan innallāha ma'anā fa anzalallāhu sakīnatahū 'alayhi wa ayyadahū bijunūdil lam tarawhā waja'ala kalimatal-ladhīna kafarus-suflā wakalimatullāhi hiyal-'ulyā wallāhu 'azīzun hakīm

40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah 14 markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle 15, waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

ٱنفِرُواْ خِفَافٗا وَثِقَالٗا وَجَٰهِدُواْ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ٤١

Infirū khifāfan wathiqālan wajāhidū bi amwālikum wa anfusikum fī sabīlillāhi dhālikum khayrul lakum in kuntum ta'lamūn

41. U baxa (dagaalka) idinkoo fudud iyo idinkoo culusba 16, oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.

لَوۡ كَانَ عَرَضٗا قَرِيبٗا وَسَفَرٗا قَاصِدٗا لَّٱتَّبَعُوكَ وَلَٰكِنۢ بَعُدَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلشُّقَّةُۚ وَسَيَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ لَوِ ٱسۡتَطَعۡنَا لَخَرَجۡنَا مَعَكُمۡ يُهۡلِكُونَ أَنفُسَهُمۡ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ ٤٢

Law kāna 'aradan qarīban wasafaran qāsidal lattaba'ūka walākim ba'udat 'alayhimush-shuqqatu wasayahlifūna billāhi lawistata'nā lakharajnā ma'akum yuhlikūna anfusahum wallāhu ya'lamu innahum lakādhibūn

42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagaan nafahooda, Allena wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal.

عَفَا ٱللَّهُ عَنكَ لِمَ أَذِنتَ لَهُمۡ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكَ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَتَعۡلَمَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ٤٣

'Afallāhu 'anka lima adhinta lahum hattā yatabayyana lakal-ladhīna sadaqū wata'lamal-kādhibīn

43. Allaha ku cafiyee (Nabiyow)! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?

لَا يَسۡتَـٔۡذِنُكَ ٱلَّذِينَ يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ أَن يُجَٰهِدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلۡمُتَّقِينَ ٤٤

Lā yasta'dhinukal-ladhīna yu'minūna billāhi wal-yawmil-ākhiri an yujāhidū bi amwālihim wa anfusihim wallāhu 'alīmu bil-muttaqīn

44. Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle wuu yaqaan oo og yahay dhowrsanayaasha.

إِنَّمَا يَسۡتَـٔۡذِنُكَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَٱرۡتَابَتۡ قُلُوبُهُمۡ فَهُمۡ فِي رَيۡبِهِمۡ يَتَرَدَّدُونَ ٤٥

Innamā yasta'dhinukal-ladhīna lā yu'minūna billāhi wal-yawmil-ākhiri wartābat qulūbuhum fahum fī raybihim yataraddadūn

45. Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan.

۞ وَلَوۡ أَرَادُواْ ٱلۡخُرُوجَ لَأَعَدُّواْ لَهُۥ عُدَّةٗ وَلَٰكِن كَرِهَ ٱللَّهُ ٱنۢبِعَاثَهُمۡ فَثَبَّطَهُمۡ وَقِيلَ ٱقۡعُدُواْ مَعَ ٱلۡقَٰعِدِينَ ٤٦

Walaw arādul-khurūja la a'addū lahū 'uddatan walākin karihallāhumbi'āthahum fathabbatahum waqīlaq'udū ma'al-qā'idīn

46. Hadday (munaafiqiinta) doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: "La fadhiista fadhiidyada (guryaha)".

لَوۡ خَرَجُواْ فِيكُم مَّا زَادُوكُمۡ إِلَّا خَبَالٗا وَلَأَوۡضَعُواْ خِلَٰلَكُمۡ يَبۡغُونَكُمُ ٱلۡفِتۡنَةَ وَفِيكُمۡ سَمَّٰعُونَ لَهُمۡۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ ٤٧

Law kharajū fīkum mā zādūkum illā khabālan wala'awda'ū khilālakum yabghūnakumul-fitnata wafīkum sammā'ūna lahum wallāhu 'alīmu biz-zālimīn

47. Hadday (munaafiqiinta) idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Alle wuu yaqaan daalimiinta.

لَقَدِ ٱبۡتَغَوُاْ ٱلۡفِتۡنَةَ مِن قَبۡلُ وَقَلَّبُواْ لَكَ ٱلۡأُمُورَ حَتَّىٰ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَظَهَرَ أَمۡرُ ٱللَّهِ وَهُمۡ كَٰرِهُونَ ٤٨

Laqadibtaghawul-fitnata min qablu waqallabū lakal-umūra hattā jā'al-haqqu wazahara amrullāhi wahum kārihūn

48. Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha 17, jeer xaqu yimid oo Amarka Alle (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn.

وَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ ٱئۡذَن لِّي وَلَا تَفۡتِنِّيٓۚ أَلَا فِي ٱلۡفِتۡنَةِ سَقَطُواْۗ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ ٤٩

Waminhum man yaqūlu'dhal lī walā taftinnī alā fil-fitnati saqatū wa inna jahannama lamuhītatu bil-kāfirīn

49. Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn 18. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada.

إِن تُصِبۡكَ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡۖ وَإِن تُصِبۡكَ مُصِيبَةٞ يَقُولُواْ قَدۡ أَخَذۡنَآ أَمۡرَنَا مِن قَبۡلُ وَيَتَوَلَّواْ وَّهُمۡ فَرِحُونَ ٥٠

In tusibka hasanatun tasu'hum wa in tusibka musībatun yaqūlū qad akhadhnā amranā min qablu wayatawallaw wwahum farihūn

50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.

قُل لَّن يُصِيبَنَآ إِلَّا مَا كَتَبَ ٱللَّهُ لَنَا هُوَ مَوۡلَىٰنَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٥١

Qul lan yusībanā illā mā kataballāhu lanā huwa mawlānā wa'alallāhi falyatawakkalil-mu'minūn

51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu.

قُلۡ هَلۡ تَرَبَّصُونَ بِنَآ إِلَّآ إِحۡدَى ٱلۡحُسۡنَيَيۡنِۖ وَنَحۡنُ نَتَرَبَّصُ بِكُمۡ أَن يُصِيبَكُمُ ٱللَّهُ بِعَذَابٖ مِّنۡ عِندِهِۦٓ أَوۡ بِأَيۡدِينَاۖ فَتَرَبَّصُوٓاْ إِنَّا مَعَكُم مُّتَرَبِّصُونَ ٥٢

Qul hal tarabbasūna binā illā ihdal-husnayayni wanahnu natarabbasu bikum an yusībakumullāhu bi'adhābim min 'indihī aw bi aydīnā fatarabbasū innā ma'akum mutarabbisūn

52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca).

قُلۡ أَنفِقُواْ طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا لَّن يُتَقَبَّلَ مِنكُمۡ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ ٥٣

Qul anfiqū taw'an aw karhal lan yutaqabbala minkum innakum kuntum qawman fāsiqīn

53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah.

وَمَا مَنَعَهُمۡ أَن تُقۡبَلَ مِنۡهُمۡ نَفَقَٰتُهُمۡ إِلَّآ أَنَّهُمۡ كَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَبِرَسُولِهِۦ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلصَّلَوٰةَ إِلَّا وَهُمۡ كُسَالَىٰ وَلَا يُنفِقُونَ إِلَّا وَهُمۡ كَٰرِهُونَ ٥٤

Wamā mana'ahum an tuqbala minhum nafaqātuhum illā annahum kafarū billāhi wabirasūlihī walā ya'tūnas-salawāta illā wahum kusālā walā yunfiqūna illā wahum kārihūn

54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee 19; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.

فَلَا تُعۡجِبۡكَ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُمۡۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُم بِهَا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَتَزۡهَقَ أَنفُسُهُمۡ وَهُمۡ كَٰفِرُونَ ٥٥

Falā tu'jibka amwāluhum walā awlāduhum innamā yurīdullāhu liyu'addhibahum bihā fil-hayawātid-dunyā watazhaqa anfusuhum wahum kāfirūn

55. Yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Alle wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah.

وَيَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنَّهُمۡ لَمِنكُمۡ وَمَا هُم مِّنكُمۡ وَلَٰكِنَّهُمۡ قَوۡمٞ يَفۡرَقُونَ ٥٦

Wayahlifūna billāhi innahum laminkum wamā hum minkum walākinnahum qawmun yafraqūn

56. Waxay ku dhaartaan Alle inay idinka mid yihiin, mana idinka mid aha, waase qolo baqi.

لَوۡ يَجِدُونَ مَلۡجَـًٔا أَوۡ مَغَٰرَٰتٍ أَوۡ مُدَّخَلٗا لَّوَلَّوۡاْ إِلَيۡهِ وَهُمۡ يَجۡمَحُونَ ٥٧

Law yajidūna malja'an aw maghārātin aw muddakhalal lawallaw ilayhi wahum yajmahūn

57. Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan (qaxooti ahaan), way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya.

وَمِنۡهُم مَّن يَلۡمِزُكَ فِي ٱلصَّدَقَٰتِ فَإِنۡ أُعۡطُواْ مِنۡهَا رَضُواْ وَإِن لَّمۡ يُعۡطَوۡاْ مِنۡهَآ إِذَا هُمۡ يَسۡخَطُونَ ٥٨

Waminhum man yalmizuka fis-sadaqāti fa in u'tū minhā radū wa il lam yu'taw minhā idhā hum yaskhatūn

58. Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan.

وَلَوۡ أَنَّهُمۡ رَضُواْ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ سَيُؤۡتِينَا ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ وَرَسُولُهُۥٓ إِنَّآ إِلَى ٱللَّهِ رَٰغِبُونَ ٥٩

Walaw annahum radū mā ātāhumullāhu warasūluhū waqālū hasbunallāhu sayu'tīnallāhu min fadlihī warasūluhū innā ilallāhi rāghibūn

59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa 20, iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.

۞ إِنَّمَا ٱلصَّدَقَٰتُ لِلۡفُقَرَآءِ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡعَٰمِلِينَ عَلَيۡهَا وَٱلۡمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمۡ وَفِي ٱلرِّقَابِ وَٱلۡغَٰرِمِينَ وَفِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِۖ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ٦٠

Innamas-sadaqātu lil-fuqarā'i wal-masākīni wal-'āmilīna 'alayhā wal-mu'allafati qulūbuhum wafir-riqābi wal-ghārimīna wafī sabīlillāhi wabnis-sabīli farīdatam minallāhi wallāhu 'alīmun hakīm

60. Sadaqooyinka 'Zakada' 21 waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

وَمِنۡهُمُ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلنَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٞۚ قُلۡ أُذُنُ خَيۡرٖ لَّكُمۡ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَيُؤۡمِنُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ وَرَحۡمَةٞ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡۚ وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ رَسُولَ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٦١

Waminhumul-ladhīna yu'dhūnan-nabiyya wayaqūlūna huwa udhunun qul udhunu khayril lakum yu'minu billāhi wayu'minu lil-mu'minīna warahmatul lilladhīna āmanū minkum walladhīna yu'dhūna rasūlallāhi lahum 'adhābun alīm

61. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo 22. Dheh: Waa khayr maqlihiinna (ee) rumeysan Alle; oo aamin ku qaba mu’miniinta; waana u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Kuwa se dhiba Rasuulka Alle waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.

يَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ لَكُمۡ لِيُرۡضُوكُمۡ وَٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَحَقُّ أَن يُرۡضُوهُ إِن كَانُواْ مُؤۡمِنِينَ ٦٢

Yahlifūna billāhi lakum liyurdūkum wallāhu warasūluhū ahaqqu an yurdūhu in kānū mu'minīn

62. Waxay idiinku dhaaran Alle si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin.

أَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّهُۥ مَن يُحَادِدِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَأَنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدٗا فِيهَاۚ ذَٰلِكَ ٱلۡخِزۡيُ ٱلۡعَظِيمُ ٦٣

Alam ya'lamū annahū man yuhādidillāha warasūlahū fa anna lahū nāra jahannama khālidan fīhā dhālikal-khizyul-'azīm

63. Miyaanay ogayn in qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama uu ku dhex waarayo weligi. Kaasi weeye dufowga weyn.

يَحۡذَرُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ أَن تُنَزَّلَ عَلَيۡهِمۡ سُورَةٞ تُنَبِّئُهُم بِمَا فِي قُلُوبِهِمۡۚ قُلِ ٱسۡتَهۡزِءُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ مُخۡرِجٞ مَّا تَحۡذَرُونَ ٦٤

Yahdharul-munāfiqūna an tunazzala 'alayhim sūratun tunabbi'uhum bimā fī qulūbihim qulistahzi'ū innallāha mukhrijum mā tahdharūn

64. Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Alle Wuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin oo ka baqdaan.

وَلَئِن سَأَلۡتَهُمۡ لَيَقُولُنَّ إِنَّمَا كُنَّا نَخُوضُ وَنَلۡعَبُۚ قُلۡ أَبِٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ وَرَسُولِهِۦ كُنتُمۡ تَسۡتَهۡزِءُونَ ٦٥

Wala'in sa'altahum layaqūlunna innamā kunnā nakhūdu wanal'abu qul abillāhi wa āyātihī warasūlihī kuntum tastahzi'ūn

65. Haddaad weydiiso (sababta jeesjeeskooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?

لَا تَعۡتَذِرُواْ قَدۡ كَفَرۡتُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡۚ إِن نَّعۡفُ عَن طَآئِفَةٖ مِّنكُمۡ نُعَذِّبۡ طَآئِفَةَۢ بِأَنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ ٦٦

Lā ta'tadhirū qad kafartum ba'da īmānikum in na'fu 'an tā'ifatim minkum nu'addhib tā'ifata bi annahum kānū mujrimīn

66. Ha cudurdaarrannina; waad gaaloowdeen rumeyntiinnii kaddib. Haddaan cafinno koox idinka mid ah, Waxaan ciqaabi koox kale, maxaa yeelay waa denbiilayaal (ku adkeysta labo wajiilo).

ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتُ بَعۡضُهُم مِّنۢ بَعۡضٖۚ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡمُنكَرِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَقۡبِضُونَ أَيۡدِيَهُمۡۚ نَسُواْ ٱللَّهَ فَنَسِيَهُمۡۚ إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ ٦٧

Al-munāfiqūna wal-munāfiqātu ba'duhum mim ba'din ya'murūna bil-munkari wayanhawna 'anil-ma'rūfi wayaqbidūna aydiyahum nasullāha fanasiyahum innal-munāfiqīna humul-fāsiqūn

67. Munaafiqiinta iyo munaafiqaadka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda 23. Waxay illoobeen Alle (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac darreeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi- qiintu waa iyaga kuwa fallaagada ah.

وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡكُفَّارَ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ هِيَ حَسۡبُهُمۡۚ وَلَعَنَهُمُ ٱللَّهُۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّقِيمٞ ٦٨

Wa'adallāhul-munāfiqīna wal-munāfiqāti wal-kuffāra nāra jahannama khālidīna fīhā hiya hasbuhum wala'anahumullāhu walahum 'adhābum muqīm

68. Alle wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqaadka iyo gaalada Naarta Jahannama iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyadaa ku filan. Alle wuu nacladay, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah.

كَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنكُمۡ قُوَّةٗ وَأَكۡثَرَ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا فَٱسۡتَمۡتَعُواْ بِخَلَٰقِهِمۡ فَٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِخَلَٰقِكُمۡ كَمَا ٱسۡتَمۡتَعَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُم بِخَلَٰقِهِمۡ وَخُضۡتُمۡ كَٱلَّذِي خَاضُوٓاْۚ أُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ٦٩

Kalladhīna min qablikum kānū ashadda minkum quwwatan wa akthara amwālan wa awlādan fastamta'ū bikhalāqihim fastamta'tum bikhalāqikum kamastamta'al-ladhīna min qablikum bikhalāqihim wakhudtum kalladhī khādū ulā'ika habitat a'māluhum fid-dunyā wal-ākhirati wa ulā'ika humul-khāsirūn

69. Sidii kuwii (gaaladii) idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo awlaadba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii siday kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; waxaadna ku tiinbateen (xumaanta) siday ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camal- laadooda ay buraan adduun iyo Aakhiraba Waa kuwaa kuwa khasaaray.

أَلَمۡ يَأۡتِهِمۡ نَبَأُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَقَوۡمِ إِبۡرَٰهِيمَ وَأَصۡحَٰبِ مَدۡيَنَ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتِۚ أَتَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ ٧٠

Alam ya'tihim naba'ul-ladhīna min qablihim qawmi nūhin wa'ādin wathamūda waqawmi ibrāhīma wa ashābi madyana wal-mu'tafikāti atathum rusuluhum bil-bayyināti famā kānallāhu liyazlimahum walākin kānū anfusahum yazlimūn

70. Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay 24, Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aha Alle mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiya.

وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَيُطِيعُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ سَيَرۡحَمُهُمُ ٱللَّهُۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ ٧١

Wal-mu'minūna wal-mu'minātu ba'duhum awliyā'u ba'din ya'murūna bil-ma'rūfi wayanhawna 'anil-munkari wayuqīmūnas-salawāta wayu'tūnaz-zakawāta wayutī'ūnallāha warasūlahū ulā'ika sayarhamuhumullāhu innallāha 'azīzun hakīm

71. Mu’miniintu iyo mu’minooyinka, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale 25, waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Alle wuu u naxariisan doonaa; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّٰتِ عَدۡنٖۚ وَرِضۡوَٰنٞ مِّنَ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ٧٢

Wa'adallāhul-mu'minīna wal-mu'mināti jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā wamasākina tayyibatan fī jannāti 'adnin waridwānum minallāhi akbaru dhālika huwal-fawzul-'azīm

72. Alle wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga (Jannada) iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Alle. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ جَٰهِدِ ٱلۡكُفَّارَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱغۡلُظۡ عَلَيۡهِمۡۚ وَمَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ٧٣

Yā'ayyuhan-nabiyyu jāhidil-kuffāra wal-munāfiqīna waghluz 'alayhim wama'wāhum jahannamu wabi'sal-masīr

73. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (colka kula ah iyo dagaalka), kuna adadkow (oo yeyna kaa helin jileec), hoygooduna waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.

يَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ مَا قَالُواْ وَلَقَدۡ قَالُواْ كَلِمَةَ ٱلۡكُفۡرِ وَكَفَرُواْ بَعۡدَ إِسۡلَٰمِهِمۡ وَهَمُّواْ بِمَا لَمۡ يَنَالُواْۚ وَمَا نَقَمُوٓاْ إِلَّآ أَنۡ أَغۡنَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ مِن فَضۡلِهِۦۚ فَإِن يَتُوبُواْ يَكُ خَيۡرٗا لَّهُمۡۖ وَإِن يَتَوَلَّوۡاْ يُعَذِّبۡهُمُ ٱللَّهُ عَذَابًا أَلِيمٗا فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَمَا لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ ٧٤

Yahlifūna billāhi mā qālū walaqad qālū kalimatal-kufri wakafarū ba'da islāmihim wahammū bimā lam yanālū wamā naqamū illā an aghnāhumullāhu warasūluhū min fadlihī fa in yatūbū yaku khayral lahum wa in yatawallaw yu'addhibhumullāhu 'adhāban alīman fid-dunyā wal-ākhirati wamā lahum fil-ardi min waliyyin walā nasīr

74. Waxay ku dhaaran Alle inaanay odhan (hadal gaalnimo ah), iyagoo yidhi erey gaalnimo ah, waxayna gaaloobeen kaddib markay islaameen (islaamnimo dusha ah), oyna goosteen waxay gaadhi kari waayeen 26, kumana ayan nicin (Islaamka) wax kale aan ahayn inay hodan ka noqdeen deeqda Alle iyo Rasuulkiisa. Hadday tawbad keenaan iyagay u roon tahay, haddayse jeesadaan, Alle wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, kumana leh dhulka sokeeye iyo gargaare midna.

۞ وَمِنۡهُم مَّنۡ عَٰهَدَ ٱللَّهَ لَئِنۡ ءَاتَىٰنَا مِن فَضۡلِهِۦ لَنَصَّدَّقَنَّ وَلَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٧٥

Waminhum man 'āhadallāha la in ātānā min fadlihī lanassaddaqanna walanakūnanna minas-sālihīn

75. Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Alle 27: (iyagoo yidhi) Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.

فَلَمَّآ ءَاتَىٰهُم مِّن فَضۡلِهِۦ بَخِلُواْ بِهِۦ وَتَوَلَّواْ وَّهُم مُّعۡرِضُونَ ٧٦

Falammā ātāhum min fadlihī bakhilū bihī watawallaw wwahum mu'ridūn

76. Markuu wax ka siiyey Deeqdiisa way ku bakhayleen, waxayna jeediyeen dhabarka oo durba siibteen.

فَأَعۡقَبَهُمۡ نِفَاقٗا فِي قُلُوبِهِمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ يَلۡقَوۡنَهُۥ بِمَآ أَخۡلَفُواْ ٱللَّهَ مَا وَعَدُوهُ وَبِمَا كَانُواْ يَكۡذِبُونَ ٧٧

Fa a'qabahum nifāqan fī qulūbihim ilā yawmi yalqawnahū bimā akhlafullāha mā wa'adūhu wabimā kānū yakdhibūn

77. Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta ay la kulmayaan, ballankay kaga baxeen Alle iyo beenaha ay sheegayeen awgood.

أَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ سِرَّهُمۡ وَنَجۡوَىٰهُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ عَلَّٰمُ ٱلۡغُيُوبِ ٧٨

Alam ya'lamū annallāha ya'lamu sirrahum wanajwāhum wa annallāha 'allāmul-ghuyūb

78. Ma waysan ogayn inuu Alle Og yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Alle yahay kan dhab u Ogsoon waxa qarsoon aan muuqan (Ghaybka).

ٱلَّذِينَ يَلۡمِزُونَ ٱلۡمُطَّوِّعِينَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ فِي ٱلصَّدَقَٰتِ وَٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ إِلَّا جُهۡدَهُمۡ فَيَسۡخَرُونَ مِنۡهُمۡ سَخِرَ ٱللَّهُ مِنۡهُمۡ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ ٧٩

Alladhīna yalmizūnal-muttawwi'īna minal-mu'minīna fis-sadaqāti walladhīna lā yajidūna illā juhdahum fayaskharūna minhum sakhirallāhu minhum walahum 'adhābun alīm

79. Kuwa ku ceebeeya kuwa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Alle ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Alle baa ku jees jeesi, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

ٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ أَوۡ لَا تَسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ إِن تَسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ سَبۡعِينَ مَرَّةٗ فَلَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ ٨٠

Istaghfir lahum aw lā tastaghfir lahum in tastaghfir lahum sab'īna marratan falan yaghfirallāhu lahum dhālika bi annahum kafarū billāhi warasūlihī wallāhu lā yahdil-qawmal-fāsiqīn

80. U denbi dhaaf dalab ama ha u denbi dhaaf dalbin, xitaa haddaad u denbi dhaaf dalabto toddobaatan jeer, Alle uma denbi dhaafo, arrinkani waxaa ugu wacan waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.

فَرِحَ ٱلۡمُخَلَّفُونَ بِمَقۡعَدِهِمۡ خِلَٰفَ رَسُولِ ٱللَّهِ وَكَرِهُوٓاْ أَن يُجَٰهِدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَقَالُواْ لَا تَنفِرُواْ فِي ٱلۡحَرِّۗ قُلۡ نَارُ جَهَنَّمَ أَشَدُّ حَرّٗاۚ لَّوۡ كَانُواْ يَفۡقَهُونَ ٨١

Farihal-mukhallafūna bimaq'adihim khilāfa rasūlillāhi wakarihū an yujāhidū bi amwālihim wa anfusihim fī sabīlillāhi waqālū lā tanfirū fil-harri qul nāru jahannama ashaddu harral law kānū yafqahūn

81. Kuwii dib u haray waxay ku farxeen fadhigooda ay kaga hareen Rasuulkii Alle; waxayna naceen inay kula jihaad galaan maalkooda iyo Nafahooda Jidka Alle, oo yidhaahdeen: Ha gurmad bixina kulaylaha. Dheh: Naarta Jahannama ayaa ka kuleyl daran, hadday wax fahmi.

فَلۡيَضۡحَكُواْ قَلِيلٗا وَلۡيَبۡكُواْ كَثِيرٗا جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٨٢

Falyadhakū qalīlan walyabkū kathīran jazā'a bimā kānū yaksibūn

82. Ee ha qoslaan wax yar (adduunka), hana ooyaan wax badan (Aakhiro) abaal marin ahaan waxay kasbadeen (oo denbiyo ah).

فَإِن رَّجَعَكَ ٱللَّهُ إِلَىٰ طَآئِفَةٖ مِّنۡهُمۡ فَٱسۡتَـٔۡذَنُوكَ لِلۡخُرُوجِ فَقُل لَّن تَخۡرُجُواْ مَعِيَ أَبَدٗا وَلَن تُقَٰتِلُواْ مَعِيَ عَدُوًّاۖ إِنَّكُمۡ رَضِيتُم بِٱلۡقُعُودِ أَوَّلَ مَرَّةٖ فَٱقۡعُدُواْ مَعَ ٱلۡخَٰلِفِينَ ٨٣

Fa ir raja'akallāhu ilā tā'ifatim minhum fasta'dhanūka lil-khurūji faqul lan takhrujū ma'iya abadan walan tuqātilū ma'iya 'aduwwan innakum radītum bil-qu'ūdi awwala marratin faq'udū ma'al-khālifīn

83. Hadduu kuu soo celiyo Alle koox iyaga ka mid ah, oo ay kaa idan qaataan inay kula baxaan (jihaadka), dheh: ila bixi meysaan waligay, lana dagaallami meysaan cadow la jirkeyga; waayo waxaad ku raalli noqoteen inaad fadhiisataan (oo ka hartaan jihaadka) markii horeba, ee la fadhiya (hadda) inta dib u hadhay (ee ka joogay jihaadka).

وَلَا تُصَلِّ عَلَىٰٓ أَحَدٖ مِّنۡهُم مَّاتَ أَبَدٗا وَلَا تَقُمۡ عَلَىٰ قَبۡرِهِۦٓۖ إِنَّهُمۡ كَفَرُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَمَاتُواْ وَهُمۡ فَٰسِقُونَ ٨٤

Walā tusalli 'alā ahadim minhum māta abadan walā taqum 'alā qabrihī innahum kafarū billāhi warasūlihī wamātū wahum fāsiqūn

84. Ha ku tukan (salaad janaazo) weligaa mid ka mid ah (munaafiqiinta) oo dhinta, hana is dul taagin qabrigiisa. Waayo waxay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna dhinteen iyagoo fallaago ah.

وَلَا تُعۡجِبۡكَ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَأَوۡلَٰدُهُمۡۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُعَذِّبَهُم بِهَا فِي ٱلدُّنۡيَا وَتَزۡهَقَ أَنفُسُهُمۡ وَهُمۡ كَٰفِرُونَ ٨٥

Walā tu'jibka amwāluhum wa awlāduhum innamā yurīdullāhu an yu'addhibahum bihā fid-dunyā watazhaqa anfusuhum wahum kāfirūn

85. Oo yeysan maalkooda iyo carruurtoodu ku cajab gelin. Alle wuxuu uun rabaa inuu ku cadaabo adduunkan iyo inay nafaha ka baxaan iyagoo gaalo ah.

وَإِذَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٌ أَنۡ ءَامِنُواْ بِٱللَّهِ وَجَٰهِدُواْ مَعَ رَسُولِهِ ٱسۡتَـٔۡذَنَكَ أُوْلُواْ ٱلطَّوۡلِ مِنۡهُمۡ وَقَالُواْ ذَرۡنَا نَكُن مَّعَ ٱلۡقَٰعِدِينَ ٨٦

Wa idhā unzilat sūratun an āminū billāhi wajāhidū ma'a rasūlihista'dhanaka ulut-tawli minhum waqālū dharnā nakum ma'al-qā'idīn

86. Marka la soo dejiyo Suurad amreysa: Rumeeya Alle oo gala jihaad la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ah ayaa kaa idan qaata (si looga dhaafo ka qayb galka jihaadka), oo yidhaahda: Na daa aan ka mid noqonno kuwa haree fadhiya (guryaha).

رَضُواْ بِأَن يَكُونُواْ مَعَ ٱلۡخَوَالِفِ وَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَفۡقَهُونَ ٨٧

Radū bi an yakūnū ma'al-khawālifi watubi'a 'alā qulūbihim fahum lā yafqahūn

87. Waxay ku Raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwa ku hara (gadaal guryaha ee ka hara jihaadka). Shaabad baana lagu daboolay quluubtooda, marka waxba ma fahmaan.

لَٰكِنِ ٱلرَّسُولُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ جَٰهَدُواْ بِأَمۡوَٰلِهِمۡ وَأَنفُسِهِمۡۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلۡخَيۡرَٰتُۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ٨٨

Lākinir-rasūlu walladhīna āmanū ma'ahū jāhadū bi amwālihim wa anfusihim wa ulā'ika lahumul-khayrātu wa ulā'ika humul-muflihūn

88. Laakiin Rasuulka iyo kuwa rumeeyey ee la jira waxay ku jihaad galaan maalkooda iyo nafahooda. Kuwaa weeye kuwa mudan khayraadka, waana kuwaa kuwa liibaani.

أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ٨٩

A'addallāhu lahum jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā dhālikal-fawzul-'azīm

89. Alle wuxuu u diyaarshay beero ay hoos- toodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya weligood. Arrinkaasi baa ah Guusha Weyn.

وَجَآءَ ٱلۡمُعَذِّرُونَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ لِيُؤۡذَنَ لَهُمۡ وَقَعَدَ ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ سَيُصِيبُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٩٠

Wajā'al-mu'addhirūna minal-a'rābi liyu'dhana lahum waqa'adal-ladhīna kadhabullāha warasūlahū sayusībul-ladhīna kafarū minhum 'adhābun alīm

90. Waxaa yimid cudurdaartayaashii ka mid ahaa reer miyiga (Madiinah hareeraheeda ah) iyagoo ku weydiisan Idan si looga dhaafo (ka qayb galka jihaadka), waxaana haray oo iska fadhiistay (guryaha) kuwii (munaafiqiintii ka midka ahaa ee) u been sheegay Alle iyo Rasuulkiisa; waxaa ku dhici doona kuwa gaaloobay ee ka mid ah cadaab xanuun badan.

لَّيۡسَ عَلَى ٱلضُّعَفَآءِ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرۡضَىٰ وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ مَا يُنفِقُونَ حَرَجٌ إِذَا نَصَحُواْ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ مَا عَلَى ٱلۡمُحۡسِنِينَ مِن سَبِيلٖۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٩١

Llaysa 'alad-du'afā'i walā 'alal-mardā walā 'alal-ladhīna lā yajidūna mā yunfiqūna harajun idhā nasahū lillāhi warasūlihī mā 'alal-muhsinīna min sabīlin wallāhu ghafūrur rahīm

91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar 28 ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin waxay bixiyaan hadday daacad u yihiin Alle iyo Rasuulkiisa 29. Ma jiro jid lagu eed saari karo sama falayaasha. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَلَا عَلَى ٱلَّذِينَ إِذَا مَآ أَتَوۡكَ لِتَحۡمِلَهُمۡ قُلۡتَ لَآ أَجِدُ مَآ أَحۡمِلُكُمۡ عَلَيۡهِ تَوَلَّواْ وَّأَعۡيُنُهُمۡ تَفِيضُ مِنَ ٱلدَّمۡعِ حَزَنًا أَلَّا يَجِدُواْ مَا يُنفِقُونَ ٩٢

Walā 'alal-ladhīna idhā mā atawka litahmilahum qulta lā ajidu mā ahmilukum 'alayhi tawallaw wwa a'yunuhum tafīdu minad-dam'i hazanan allā yajidū mā yunfiqūn

92. Ma (saarna eed) kuwa markay kuu yimaadeen si aad u siiso gaadiid (ay ku dagaal galaan), aad ku tidhi: Idiinma heli karo wax (gaadiid ah) aan idinku qaado, markaasay dib u laabteen iyagoo ay ka qubaneyso indhahooda ilmo, murugo darteed ay ka qabaan in aanay helin wax ay ku bixiyaan (jihaadka).

Su'aalo

Juz' 10 xagee ka bilaabmaa, xageese ku dhammaadaa?

Juz' 10 wuxuu ka bilaabmaa Suuradda Al-Anfal 8:41, wuxuuna ku dhammaadaa Suuradda At-Tawbah 9:92.

Suuradahee ayaa ku jira Juz' 10?

Juz' 10 waxaa ku jira Al-Anfal, At-Tawbah.

Waa maxay juz'?

Juz' waa mid ka mid ah 30 qaybood oo dherer isku mid ah. Haddii aad maalin kasta mid akhrido, Qur'aanka waxaad ku dhammaynaysaa bil.