Suuradda Yunus, aayadda 94

10:94

فَإِن كُنتَ فِي شَكّٖ مِّمَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ فَسۡـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقۡرَءُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكَۚ لَقَدۡ جَآءَكَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ ٩٤

Fa in kunta fī shakkim mimmā anzalnā ilayka fas'alil-ladhīna yaqra'ūnal-kitāba min qablika laqad jā'akal-haqqu mir rabbika falā takūnanna minal-mumtarīn

94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay 24, weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.

Faallooyin hoose

24. Waxaa ka mid ah tafsiirka labada Aayadood ee dambe, in loola jeedo inay qiiro kiciyaan Nabiga s.c.w. inuu caddeeyo oo muujiyo sugnaantiisa, taas uu falay isagoo yidhi shaki ma qabo, mana weydiinayo. Tafsiir kale waa in inkastoo ereyadaa ay ku socdaan Nabiga s.c.w., waxay haddana dhab ahaan ku socdaan oo ku wajahan yihiin dadka oo dhan.