قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي شَكّٖ مِّن دِينِي فَلَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِنۡ أَعۡبُدُ ٱللَّهَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُمۡۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٠٤
Qul yā'ayyuhan-nāsu in kuntum fī shakkim min dīnī falā a'budul-ladhīna ta'budūna min dūnillāhi walākin a'budullāhal-ladhī yatawaffākum wa umirtu an akūna minal-mu'minīn
104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi 26. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.
Faallooyin hoose
26. Dadka caabuda sanamyada xaqiiqdu waxaa weeye inaysan caabudin sanammo ee waxay caabudaan hawadooda, hawadoodaasi baa amreysa inay caabudaan sanamyadooda. Waxa la caabudona waa labo: asnaam aan ka war heyn in la caabudo, waxayna odhan doonaan Qiyaamaha innagu war kama heyn cibaadadiinna, iyo cid ogsoon in la caabudo, kuwaasina Qiyaamaha waa ku dafiri doonaan kuwii caabudi jirey.