Suuradda Yunus, aayadda 10

10:10

دَعۡوَىٰهُمۡ فِيهَا سُبۡحَٰنَكَ ٱللَّهُمَّ وَتَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٞۚ وَءَاخِرُ دَعۡوَىٰهُمۡ أَنِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٠

Da'wāhum fīhā subhānakallāhumma watahiyyatuhum fīhā salāmun wa ākhiru da'wāhum anil-hamdu lillāhi rabbil-'ālamīn

10. Ducadooda waa 'Subxaanakal laahumma 3' (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa ka hufan xumaan oo xurmoo dhan leh), salaantooduna waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Ducadooda ugu dambeysana waa 'Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin' (ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka).

Faallooyin hoose

3. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ehlu Jannadu waxay wax ka cuni iyo cabbi doonaan Jannada gudaheeda. Ma xaakoon doonaan, oo ma kaadshi doonaan, oo ma saxaroon doonaan, oo ma duufsan doonaan”. Waxaa la weydiiyey: “Ka warran cuntada sidee uga soo baxeysaa?” Wuxuu yidhi: “Daaco ahaan iyo dhidid dhibco sida miskiga oo kale ah”. Waxaan la solan siin tasbiixda iyo Alla ammaanka sida neefsiga oo kale”. (W.w. Muslim).