Suuradda Yunus, aayadda 62

10:62

أَلَآ إِنَّ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٦٢

Alā inna awliyā'allāhi lā khawfun 'alayhim walā hum yahzanūn

62. Ogaada, hubaal, awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan 16.

Faallooyin hoose

16. Abuu Saciid Al-Khudri a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Markii qofka la saaro meydkiisa alwaaxa janaazada (oo janaasadu tahay diyaar) oo raggu ku qaadaan garbahooda, haddii mowtanahu ahaa qof wanaagsan waxay tidhaahdaa: I dedejiya I dedejiya, haddiise uu ahaa qof aan wanaagsaneyn waxay odhan: Hooggeeda'e xaggee u siddaan. Waxaa maqla codkeeda wax walba aadanaha maahee, hadduu maqli lahaana waa uu suuxi lahaa." (W.w. Al-Bukhaari).