وَمَا كَانَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ أَن يُفۡتَرَىٰ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٣٧
Wamā kāna hādhal-qur'ānu an yuftarā min dūnillāhi walākin tasdīqal-ladhī bayna yadayhi watafsīlal-kitābi lā rayba fīhi mir rabbil-'ālamīn
37. Ma aha Qu’raankani 12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.
Faallooyin hoose
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma jiro Nabi ka mid ah Anbiyada aan la siin mucjisado si ay dadka u rumeystaan. Waxase aniga la I siiyey waa Waxyi uu ii waxyooday Alle Kor ahaaye, sidaas daraaddeed waxaan rajeynayaa inaan anigu ahaado midka loogu raacid badan yahay Maalinta Qiyaamaha”. W.w. Al-Bukhaari.