Suuradda Yunus, aayadda 24

10:24

إِنَّمَا مَثَلُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ مِمَّا يَأۡكُلُ ٱلنَّاسُ وَٱلۡأَنۡعَٰمُ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذَتِ ٱلۡأَرۡضُ زُخۡرُفَهَا وَٱزَّيَّنَتۡ وَظَنَّ أَهۡلُهَآ أَنَّهُمۡ قَٰدِرُونَ عَلَيۡهَآ أَتَىٰهَآ أَمۡرُنَا لَيۡلًا أَوۡ نَهَارٗا فَجَعَلۡنَٰهَا حَصِيدٗا كَأَن لَّمۡ تَغۡنَ بِٱلۡأَمۡسِۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ ٢٤

Innamā mathalul-hayawātid-dunyā kamā'in anzalnāhu minas-samā'i fakhtalata bihī nabātul-ardi mimmā ya'kulun-nāsu wal-an'āmu hattā idhā akhadhatil-ardu zukhrufahā wazzayyanat wazanna ahluhā annahum qādirūna 'alayhā atāhā amrunā laylan aw nahāran faja'alnāhā hasīdan ka al lam taghna bil-amsi kadhālika nufassilul-āyāti liqawmin yatafakkarūn

24. Mataalka noloshan adduunku 9 waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka 10 ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.

Faallooyin hoose

9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Adduunyadu waa macaan, doog ah, Alle baa idiin dhiibay inaad ka talisaan oo isaga dambeysaan si uu u eego waxa aad fashaan ee iska jira adduunyada iyo (fidmada) haweenka.”

10. Bilicda dhulka waxaa loola jeedaa badaha, buuraha, togagga, doogga, dhirta iyo geedaha.