Suuradda Al-'Alaq العلق

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِي خَلَقَ ١

Iqra' bismi rabbikal-ladhī khalaq

1. Ku akhri 'Nabiyow' Magaca Rabbigaa ee abuuray (wax waliba).

خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِنۡ عَلَقٍ ٢

Khalaqal-insāna min 'alaq

2. Ka abuuray aadmiga xinjir.

ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ ٣

Iqra' warabbukal-akram

3. Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,

ٱلَّذِي عَلَّمَ بِٱلۡقَلَمِ ٤

Alladhī 'allama bil-qalam

4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.

عَلَّمَ ٱلۡإِنسَٰنَ مَا لَمۡ يَعۡلَمۡ ٥

'Allamal-insāna mā lam ya'lam

5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon.

كَلَّآ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَيَطۡغَىٰٓ ٦

Kallā innal-insāna layatghā

6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.

أَن رَّءَاهُ ٱسۡتَغۡنَىٰٓ ٧

Ar ra'āhustaghnā

7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجۡعَىٰٓ ٨

Inna ilā rabbikar-ruj'ā

8. Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku.

أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يَنۡهَىٰ ٩

Ara'aytal-ladhī yanhā

9. Ka warran midka ka reeba.

عَبۡدًا إِذَا صَلَّىٰٓ ١٠

'Abdan idhā sallā

10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?

أَرَءَيۡتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلۡهُدَىٰٓ ١١

Ara'ayta in kāna 'alal-hudā

11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?

أَوۡ أَمَرَ بِٱلتَّقۡوَىٰٓ ١٢

Aw amara bit-taqwā

12. Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?

أَرَءَيۡتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ ١٣

Ara'ayta in kaddhaba watawallā

13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?

أَلَمۡ يَعۡلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ ١٤

Alam ya'lam bi annallāha yarā

14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?

كَلَّا لَئِن لَّمۡ يَنتَهِ لَنَسۡفَعَۢا بِٱلنَّاصِيَةِ ١٥

Kallā la il lam yantahi lanasfa'ā bin-nāsiyah

15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,

نَاصِيَةٖ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٖ ١٦

Nāsiyatin kādhibatin khāti'ah

16. Food beenley ah oo gefley ah.

فَلۡيَدۡعُ نَادِيَهُۥ ١٧

Falyad'u nādiyah

17. Ha u yeedho golihiisa.

سَنَدۡعُ ٱلزَّبَانِيَةَ ١٨

Sanad'uz-zabāniyah

18. Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran.

كَلَّا لَا تُطِعۡهُ وَٱسۡجُدۡۤ وَٱقۡتَرِب۩ ١٩

Kallā lā tuti'hu wasjud waqtarib

19. Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-'Alaq?

Suuradda Al-'Alaq waxay leedahay 19 aayadood. Waa suuradda 96 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-'Alaq ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-'Alaq waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-'Alaq juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-'Alaq waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-'Alaq?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.