Suuradda At-Takwir التكوير

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ ١

Idhash-shamsu kuwwirat

1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),

وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ ٢

Wa idhan-nujūmunkadarat

2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),

وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ ٣

Wa idhal-jibālu suyyirat

3. Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.

وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ ٤

Wa idhal-'ishāru 'uttilat

4. Oo geela rimman 1 la cidleeyo (oo laga hayaamo).

وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ ٥

Wa idhal-wuhūshu hushirat

5. Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).

وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ ٦

Wa idhal-bihāru sujjirat

6. Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);

وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ ٧

Wa idhan-nufūsu zuwwijat

7. Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii 2;

وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ ٨

Wa idhal-maw'ūdatu su'ilat

8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,

بِأَيِّ ذَنۢبٖ قُتِلَتۡ ٩

Bi ayyi dhambin qutilat

9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?

وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ ١٠

Wa idhas-suhufu nushirat

10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ ١١

Wa idhas-samā'u kushitat

11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,

وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ ١٢

Wa idhal-jahīmu su''irat

12. Oo Naarta la huriyo.

وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ ١٣

Wa idhal-jannatu uzlifat

13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.

عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّآ أَحۡضَرَتۡ ١٤

'Alimat nafsum mā ahdarat

14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).

فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ ١٥

Falā uqsimu bil-khunnas

15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).

ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ ١٦

Al-jawāril-kunnas

16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).

وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ ١٧

Wallayli idhā 'as'as

17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).

وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ ١٨

Was-subhi idhā tanaffas

18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).

إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولٖ كَرِيمٖ ١٩

Innahū laqawlu rasūlin karīm

19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).

ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينٖ ٢٠

Dhī quwwatin 'inda dhil-'arshi makīn

20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,

مُّطَاعٖ ثَمَّ أَمِينٖ ٢١

Mmutā'in thamma amīn

21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.

وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونٖ ٢٢

Wamā sāhibukum bimajnūn

22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.

وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ ٢٣

Walaqad ra'āhu bil-ufuqil-mubīn

23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).

وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينٖ ٢٤

Wamā huwa 'alal-ghaybi bidanīn

24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.

وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٖ ٢٥

Wamā huwa biqawli shaytānir rajīm

25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).

فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ ٢٦

Fa ayna tadhhabūn

26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?

إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ ٢٧

In huwa illā dhikrul lil-'ālamīn

27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.

لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ ٢٨

Liman shā'a minkum an yastaqīm

28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٩

Wamā tashā'ūna illā an yashā'allāhu rabbul-'ālamīn

29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda At-Takwir?

Suuradda At-Takwir waxay leedahay 29 aayadood. Waa suuradda 81 ee Qur'aanka.

Suuradda At-Takwir ma Makki baa mise Madani?

Suuradda At-Takwir waa suurad Makki ah.

Suuradda At-Takwir juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda At-Takwir waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda At-Takwir?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.