Adkaarta fiidka (Adhkar al-masa) iyo macnahooda

Adkaarta la akhriyo fiidka, salaadda casar kadib ilaa habeenka, sida ay ugu sugan tahay xadiisyo saxiix ah.

1 3 jeer

قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ ﴿١﴾ اللَّهُ الصَّمَدُ ﴿٢﴾ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿٣﴾ وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿٤﴾
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ﴿١﴾ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ﴿٢﴾ وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ﴿٣﴾ وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ﴿٤﴾ وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ﴿٥﴾
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴿١﴾ مَلِكِ النَّاسِ ﴿٢﴾ إِلَهِ النَّاسِ ﴿٣﴾ مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿٤﴾ الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ ﴿٥﴾ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ ﴿٦﴾

Macnaha iyo isha

Cabdullaahi Binu Khubayb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan soo baxnay habeen Roob da'ayo, oo Gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس"

Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba".

waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Wuxuu sheegay Saxaabiga weyn ee Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-: inay bexeen Habeen Roob badan oo Gudcur ah, iyagoo raadinaya Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, si uu u tujiyo, wayna heleen, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa ''dheh'' oo uu uga jeeday akhri, waxbana ma akhrin, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celiyey hadalkiisa, wuxuuna dhahay Cabdullaahi: maxaan akhriyaa Rasuul Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri: akhri suuradaha: {Al-ikhlaas}, {Al-falaq}, {Anaas}, waqtiga Galabta iyo waqtiga Subaxa, seddex jeer-midiiba-, waxay kaa ilaalin wax walba, xumaan oo dhana way kaa ilaaline.

Faa'iidooyin

  • Waxaa Suno ah akhrinta Suurada Alikhlaas iyo labada Suuradood ee Micwadateynka (Alfalaq, Anaas), Subaxii iyo Galabtii, waxayna xirsi xir ka tahay Shar oo dhan.
  • Fadli ayey leeyihiin Suuradaha: Alikhlaas, Alfalaq, iyo Anaas.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ وَأَنَا عَلَى عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَ عَلَيَّ وَأَبُوءُ لَكَ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي فَإِنَّهُ لَا يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا أَنْتَ

Macnaha iyo isha

Shadaad Binu Aws Allaha ka rali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Sayidka istiqfaartu waa inaad tiraahdo: Allahayow adigaa Rabigay ah Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray ana Adoonkaagii ayaan ahay waxaan ku taagnahay balantaada iyo balan qaadkaaga intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa waxaan sameeyey Shartooda, waan qirsanahay Nicmooyinka aad i siisay, waan kaaga towbadkeenay danbigayga ee ii dhaaf, adiga maahee cid kale danbiyada ma dhaaftee" wuxuu yiri: " Qofkii yiraahda Maalintii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Maalintaas galabtii ka hor waa Ehlu Jano, Qofkii yiraahda Habeenkii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Habeenkaas inta aan waagu baryin, waa Ehlu Jano".

Waxa wariyay Albukhaari Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in istiqfaartu ay leedahay Ereyo, kuwa ugu fadliga badana ay yihiin inuu Adoonku dhoho: ''Allahayow, adaa Rabigay ah, Ilaah aan adiga ahayni majiro, waad i abuurtay ana Adoonkaagaan ahay, waxaanan ku jiraa balankaagii iyo balan qaadkaagii inta aan awoodo, waxaan kaa magan galayaa Sharka aan sameeyo dhibkiisa, waxaan kuu ogsoonahay oo qiraya Nicmooyinka aad i siisay, waxaan qirsanahay dambigayga, Allahayow ii dambi dhaaf, mid aan Adiga ahayn oo dambiga dhaafi karaa majiree'' Marka hore Adoonku wuxuu u qirayaa towxiidka, iyo in Ilaahay abuuray oo uu caabudayo isagoon cidna la wadaajin, oo Addoonku ku kusugan yahay wuxuu Ilaahay kula ballamay ee iimaan iyo u hoggaansan Ilaahay ah kolba inta Awooddiisu tahay, waayo Adoonku sikasta oo uu u cibaadaysto haddana lama iman karo dhamaan wixii Ilaahay faray ee cibaado ah, iyo inuu guto mahadnaqii looga baahnaa ee Nicmooyinka Ilaahay, Adoonku llaahay buu cuskadaa, Diintiisana qabsadaa, Isaguuna Adoonku ka hoos galaa Sharka ay Naftiisu samayso. Ilaahay ayuu u qirayaa Nicmada uu siiyey, wuxuu Naftiisa ula noqonayaa inuu qirto oo citiraafo gafkiisa iyo dambigiisa. Codsigaa uu Ilaahay u jeediyey ka dib, Adoonku wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, oo uu u asturo dambiyadiisii oo kaga Ndiifiyo dembiyada cafiskiisa, fadligiisa iyo naxariistiisa, waayo cid aan Ilaahay wayne kor ahaaye ahayn oo dambiyada Adoomada dhaafi karta majirto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ka mid tahay wardiga Subaxa iyo Habeenka, Qofka akhriya bilawga Maalinta isagoo yaqiinsan macneheedana dhadhan sanaya rumaysana, inta u dhaxaysa Qorax soo baxa ilaa Sawaalka -oo ah markay bartamaha Samada u yara dhaafto wax yar Qoraxdu xagga Qorax dhaca-, waana waqtiga Maalinimada ah ee sidaa ku dhinta Janaduu gelayaa. Qofka Habeenka akhriyana, waana Qorax dhaca ilaa soo bixitaanka Fajarka, oo sidaa ku dhinta intaanu Waabariisan Janaduu gelayaa.

Faa'iidooyin

  • Siiqadaha loo istiqfaarsado way kala duwan yihiin, qaarba qaarka kale ka fadli badan.
  • Waxaa la gudboon Adoonka inuu ku dadaalo baryada uu Ilaahay baryo inuu ducadaa ku baryo, waayo waa Boqorka istiqfaarta.

Ka akhri HadeethEnc.com

3 Hal mar

آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْ رُسُلِهِ وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ ﴿٢٨٥﴾ لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِنَا رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا أَنْتَ مَوْلَانَا فَانْصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ ﴿٢٨٦﴾

Macnaha iyo isha

Abii Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya labada Aayadood ee Suurada AlBaqara u dambeeya Habeenka way ku filan yihiin".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka akhriya labada Aayadood ee u dambeeya Suurada Albaqara Habeenkii Ilaahay wuuka kaafiyaa Sharka iyo Dhibaatada, waxaa kaloo la yiri: way ka kaafidaa Salaatul-laylka, waxaa kaloo la yiri: waxay ka kaafidaa adkaarta kale, waxaa kaloo la yiri: waa waxa ugu yar ee ay kaga gudmayso akhrinta Qur'aanka ee Salaatul-laylka, siyaabo kalana waa lagu fasiray, waxaa dhici kara inuu sax yahay dhamaan waxaa lagu fasiray oo dhan oo ay erayadu soo wada galaan.

Faa'iidooyin

  • Xadiiska waxaa kucad fadliga weyn ee ku jira dhamaadka suuratul Baqara, waana hadalkii ilaahay yiri: (آمن الرسول) ilaa dhammaadka Suurada.
  • Dhamaadka Suurada Albaqara wuxuu ka difaacaa Qofka dhibka, Sharka, Shaydaanka, haduu akhriyo Habeenkii.
  • Habeenku wuxuu ka bilawdaa dhicida Qoraxda, wuxuuna ku dhamaadaa soo bixitaanka Fajarka.

Ka akhri HadeethEnc.com

4 10 jeer

لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

Macnaha iyo isha

Abii Ayuub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu

nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli Shayin qadiir, toban jeer wuxuu la mid ahaanayaa Qof xoreeyey Afar Qof oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha: "laa ilaaha Ilaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku, wa lahul xamdu, wa huwa calaa kuli shayin qadiir" macneheeduna yahay: mid xaq lagu caabudo ma jiro oo aan Ilaahay ahayn, waa kaligii shariigna malah, Ilaahayna isagaa xumaan ka hufane mulkigiisu waa kaamil, wuxuu xag u leeyahay amaan oo dhan iyadoo la jecel yahay oo la waynaynaayo cidaan isaga ahayna la waynayn, Ilaahay waa qaadir wax cajsi galinayaa jirin. Qofka ku celceliya digrigaa weyn Maalin kasta toban jeer, wuxuu helayaa ajarka uu helo Qof xoreeyey Afar Adoon oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah, isaga iyo Aabihiiba nabadi korkooda ha ahaatee, wuxuuna ugu gaar yeelay Nabigu

nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee duriyada Nabi Ismaaciil way ka Sharaf badan yihiin dadka kale.

Faa'iidooyin

  • Dikrigaan fadligiisa waxaa soo gelaya in Ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimada, Mulkiga, Xamdiga iyo Qudro taam ah.
  • Ajarka dikrigaan wuu helayaa Qofkii si xiriira u yiraahda ama si goos goos ah u yiraahda.

Ka akhri HadeethEnc.com

5 100 jeer

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee".

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhaha Maalintii boqol jeer: "subxaana Allaahi wa bixamdihii" waa laga tirtiraa oo loo dhaafaa dambigiisa, haba badnaado sida xoorta cad ee Badda dul saaran marka Baddu kacsan tahaye.

Faa'iidooyin

  • Ajarkaa waxaa helaya Qofka u dhaha Maalintii si xiriir ah ama si aan xiriir ahaynba.
  • Tasbiixdu: waa Ilaahay oo laga hufo nusqaanta, Xamdiguna: waa Ilaahay oo lagu sifeeyo kaamilnimo isagoo la jecel yahay oo la waynaynaayo.
  • Ujeedada Xadiisku waa in dambiga yar la dhaafayo, danbiga waynse waxaa lagama maarmaan ah in laga towbad keeno.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Adkaarta fiidka: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Sidee ayuu tiriyuhu u shaqeeyaa?

Taabo tiriyaha ka hooseeya dikriga, wuxuuna hoos ugu tirinayaa eber. Wuxuu ku jiraa boggan oo keliya, waxbana lama kaydiyo.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.