Islaamka nolosha maalinlaha ah

Casharka 1 ee 4

Maxay Islaamku ka barayaa akhlaaqda wanaagsan?

Quraanka

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ ﴿٤﴾

4. Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.

Al-Qalam 68:4Ka akhri Quraanka

۞ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُ بِٱلۡعَدۡلِ وَٱلۡإِحۡسَٰنِ وَإِيتَآيِٕ ذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَيَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِ وَٱلۡبَغۡيِۚ يَعِظُكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ ﴿٩٠﴾

90. Hubaal Alle wuxuu amraa caddaaladda, axsaan falka iyo siinta qaraabada, wuxuuna reebaa xumaanta, munkarka iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, inaad ku waano qaadataan oo xusuusataan.

An-Nahl 16:90Ka akhri Quraanka

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقۡنَٰكُم مِّن ذَكَرٖ وَأُنثَىٰ وَجَعَلۡنَٰكُمۡ شُعُوبٗا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓاْۚ إِنَّ أَكۡرَمَكُمۡ عِندَ ٱللَّهِ أَتۡقَىٰكُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٞ ﴿١٣﴾

13. Dadow! Waxaanu idinka abuurnay lab (Aadam) iyo dhedddig (Xawwaa), idinkana dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan. Hubaal, kan idiinku sharaf badan Alle agti waa kan idiinku dhowris badan (amarrada Alle ee ka jooga xumaha). Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah, Xeel Dheer.

Al-Hujurat 49:13Ka akhri Quraanka

Sunnada

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa Dumarkooda u khayroon".

Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed Xadiis Xasan ah HadeethEnc.com
Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka ugu iimaan badan uu yahay kan akhlaaqdiisu fiican tahay, taasoo ah waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo.

Muuminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa Dumarkooda u khayr roon, sida Gaaskiisa, gabdhihiisa, Walaalihiis iyo Dumarka Qaraabadiisa ah, waayo kuwaasaa u xaq leh akhlaaq wanaagiisa.

Dhammaan casharrada