Ducada galitaanka iyo ka bixitaanka masaajidka

Erayada lagu yidhaahdo albaabka masaajidka, marka la galayo iyo marka laga baxayo.

1 Hal mar

اللَّهُمَّ افْتَحْ لِي أَبْوَابَ رَحْمَتِكَ
اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ مِنْ فَضْلِكَ

Macnaha iyo isha

Abii Xamiid ama Abii Usayd waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga ".

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey Ummaddiisa ducada la oranaayo marka Masaajidka la soo galayo:(Allahayow ii fur Albaabada Naxariistaada), oo Ilaahay la waydiisto inuu u diyaariyo asabaabta lagu helo Naxariistiisa, markuu Qofku damco inuu ka boxo Masaajidkana uu dhoho: (Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga), oo Ilaahay uu waydiisto Fadligiisa uuna u siyaadiyo ixsaankiisa ay ka mid tahay irsaaqada xalaasha ah.

Faa'iidooyin

  • Waa Suno in lagu ducaysto ducadan marka Masaajidka la gelayo iyo marka laga baxayaba.
  • Waxaa loogu gaar yeelay Raxmada waqtiga gelitaanka Masaajidka, Fadligana waqtiga laga bixiyo: waa in Qofka sii gelaya Masaajidka uu ka shaqaynaayo wax u dhawaynaya Ilaahay iyo Janadiisa markaasay munaasab u noqotay in la xuso Raxmada, haduu ka boxo Masjidkana wuu shaqo tagayaa isago raadinaaya Ilaahay fadligiisa risqigu ka mid yahay, markaas ayey munaasab noqotay in Fadliga la xuso.
  • Adkaartaan waxaa la oranayaa marka la rabo in masjidka la galo, iyo marka la rabo in laga soo boxo Masjidka.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Ducada masaajidka: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.