Ducada cuntada ka hor (Bismillaah)

Waxa la yidhaahdo cuntada ka hor, iyo sababta magaca Allaah loogu xuso cuntada.

1 Hal mar

بِسْمِ اللَّهِ

Macnaha iyo isha

Cumar Binu Abii Salama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Anoo ah Wiil yar oo ku nool Guriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayey Gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa Wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana Gacanta ku hayey oo tarbiyeynaayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu baray seddexdan aadaabta cuntada ku saabsan.

Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada.

Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno.

Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.

Faa'iidooyin

  • Aadaabta cunida iyo cabida waxaa ka mida Bisinka oo lagu bilaabo.
  • Waa muhiim in caruurta la baro aadaabta, gaar ahaana kuwa Qofku masuulka ka yahay.
  • Xadiiska waxaa ku sugan in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee naxariistiisa iyo dulqaadkiisu ay waasac yihiin markuu caruurta wax barayo oo uu tarbiyeynaayo.
  • Waxaa ka mid ah aadaabta cuntada in Qofku ka cuno dhinaca isaga soo xiga hadayna ahayn cuntadu noocyo kala duwan, markaa waxaa u banaan tahaty inuu ka qaato shay walba halkuu yaallo.
  • Asaxaabtu waxay qaadan jireen aadaabta uu baray Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee arinkaana waxaa laga fahmayaa hadalka Cumar Binu Abii Salama: intii ka danbaysay sidaas ayaan cuntada u cuni jiray.

Ka akhri HadeethEnc.com

2 Hal mar

Macnaha iyo isha

Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin, haduu soo galo isagoon Ilaahay xusin markuu soo gelaayey, Shaydaanka ayaa oronaya: waxaad soo gaarteen Hoy, haduu Cuntada cuno isagoon Ilaahay Xusina Shaydaanku wuxuu oran: waxaad soo gaarteen Casho iyo Hoy.

Waxa wariyay Muslim Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka Guriga la gelayo iyo cuntada ka hor, marka Qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa gelayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo,

shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin Gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan gelay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo Gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu Guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay Guriga ku leeyihiin Hoyaatin iyo Cashaba.

Faa'iidooyin

  • waxaa Suno ah dikriga Ilaahay marka Guriga la galayo iyo marka cuntada la cunaayo, waayo Shaydaanka ayaa ku hoyda Guryaha dadka degana Cuntadooda cuna hadii aan magaca Ilaahay lagu xusin.
  • Shaydaanku korka ayuu kala socdaa oo wuu ilaashadaa camalka Aadanaha iyo wuxuu qabanaayo oo dhan, markuu qaafil ka noqdo xuska Ilaahay ayuu Shaydaanku muraadkiisa ka qabsadaa.
  • Xuska Ilaahay Shaydaankuu eryaa.
  • Shaydaan walba wuxuu leeyahay taageerayaal iyo sokeeye ku bishaaraysta hadalkiisa, amaradiisana qaata.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Ducada cuntada ka hor: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.