Suuradda Al-Kahf الكهف

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبۡدِهِ ٱلۡكِتَٰبَ وَلَمۡ يَجۡعَل لَّهُۥ عِوَجَاۜ ١

Al-hamdu lillāhil-ladhī anzala 'alā 'abdihil-kitāba walam yaj'al lahū 'iwajā

1. Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah 1.

قَيِّمٗا لِّيُنذِرَ بَأۡسٗا شَدِيدٗا مِّن لَّدُنۡهُ وَيُبَشِّرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرًا حَسَنٗا ٢

Qayyimal liyundhira ba san shadīdam mil ladunhu wayubasshiral-mu'minīnal-ladhīna ya'malūnas-sālihāti anna lahum ajran hasanā

2. Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).

مَّٰكِثِينَ فِيهِ أَبَدٗا ٣

Mmākithīna fīhi abadā

3. Ay ku negaadi weligood.

وَيُنذِرَ ٱلَّذِينَ قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗا ٤

Wayundhiral-ladhīna qālut-takhadhallāhu waladā

4. Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.

مَّا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٖ وَلَا لِأٓبَآئِهِمۡۚ كَبُرَتۡ كَلِمَةٗ تَخۡرُجُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبٗا ٥

Mmā lahum bihī min 'ilmin walā li'ābā'ihim kaburat kalimatan takhruju min afwāhihim in yaqūlūna illā kadhibā

5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.

فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ إِن لَّمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَسَفًا ٦

Fala'allaka bākhi'un nafsaka 'alā āthārihim il lam yu'minū bihādhal-hadīthi asafā

6. Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan).

إِنَّا جَعَلۡنَا مَا عَلَى ٱلۡأَرۡضِ زِينَةٗ لَّهَا لِنَبۡلُوَهُمۡ أَيُّهُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗا ٧

Innā ja'alnā mā 'alal-ardi zīnatal lahā linabluwahum ayyuhum ahsanu 'amalā

7. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.

وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيۡهَا صَعِيدٗا جُرُزًا ٨

Wa innā lajā'ilūna mā 'alayhā sa'īdan juruzā

8. Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin.

أَمۡ حَسِبۡتَ أَنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡكَهۡفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُواْ مِنۡ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا ٩

Am hasibta anna ashābal-kahfi war-raqīmi kānū min āyātinā 'ajabā

9. Mise, ma waxaad mooddaa in 'dhacdadii' qolodii hogga iyo looxa 'ay ku qornaayeen magacayadoodu' 2 ay yihiin kuwa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan 3?

إِذۡ أَوَى ٱلۡفِتۡيَةُ إِلَى ٱلۡكَهۡفِ فَقَالُواْ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةٗ وَهَيِّئۡ لَنَا مِنۡ أَمۡرِنَا رَشَدٗا ١٠

Idh awal-fityatu ilal-kahfi faqālū rabbanā ātinā mil ladunka rahmatan wahayyi' lanā min amrinā rashadā

10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.

فَضَرَبۡنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمۡ فِي ٱلۡكَهۡفِ سِنِينَ عَدَدٗا ١١

Fadarabnā 'alā ādhānihim fil-kahfi sinīna 'adadā

11. Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.

ثُمَّ بَعَثۡنَٰهُمۡ لِنَعۡلَمَ أَيُّ ٱلۡحِزۡبَيۡنِ أَحۡصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓاْ أَمَدٗا ١٢

Thumma ba'athnāhum lina'lama ayyul-hizbayni ahsā limā labithū amadā

12. Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.

نَّحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ نَبَأَهُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّهُمۡ فِتۡيَةٌ ءَامَنُواْ بِرَبِّهِمۡ وَزِدۡنَٰهُمۡ هُدٗى ١٣

Nnahnu naqussu 'alayka naba'ahum bil-haqqi innahum fityatun āmanū birabbihim wazidnāhum hudā

13. Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.

وَرَبَطۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ إِذۡ قَامُواْ فَقَالُواْ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَن نَّدۡعُوَاْ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهٗاۖ لَّقَدۡ قُلۡنَآ إِذٗا شَطَطًا ١٤

Warabatnā 'alā qulūbihim idh qāmū faqālū rabbunā rabbus-samāwāti wal-ardi lan nad'uwa min dūnihī ilāhal laqad qulnā idhan shatatā

14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda 4 samir (iyo iimaan), markay kaceen 5 oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.

هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمُنَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ لَّوۡلَا يَأۡتُونَ عَلَيۡهِم بِسُلۡطَٰنِۭ بَيِّنٖۖ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا ١٥

Hā'ulā'i qawmunat-takhadhū min dūnihī ālihatal lawlā ya'tūna 'alayhim bisultāni bayyinin faman azlamu mimmaniftarā 'alallāhi kadhibā

15. Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?

وَإِذِ ٱعۡتَزَلۡتُمُوهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ فَأۡوُۥٓاْ إِلَى ٱلۡكَهۡفِ يَنشُرۡ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّن رَّحۡمَتِهِۦ وَيُهَيِّئۡ لَكُم مِّنۡ أَمۡرِكُم مِّرۡفَقٗا ١٦

Wa idhi'tazaltumūhum wamā ya'budūna illallāha fa wū ilal-kahfi yanshur lakum rabbukum mir rahmatihī wayuhayyi' lakum min amrikum mirfaqā

16. Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudaanba Alle maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan.

۞ وَتَرَى ٱلشَّمۡسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَٰوَرُ عَن كَهۡفِهِمۡ ذَاتَ ٱلۡيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقۡرِضُهُمۡ ذَاتَ ٱلشِّمَالِ وَهُمۡ فِي فَجۡوَةٖ مِّنۡهُۚ ذَٰلِكَ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِۗ مَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلۡمُهۡتَدِۖ وَمَن يُضۡلِلۡ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ وَلِيّٗا مُّرۡشِدٗا ١٧

Watarash-shamsa idhā tala'at tazāwaru 'an kahfihim dhātal-yamīni wa idhā gharabat taqriduhum dhātash-shimāli wahum fī fajwatim minhu dhālika min āyātillāhi man yahdillāhu fahuwal-muhtadi waman yudlil falan tajida lahū waliyyam murshidā

17. Waxaad arki lahayd qorraxda markay soo baxdo oo uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, markay dhacdona ka goyneysa gadaal xagga bidix, iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah. Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Alle. Qofkuu Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkuu lumiyana u helimeysid gargaare hanuunsha.

وَتَحۡسَبُهُمۡ أَيۡقَاظٗا وَهُمۡ رُقُودٞۚ وَنُقَلِّبُهُمۡ ذَاتَ ٱلۡيَمِينِ وَذَاتَ ٱلشِّمَالِۖ وَكَلۡبُهُم بَٰسِطٞ ذِرَاعَيۡهِ بِٱلۡوَصِيدِۚ لَوِ ٱطَّلَعۡتَ عَلَيۡهِمۡ لَوَلَّيۡتَ مِنۡهُمۡ فِرَارٗا وَلَمُلِئۡتَ مِنۡهُمۡ رُعۡبٗا ١٨

Watahsabuhum ayqāzan wahum ruqūdun wanuqallibuhum dhātal-yamīni wadhātash-shimāli wakalbuhum bāsitun dhirā'ayhi bil-wasīdi lawit-tala'ta 'alayhim lawallayta minhum firāran walamuli'ta minhum ru'bā

18. Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifa 6, waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix, halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.

وَكَذَٰلِكَ بَعَثۡنَٰهُمۡ لِيَتَسَآءَلُواْ بَيۡنَهُمۡۚ قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ كَمۡ لَبِثۡتُمۡۖ قَالُواْ لَبِثۡنَا يَوۡمًا أَوۡ بَعۡضَ يَوۡمٖۚ قَالُواْ رَبُّكُمۡ أَعۡلَمُ بِمَا لَبِثۡتُمۡ فَٱبۡعَثُوٓاْ أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمۡ هَٰذِهِۦٓ إِلَى ٱلۡمَدِينَةِ فَلۡيَنظُرۡ أَيُّهَآ أَزۡكَىٰ طَعَامٗا فَلۡيَأۡتِكُم بِرِزۡقٖ مِّنۡهُ وَلۡيَتَلَطَّفۡ وَلَا يُشۡعِرَنَّ بِكُمۡ أَحَدًا ١٩

Wakadhālika ba'athnāhum liyatasā'alū baynahum qāla qā'ilum minhum kam labithtum qālū labithnā yawman aw ba'da yawmin qālū rabbukum a'lamu bimā labithtum fab'athū ahadakum biwariqikum hādhihī ilal-madīnati falyanzur ayyuhā azkā ta'āman falya'tikum birizqim minhu walyatalattaf walā yush'iranna bikum ahadā

19. Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)? Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed. (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh iyo dhimrin, yeysanna cidina idin ogaan.

إِنَّهُمۡ إِن يَظۡهَرُواْ عَلَيۡكُمۡ يَرۡجُمُوكُمۡ أَوۡ يُعِيدُوكُمۡ فِي مِلَّتِهِمۡ وَلَن تُفۡلِحُوٓاْ إِذًا أَبَدٗا ٢٠

Innahum in yazharū 'alaykum yarjumūkum aw yu'īdūkum fī millatihim walan tuflihū idhan abadā

20. Xaqiiq hadday idin ogaadaan way idin dhagaxyeynayaan, ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, mana liibaaneysaan markaas weligiin .

وَكَذَٰلِكَ أَعۡثَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ لِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيۡبَ فِيهَآ إِذۡ يَتَنَٰزَعُونَ بَيۡنَهُمۡ أَمۡرَهُمۡۖ فَقَالُواْ ٱبۡنُواْ عَلَيۡهِم بُنۡيَٰنٗاۖ رَّبُّهُمۡ أَعۡلَمُ بِهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُواْ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِمۡ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيۡهِم مَّسۡجِدٗا ٢١

Wakadhālika a'tharnā 'alayhim liya'lamū anna wa'dallāhi haqqun wa annas-sā'ata lā rayba fīhā idh yatanāza'ūna baynahum amrahum faqālubnū 'alayhim bunyānar rabbuhum a'lamu bihim qālal-ladhīna ghalabū 'alā amrihim lanattakhidhanna 'alayhim masjidā

21. Sidaasaan uga yeellay 7 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin 8. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo 9; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.

سَيَقُولُونَ ثَلَٰثَةٞ رَّابِعُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ وَيَقُولُونَ خَمۡسَةٞ سَادِسُهُمۡ كَلۡبُهُمۡ رَجۡمَۢا بِٱلۡغَيۡبِۖ وَيَقُولُونَ سَبۡعَةٞ وَثَامِنُهُمۡ كَلۡبُهُمۡۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا قَلِيلٞۗ فَلَا تُمَارِ فِيهِمۡ إِلَّا مِرَآءٗ ظَٰهِرٗا وَلَا تَسۡتَفۡتِ فِيهِم مِّنۡهُمۡ أَحَدٗا ٢٢

Sayaqūlūna thalāthatur rābi'uhum kalbuhum wayaqūlūna khamsatun sādisuhum kalbuhum rajmā bil-ghaybi wayaqūlūna sab'atun wathāminuhum kalbuhum qur rabbī a'lamu bi'iddatihim mā ya'lamuhum illā qalīlun falā tumāri fīhim illā mirā'an zāhiran walā tastafti fīhim minhum ahadā

22. (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) seddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe 10. Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.

وَلَا تَقُولَنَّ لِشَاْيۡءٍ إِنِّي فَاعِلٞ ذَٰلِكَ غَدًا ٢٣

Walā taqūlanna lishay'in innī fā'ilun dhālika ghadā

23. Ha odhan waxaasaan fali berritoole.

إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ وَٱذۡكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَهۡدِيَنِ رَبِّي لِأَقۡرَبَ مِنۡ هَٰذَا رَشَدٗا ٢٤

Illā an yashā'allāhu wadhkur rabbaka idhā nasīta waqul 'asā an yahdiyani rabbī li aqraba min hādhā rashadā

24. (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo' 11. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.

وَلَبِثُواْ فِي كَهۡفِهِمۡ ثَلَٰثَ مِاْئَةٖ سِنِينَ وَٱزۡدَادُواْ تِسۡعٗا ٢٥

Walabithū fī kahfihim thalātha mi'atin sinīna wazdādū tis'ā

25. Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).

قُلِ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا لَبِثُواْۖ لَهُۥ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ أَبۡصِرۡ بِهِۦ وَأَسۡمِعۡۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا يُشۡرِكُ فِي حُكۡمِهِۦٓ أَحَدٗا ٢٦

Qulillāhu a'lamu bimā labithū lahū ghaybus-samāwāti wal-ardi absir bihī wa asmi' mā lahum min dūnihī min waliyyin walā yushriku fī hukmihī ahadā

26. Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.

وَٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلۡتَحَدٗا ٢٧

Watlu mā ūhiya ilayka min kitābi rabbika lā mubaddila likalimātihī walan tajida min dūnihī multahadā

27. Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.

وَٱصۡبِرۡ نَفۡسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ رَبَّهُم بِٱلۡغَدَوٰةِ وَٱلۡعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجۡهَهُۥۖ وَلَا تَعۡدُ عَيۡنَاكَ عَنۡهُمۡ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَا تُطِعۡ مَنۡ أَغۡفَلۡنَا قَلۡبَهُۥ عَن ذِكۡرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمۡرُهُۥ فُرُطٗا ٢٨

Wasbir nafsaka ma'al-ladhīna yad'ūna rabbahum bil-ghadawāti wal-'ashiyyi yurīdūna wajhahū walā ta'du 'aynāka 'anhum turīdu zīnatal-hayawātid-dunyā walā tuti' man aghfalnā qalbahū 'an dhikrinā wattaba'a hawāhu wakāna amruhū furutā

28. Oo ku samirsii naftaada inaad ahaato la jirka kuwa barya (caabuda) Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa, hana dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka, hana adeecin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca hawadiisa, arrinkiisuna yahay gabood fal.

وَقُلِ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَن شَآءَ فَلۡيُؤۡمِن وَمَن شَآءَ فَلۡيَكۡفُرۡۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلظَّٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمۡ سُرَادِقُهَاۚ وَإِن يَسۡتَغِيثُواْ يُغَاثُواْ بِمَآءٖ كَٱلۡمُهۡلِ يَشۡوِي ٱلۡوُجُوهَۚ بِئۡسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتۡ مُرۡتَفَقًا ٢٩

Waqulil-haqqu mir rabbikum faman shā'a falyu'min waman shā'a falyakfur innā a'tadnā liz-zālimīna nāran ahāta bihim surādiquhā wa in yastaghīthū yughāthū bimā'in kal-muhli yashwil-wujūha bi sash-sharābu wasā'at murtafaqā

29. Dheh: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo; Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi, hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجۡرَ مَنۡ أَحۡسَنَ عَمَلًا ٣٠

Innal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti innā lā nudī'u ajra man ahsana 'amalā

30. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha, Annagu ma dayacno abaalgudka ciddii wanaajisa camalka.

أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُ يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَيَلۡبَسُونَ ثِيَابًا خُضۡرٗا مِّن سُندُسٖ وَإِسۡتَبۡرَقٖ مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِۚ نِعۡمَ ٱلثَّوَابُ وَحَسُنَتۡ مُرۡتَفَقٗا ٣١

Ulā'ika lahum jannātu 'adnin tajrī min tahtihimul-anhāru yuhallawna fīhā min asāwira min dhahabin wayalbasūna thiyāban khudram min sundusin wa istabraqim muttaki'īna fīhā 'alal-arā'iki ni'math-thawābu wahasunat murtafaqā

31. Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood. Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo.

۞ وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلٗا رَّجُلَيۡنِ جَعَلۡنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيۡنِ مِنۡ أَعۡنَٰبٖ وَحَفَفۡنَٰهُمَا بِنَخۡلٖ وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُمَا زَرۡعٗا ٣٢

Wadrib lahum mathalar rajulayni ja'alnā li ahadihimā jannatayni min a'nābin wahafafnāhumā binakhlin waja'alnā baynahumā zar'ā

32. Ugu soo qaadna tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan.

كِلۡتَا ٱلۡجَنَّتَيۡنِ ءَاتَتۡ أُكُلَهَا وَلَمۡ تَظۡلِم مِّنۡهُ شَيۡـٔٗاۚ وَفَجَّرۡنَا خِلَٰلَهُمَا نَهَرٗا ٣٣

Kiltal-jannatayni ātat ukulahā walam tazlim minhu shay'an wafajjarnā khilālahumā naharā

33. Mid walbaa labada beeroodba ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, kana burqinnay dhexdooda webi.

وَكَانَ لَهُۥ ثَمَرٞ فَقَالَ لِصَٰحِبِهِۦ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَنَا۠ أَكۡثَرُ مِنكَ مَالٗا وَأَعَزُّ نَفَرٗا ٣٤

Wakāna lahū thamarun faqāla lisāhibihī wahuwa yuhāwiruhū ana aktharu minka mālan wa a'azzu nafarā

34. Midhona uu leeyahay markaasuu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Anaa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon.

وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدٗا ٣٥

Wadakhala jannatahū wahuwa zālimul linafsihī qāla mā azunnu an tabīda hādhihī abadā

35. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa 12. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.

وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيۡرٗا مِّنۡهَا مُنقَلَبٗا ٣٦

Wamā azunnus-sā'ata qā'imatan wala'ir rudittu ilā rabbī la ajidanna khayram minhā munqalabā

36. Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican.

قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرۡتَ بِٱلَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلٗا ٣٧

Qāla lahū sāhibuhū wahuwa yuhāwiruhū akafarta billadhī khalaqaka min turābin thumma min nutfatin thumma sawwāka rajulā

37. Wuxuu saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya; Ma waxaad ku gaalowday Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana dhibic mani ah, haddana kaa dhigay nin dhan.

لَّٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِرَبِّيٓ أَحَدٗا ٣٨

Llākinna huwallāhu rabbī walā ushriku birabbī ahadā

38. Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada.

وَلَوۡلَآ إِذۡ دَخَلۡتَ جَنَّتَكَ قُلۡتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِۚ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالٗا وَوَلَدٗا ٣٩

Walawlā idh dakhalta jannataka qulta mā shā'allāhu lā quwwata illā billāhi in tarani ana aqalla minka mālan wawaladā

39. Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog 'iyo xeelad' xagga Alle mooyee? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay.

فَعَسَىٰ رَبِّيٓ أَن يُؤۡتِيَنِ خَيۡرٗا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرۡسِلَ عَلَيۡهَا حُسۡبَانٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصۡبِحَ صَعِيدٗا زَلَقًا ٤٠

Fa'asā rabbī an yu'tiyani khayram min jannatika wayursila 'alayhā husbānam minas-samā'i fatusbiha sa'īdan zalaqā

40. Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn.

أَوۡ يُصۡبِحَ مَآؤُهَا غَوۡرٗا فَلَن تَسۡتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبٗا ٤١

Aw yusbiha mā'uhā ghawran falan tastatī'a lahū talabā

41. Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto.

وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصۡبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيۡهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُشۡرِكۡ بِرَبِّيٓ أَحَدٗا ٤٢

Wa uhīta bithamarihī fa asbaha yuqallibu kaffayhi 'alā mā anfaqa fīhā wahiya khāwiyatun 'alā 'urūshihā wayaqūlu yālaytanī lam ushrik birabbī ahadā

42. Waa la koobay midhahiisii (oo la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu 'kor iyo hoos u' geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna.

وَلَمۡ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٞ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا ٤٣

Walam takul lahū fi atun yansurūnahū min dūnillāhi wamā kāna muntasirā

43. Uma ahaanin koox u gargaarta oo Alle sokadi ah, mana aha mid is difaaci kara.

هُنَالِكَ ٱلۡوَلَٰيَةُ لِلَّهِ ٱلۡحَقِّۚ هُوَ خَيۡرٞ ثَوَابٗا وَخَيۡرٌ عُقۡبٗا ٤٤

Hunālikal-walāyatu lillāhil-haqqi huwa khayrun thawāban wakhayrun 'uqbā

44. Halkaasi 13, awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib san.

وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ فَأَصۡبَحَ هَشِيمٗا تَذۡرُوهُ ٱلرِّيَٰحُۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقۡتَدِرًا ٤٥

Wadrib lahum mathalal-hayawātid-dunyā kamā'in anzalnāhu minas-samā'i fakhtalata bihī nabātul-ardi fa asbaha hashīman tadhrūhur-riyāhu wakānallāhu 'alā kulli shay'im muqtadirā

45. Ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso. Alle wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.

ٱلۡمَالُ وَٱلۡبَنُونَ زِينَةُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَٱلۡبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيۡرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابٗا وَخَيۡرٌ أَمَلٗا ٤٦

Al-mālu wal-banūna zīnatul-hayawātid-dunyā wal-bāqiyātus-sālihātu khayrun 'inda rabbika thawāban wakhayrun amalā

46. Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.

وَيَوۡمَ نُسَيِّرُ ٱلۡجِبَالَ وَتَرَى ٱلۡأَرۡضَ بَارِزَةٗ وَحَشَرۡنَٰهُمۡ فَلَمۡ نُغَادِرۡ مِنۡهُمۡ أَحَدٗا ٤٧

Wayawma nusayyirul-jibāla wataral-arda bārizatan wahasharnāhum falam nughādir minhum ahadā

47. Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.

وَعُرِضُواْ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفّٗا لَّقَدۡ جِئۡتُمُونَا كَمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةِۭۚ بَلۡ زَعَمۡتُمۡ أَلَّن نَّجۡعَلَ لَكُم مَّوۡعِدٗا ٤٨

Wa'uridū 'alā rabbika saffal laqad ji'tumūnā kamā khalaqnākum awwala marrati bal za'amtum allan naj'ala lakum maw'idā

48. Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.

وَوُضِعَ ٱلۡكِتَٰبُ فَتَرَى ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُشۡفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَٰوَيۡلَتَنَا مَالِ هَٰذَا ٱلۡكِتَٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةٗ وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحۡصَىٰهَاۚ وَوَجَدُواْ مَا عَمِلُواْ حَاضِرٗاۗ وَلَا يَظۡلِمُ رَبُّكَ أَحَدٗا ٤٩

Wawudi'al-kitābu fataral-mujrimīna mushfiqīna mimmā fīhi wayaqūlūna yāwaylatanā māli hādhal-kitābi lā yughādiru saghīratan walā kabīratan illā ahsāhā wawajadū mā 'amilū hādiran walā yazlimu rabbuka ahadā

49. Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna.

وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلۡجِنِّ فَفَسَقَ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِۦٓۗ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِي وَهُمۡ لَكُمۡ عَدُوُّۢۚ بِئۡسَ لِلظَّٰلِمِينَ بَدَلٗا ٥٠

Wa idh qulnā lil-malā'ikatisjudū li'ādama fasajadū illā iblīsa kāna minal-jinni fafasaqa 'an amri rabbihī afatattakhidhūnahū wadhurriyyatahū awliyā'a min dūnī wahum lakum 'aduwwu bi sa liz-zālimīna badalā

50. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuu caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu.

۞ مَّآ أَشۡهَدتُّهُمۡ خَلۡقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَا خَلۡقَ أَنفُسِهِمۡ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلۡمُضِلِّينَ عَضُدٗا ٥١

Mmā ashhattuhum khalqas-samāwāti wal-ardi walā khalqa anfusihim wamā kuntu muttakhidhal-mudillīna 'adudā

51. Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.

وَيَوۡمَ يَقُولُ نَادُواْ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُمۡ فَدَعَوۡهُمۡ فَلَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُمۡ وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُم مَّوۡبِقٗا ٥٢

Wayawma yaqūlu nādū shurakā'iyal-ladhīna za'amtum fada'awhum falam yastajībū lahum waja'alnā baynahum mawbiqā

52. (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwa aad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.

وَرَءَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓاْ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمۡ يَجِدُواْ عَنۡهَا مَصۡرِفٗا ٥٣

Wara'al-mujrimūnan-nāra fazannū annahum muwāqi'ūhā walam yajidū 'anhā masrifā

53. Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.

وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَكۡثَرَ شَيۡءٖ جَدَلٗا ٥٤

Walaqad sarrafnā fī hādhal-qur'āni lin-nāsi min kulli mathalin wakānal-insānu akthara shay'in jadalā

54. Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan.

وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤۡمِنُوٓاْ إِذۡ جَآءَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّهُمۡ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ قُبُلٗا ٥٥

Wamā mana'an-nāsa an yu'minū idh jā'ahumul-hudā wayastaghfirū rabbahum illā an ta'tiyahum sunnatul-awwalīna aw ya'tiyahumul-'adhābu qubulā

55. Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore 14, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.

وَمَا نُرۡسِلُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَۚ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّۖ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَمَآ أُنذِرُواْ هُزُوٗا ٥٦

Wamā nursilul-mursalīna illā mubasshirīna wamundhirīna wayujādilul-ladhīna kafarū bil-bātili liyudhidū bihil-haqqa wattakhadhū āyātī wamā undhirū huzuwā

56. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.

وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعۡرَضَ عَنۡهَا وَنَسِيَ مَا قَدَّمَتۡ يَدَاهُۚ إِنَّا جَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۖ وَإِن تَدۡعُهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ فَلَن يَهۡتَدُوٓاْ إِذًا أَبَدٗا ٥٧

Waman azlamu mimman dhukkira bi'āyāti rabbihī fa a'rada 'anhā wanasiya mā qaddamat yadāhu innā ja'alnā 'alā qulūbihim akinnatan an yafqahūhu wafī ādhānihim waqran wa in tad'uhum ilal-hudā falan yahtadū idhan abadā

57. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u geysteen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.

وَرَبُّكَ ٱلۡغَفُورُ ذُو ٱلرَّحۡمَةِۖ لَوۡ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُواْ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلۡعَذَابَۚ بَل لَّهُم مَّوۡعِدٞ لَّن يَجِدُواْ مِن دُونِهِۦ مَوۡئِلٗا ٥٨

Warabbukal-ghafūru dhur-rahmati law yu'ākhidhuhum bimā kasabū la'ajjala lahumul-'adhāba bal lahum maw'idul lan yajidū min dūnihī maw'ilā

58. Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.

وَتِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰٓ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَعَلۡنَا لِمَهۡلِكِهِم مَّوۡعِدٗا ٥٩

Watilkal-qurā ahlaknāhum lammā zalamū waja'alnā limahlikihim maw'idā

59. Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبۡرَحُ حَتَّىٰٓ أَبۡلُغَ مَجۡمَعَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ أَوۡ أَمۡضِيَ حُقُبٗا ٦٠

Wa idh qāla mūsā lifatāhu lā abrahu hattā ablugha majma'al-bahrayni aw amdiya huqubā

60. (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.

فَلَمَّا بَلَغَا مَجۡمَعَ بَيۡنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ سَرَبٗا ٦١

Falammā balaghā majma'a baynihimā nasiyā hūtahumā fattakhadha sabīlahū fil-bahri sarabā

61. Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.

فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَىٰهُ ءَاتِنَا غَدَآءَنَا لَقَدۡ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبٗا ٦٢

Falammā jāwazā qāla lifatāhu ātinā ghadā'anā laqad laqīnā min safarinā hādhā nasabā

62. Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.

قَالَ أَرَءَيۡتَ إِذۡ أَوَيۡنَآ إِلَى ٱلصَّخۡرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ ٱلۡحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيۡطَٰنُ أَنۡ أَذۡكُرَهُۥۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ عَجَبٗا ٦٣

Qāla ara'ayta idh awaynā ilas-sakhrati fa innī nasītul-hūta wamā ansānīhu illash-shaytānu an adhkurahū wattakhadha sabīlahū fil-bahri 'ajabā

63. (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!

قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبۡغِۚ فَٱرۡتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصٗا ٦٤

Qāla dhālika mā kunnā nabghi fartaddā 'alā āthārihimā qasasā

64. (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.

فَوَجَدَا عَبۡدٗا مِّنۡ عِبَادِنَآ ءَاتَيۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَا وَعَلَّمۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلۡمٗا ٦٥

Fawajadā 'abdam min 'ibādinā ātaynāhu rahmatam min 'indinā wa'allamnāhu mil ladunnā 'ilmā

65. Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi 15.

قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلۡ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمۡتَ رُشۡدٗا ٦٦

Qāla lahū mūsā hal attabi'uka 'alā an tu'allimani mimmā 'ullimta rushdā

66. Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.

قَالَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا ٦٧

Qāla innaka lan tastatī'a ma'iya sabrā

67. (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.

وَكَيۡفَ تَصۡبِرُ عَلَىٰ مَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ خُبۡرٗا ٦٨

Wakayfa tasbiru 'alā mā lam tuhit bihī khubrā

68. Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?

قَالَ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ صَابِرٗا وَلَآ أَعۡصِي لَكَ أَمۡرٗا ٦٩

Qāla satajidunī in shā'allāhu sābiran walā a'sī laka amrā

69. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.

قَالَ فَإِنِ ٱتَّبَعۡتَنِي فَلَا تَسۡـَٔلۡنِي عَن شَيۡءٍ حَتَّىٰٓ أُحۡدِثَ لَكَ مِنۡهُ ذِكۡرٗا ٧٠

Qāla fa init-taba'tanī falā tas'alnī 'an shay'in hattā uhditha laka minhu dhikrā

70. (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا رَكِبَا فِي ٱلسَّفِينَةِ خَرَقَهَاۖ قَالَ أَخَرَقۡتَهَا لِتُغۡرِقَ أَهۡلَهَا لَقَدۡ جِئۡتَ شَيۡـًٔا إِمۡرٗا ٧١

Fantalaqā hattā idhā rakibā fis-safīnati kharaqahā qāla akharaqtahā litughriqa ahlahā laqad ji'ta shay'an imrā

71. Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.

قَالَ أَلَمۡ أَقُلۡ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا ٧٢

Qāla alam aqul innaka lan tastatī'a ma'iya sabrā

72.Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?

قَالَ لَا تُؤَاخِذۡنِي بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرۡهِقۡنِي مِنۡ أَمۡرِي عُسۡرٗا ٧٣

Qāla lā tu'ākhidhnī bimā nasītu walā turhiqnī min amrī 'usrā

73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo 16, hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَا لَقِيَا غُلَٰمٗا فَقَتَلَهُۥ قَالَ أَقَتَلۡتَ نَفۡسٗا زَكِيَّةَۢ بِغَيۡرِ نَفۡسٖ لَّقَدۡ جِئۡتَ شَيۡـٔٗا نُّكۡرٗا ٧٤

Fantalaqā hattā idhā laqiyā ghulāman faqatalahū qāla aqatalta nafsan zakiyyata bighayri nafsil laqad ji'ta shay'an nnukrā

74. Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.

۞ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا ٧٥

Qāla alam aqul laka innaka lan tastatī'a ma'iya sabrā

75. (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan:Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?

قَالَ إِن سَأَلۡتُكَ عَن شَيۡءِۭ بَعۡدَهَا فَلَا تُصَٰحِبۡنِيۖ قَدۡ بَلَغۡتَ مِن لَّدُنِّي عُذۡرٗا ٧٦

Qāla in sa'altuka 'an shay'i ba'dahā falā tusāhibnī qad balaghta mil ladunnī 'udhrā

76. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga.

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهۡلَ قَرۡيَةٍ ٱسۡتَطۡعَمَآ أَهۡلَهَا فَأَبَوۡاْ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارٗا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥۖ قَالَ لَوۡ شِئۡتَ لَتَّخَذۡتَ عَلَيۡهِ أَجۡرٗا ٧٧

Fantalaqā hattā idhā atayā ahla qaryatinistat'amā ahlahā fa abaw an yudayyifūhumā fawajadā fīhā jidāran yurīdu an yanqadda fa aqāmahū qāla law shi'ta lattakhadhta 'alayhi ajrā

77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan 17; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.

قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيۡنِي وَبَيۡنِكَۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأۡوِيلِ مَا لَمۡ تَسۡتَطِع عَّلَيۡهِ صَبۡرًا ٧٨

Qāla hādhā firāqu baynī wabaynika sa'unabbi'uka bita'wīli mā lam tastati' 'alayhi sabrā

78. (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday.

أَمَّا ٱلسَّفِينَةُ فَكَانَتۡ لِمَسَٰكِينَ يَعۡمَلُونَ فِي ٱلۡبَحۡرِ فَأَرَدتُّ أَنۡ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَآءَهُم مَّلِكٞ يَأۡخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصۡبٗا ٧٩

Ammas-safīnatu fakānat limasākīna ya'malūna fil-bahri fa arattu an a'ībahā wakāna warā'ahum malikun ya'khudhu kulla safīnatin ghasbā

79. Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab.

وَأَمَّا ٱلۡغُلَٰمُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤۡمِنَيۡنِ فَخَشِينَآ أَن يُرۡهِقَهُمَا طُغۡيَٰنٗا وَكُفۡرٗا ٨٠

Wa ammal-ghulāmu fakāna abawāhu mu'minayni fakhashīnā an yurhiqahumā tughyānan wakufrā

80. Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac.

فَأَرَدۡنَآ أَن يُبۡدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيۡرٗا مِّنۡهُ زَكَوٰةٗ وَأَقۡرَبَ رُحۡمٗا ٨١

Fa aradnā an yubdilahumā rabbuhumā khayram minhu zakawātan wa aqraba ruhmā

81. Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow.

وَأَمَّا ٱلۡجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَٰمَيۡنِ يَتِيمَيۡنِ فِي ٱلۡمَدِينَةِ وَكَانَ تَحۡتَهُۥ كَنزٞ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَٰلِحٗا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبۡلُغَآ أَشُدَّهُمَا وَيَسۡتَخۡرِجَا كَنزَهُمَا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ وَمَا فَعَلۡتُهُۥ عَنۡ أَمۡرِيۚ ذَٰلِكَ تَأۡوِيلُ مَا لَمۡ تَسۡطِع عَّلَيۡهِ صَبۡرٗا ٨٢

Wa ammal-jidāru fakāna lighulāmayni yatīmayni fil-madīnati wakāna tahtahū kanzul lahumā wakāna abūhumā sālihan fa arāda rabbuka an yablughā ashuddahumā wayastakhrijā kanzahumā rahmatam mir rabbika wamā fa'altuhū 'an amrī dhālika ta'wīlu mā lam tasti' 'alayhi sabrā

82. Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa; kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday.

وَيَسۡـَٔلُونَكَ عَن ذِي ٱلۡقَرۡنَيۡنِۖ قُلۡ سَأَتۡلُواْ عَلَيۡكُم مِّنۡهُ ذِكۡرًا ٨٣

Wayas'alūnaka 'an dhil-qarnayni qul sa'atlū 'alaykum minhu dhikrā

83. Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga.

إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَءَاتَيۡنَٰهُ مِن كُلِّ شَيۡءٖ سَبَبٗا ٨٤

Innā makkannā lahū fil-ardi wa ātaynāhu min kulli shay'in sababā

84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab (cilmi).

فَأَتۡبَعَ سَبَبًا ٨٥

Fa atba'a sababā

85. Wuxuu raacay waddo.

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَغۡرِبَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَغۡرُبُ فِي عَيۡنٍ حَمِئَةٖ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوۡمٗاۖ قُلۡنَا يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِمَّآ أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّآ أَن تَتَّخِذَ فِيهِمۡ حُسۡنٗا ٨٦

Hattā idhā balagha maghribash-shamsi wajadahā taghrubu fī 'aynin hami'atin wawajada 'indahā qawman qulnā yādhal-qarnayni immā an tu'addhiba wa immā an tattakhidha fīhim husnā

86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah 18, oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).

قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوۡفَ نُعَذِّبُهُۥ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِۦ فَيُعَذِّبُهُۥ عَذَابٗا نُّكۡرٗا ٨٧

Qāla ammā man zalama fasawfa nu'addhibuhū thumma yuraddu ilā rabbihī fayu'addhibuhū 'adhāban nukrā

87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba' 19, waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.

وَأَمَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُۥ جَزَآءً ٱلۡحُسۡنَىٰۖ وَسَنَقُولُ لَهُۥ مِنۡ أَمۡرِنَا يُسۡرٗا ٨٨

Wa ammā man āmana wa'amila sālihan falahū jazā'anil-husnā wasanaqūlu lahū min amrinā yusrā

88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.

ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا ٨٩

Thumma atba'a sababā

89. Markaasuu raacay waddo (kale),

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ مَطۡلِعَ ٱلشَّمۡسِ وَجَدَهَا تَطۡلُعُ عَلَىٰ قَوۡمٖ لَّمۡ نَجۡعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتۡرٗا ٩٠

Hattā idhā balagha matli'ash-shamsi wajadahā tatlu'u 'alā qawmil lam naj'al lahum min dūnihā sitrā

90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan 20.

كَذَٰلِكَۖ وَقَدۡ أَحَطۡنَا بِمَا لَدَيۡهِ خُبۡرٗا ٩١

Kadhālika waqad ahatnā bimā ladayhi khubrā

91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.

ثُمَّ أَتۡبَعَ سَبَبًا ٩٢

Thumma atba'a sababā

92. Markaasuu raacay waddo (kale),

حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ بَيۡنَ ٱلسَّدَّيۡنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوۡمٗا لَّا يَكَادُونَ يَفۡقَهُونَ قَوۡلٗا ٩٣

Hattā idhā balagha baynas-saddayni wajada min dūnihimā qawmal lā yakādūna yafqahūna qawlā

93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba 21.

قَالُواْ يَٰذَا ٱلۡقَرۡنَيۡنِ إِنَّ يَأۡجُوجَ وَمَأۡجُوجَ مُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَهَلۡ نَجۡعَلُ لَكَ خَرۡجًا عَلَىٰٓ أَن تَجۡعَلَ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَهُمۡ سَدّٗا ٩٤

Qālū yādhal-qarnayni inna ya'jūja wama'jūja mufsidūna fil-ardi fahal naj'alu laka kharjan 'alā an taj'ala baynanā wabaynahum saddā

94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug 22 ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?

قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيۡرٞ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجۡعَلۡ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَهُمۡ رَدۡمًا ٩٥

Qāla mā makkannī fīhi rabbī khayrun fa a'īnūnī biquwwatin aj'al baynakum wabaynahum radmā

95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.

ءَاتُونِي زُبَرَ ٱلۡحَدِيدِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا سَاوَىٰ بَيۡنَ ٱلصَّدَفَيۡنِ قَالَ ٱنفُخُواْۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَعَلَهُۥ نَارٗا قَالَ ءَاتُونِيٓ أُفۡرِغۡ عَلَيۡهِ قِطۡرٗا ٩٦

Ātūnī zubaral-hadīdi hattā idhā sāwā baynas-sadafayni qālanfukhū hattā idhā ja'alahū nāran qāla ātūnī ufrigh 'alayhi qitrā

96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.

فَمَا ٱسۡطَٰعُوٓاْ أَن يَظۡهَرُوهُ وَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ لَهُۥ نَقۡبٗا ٩٧

Famastā'ū an yazharūhu wamastatā'ū lahū naqbā

97. Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.

قَالَ هَٰذَا رَحۡمَةٞ مِّن رَّبِّيۖ فَإِذَا جَآءَ وَعۡدُ رَبِّي جَعَلَهُۥ دَكَّآءَۖ وَكَانَ وَعۡدُ رَبِّي حَقّٗا ٩٨

Qāla hādhā rahmatum mir rabbī fa idhā jā'a wa'du rabbī ja'alahū dakkā'a wakāna wa'du rabbī haqqā

98. (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigay xaq weeye.

۞ وَتَرَكۡنَا بَعۡضَهُمۡ يَوۡمَئِذٖ يَمُوجُ فِي بَعۡضٖۖ وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَجَمَعۡنَٰهُمۡ جَمۡعٗا ٩٩

Wataraknā ba'dahum yawma'idhin yamūju fī ba'din wanufikha fis-sūri fajama'nāhum jam'ā

99.Waxaan u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale. Waxaa la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan 23.

وَعَرَضۡنَا جَهَنَّمَ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡكَٰفِرِينَ عَرۡضًا ١٠٠

Wa'aradnā jahannama yawma'idhil lil-kāfirīna 'ardā

100. Waxaan u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig.

ٱلَّذِينَ كَانَتۡ أَعۡيُنُهُمۡ فِي غِطَآءٍ عَن ذِكۡرِي وَكَانُواْ لَا يَسۡتَطِيعُونَ سَمۡعًا ١٠١

Alladhīna kānat a'yunuhum fī ghitā'in 'an dhikrī wakānū lā yastatī'ūna sam'ā

101. Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada 24, ee aan kari jirin inay maqlaan.

أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَن يَتَّخِذُواْ عِبَادِي مِن دُونِيٓ أَوۡلِيَآءَۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ نُزُلٗا ١٠٢

Afahasibal-ladhīna kafarū an yattakhidhū 'ibādī min dūnī awliyā'a innā a'tadnā jahannama lil-kāfirīna nuzulā

102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.

قُلۡ هَلۡ نُنَبِّئُكُم بِٱلۡأَخۡسَرِينَ أَعۡمَٰلًا ١٠٣

Qul hal nunabbi'ukum bil-akhsarīna a'mālā

103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?

ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعۡيُهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ يُحۡسِنُونَ صُنۡعًا ١٠٤

Alladhīna dalla sa'yuhum fil-hayawātid-dunyā wahum yahsabūna annahum yuhsinūna sun'ā

104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَلَا نُقِيمُ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَزۡنٗا ١٠٥

Ulā'ikal-ladhīna kafarū bi'āyāti rabbihim waliqā'ihī fahabitat a'māluhum falā nuqīmu lahum yawmal-qiyāmati waznā

105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa 25. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.

ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمۡ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُواْ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَرُسُلِي هُزُوًا ١٠٦

Dhālika jazā'uhum jahannamu bimā kafarū wattakhadhū āyātī warusulī huzuwā

106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتۡ لَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلۡفِرۡدَوۡسِ نُزُلًا ١٠٧

Innal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti kānat lahum jannātul-firdawsi nuzulā

107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws 26 degitaan (marti qaad) ahaan.

خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبۡغُونَ عَنۡهَا حِوَلٗا ١٠٨

Khālidīna fīhā lā yabghūna 'anhā hiwalā

108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).

قُل لَّوۡ كَانَ ٱلۡبَحۡرُ مِدَادٗا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّي لَنَفِدَ ٱلۡبَحۡرُ قَبۡلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّي وَلَوۡ جِئۡنَا بِمِثۡلِهِۦ مَدَدٗا ١٠٩

Qul law kānal-bahru midādal likalimāti rabbī lanafidal-bahru qabla an tanfada kalimātu rabbī walaw ji'nā bimithlihī madadā

109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay 27, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.

قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَمَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلۡيَعۡمَلۡ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَلَا يُشۡرِكۡ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدَۢا ١١٠

Qul innamā ana basharum mithlukum yūhā ilayya annamā ilāhukum ilāhun wāhidun faman kāna yarjū liqā'a rabbihī falya'mal 'amalan sālihan walā yushrik bi'ibādati rabbihī ahadā

110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Kahf?

Suuradda Al-Kahf waxay leedahay 110 aayadood. Waa suuradda 18 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Kahf ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Kahf waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Kahf juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Kahf waxay ku jirtaa juz' 15, 16.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Kahf?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.