ٱلَّذِينَ كَانَتۡ أَعۡيُنُهُمۡ فِي غِطَآءٍ عَن ذِكۡرِي وَكَانُواْ لَا يَسۡتَطِيعُونَ سَمۡعًا ١٠١
Alladhīna kānat a'yunuhum fī ghitā'in 'an dhikrī wakānū lā yastatī'ūna sam'ā
101. Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada 24, ee aan kari jirin inay maqlaan.
Faallooyin hoose
24. Waa Calaamooyinka Alle, ama Qur’aanka.
أَفَحَسِبَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَن يَتَّخِذُواْ عِبَادِي مِن دُونِيٓ أَوۡلِيَآءَۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ نُزُلٗا ١٠٢
Afahasibal-ladhīna kafarū an yattakhidhū 'ibādī min dūnī awliyā'a innā a'tadnā jahannama lil-kāfirīna nuzulā
102. Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.
قُلۡ هَلۡ نُنَبِّئُكُم بِٱلۡأَخۡسَرِينَ أَعۡمَٰلًا ١٠٣
Qul hal nunabbi'ukum bil-akhsarīna a'mālā
103. Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?
ٱلَّذِينَ ضَلَّ سَعۡيُهُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُمۡ يَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ يُحۡسِنُونَ صُنۡعًا ١٠٤
Alladhīna dalla sa'yuhum fil-hayawātid-dunyā wahum yahsabūna annahum yuhsinūna sun'ā
104. Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَلِقَآئِهِۦ فَحَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَلَا نُقِيمُ لَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَزۡنٗا ١٠٥
Ulā'ikal-ladhīna kafarū bi'āyāti rabbihim waliqā'ihī fahabitat a'māluhum falā nuqīmu lahum yawmal-qiyāmati waznā
105. Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa 25. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.
Faallooyin hoose
25. Waxay diidaan inay dhageystaan Qur’aanka ama fahmaan oo waxay beeniyaan Maalinta Dambe ‘Aakhirada’.
ذَٰلِكَ جَزَآؤُهُمۡ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُواْ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَرُسُلِي هُزُوًا ١٠٦
Dhālika jazā'uhum jahannamu bimā kafarū wattakhadhū āyātī warusulī huzuwā
106. Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَانَتۡ لَهُمۡ جَنَّٰتُ ٱلۡفِرۡدَوۡسِ نُزُلًا ١٠٧
Innal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti kānat lahum jannātul-firdawsi nuzulā
107. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws 26 degitaan (marti qaad) ahaan.
Faallooyin hoose
26. Al-Firdaws waa halka ugu sarreysa uguna fiican Jannada.
خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يَبۡغُونَ عَنۡهَا حِوَلٗا ١٠٨
Khālidīna fīhā lā yabghūna 'anhā hiwalā
108. Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).
قُل لَّوۡ كَانَ ٱلۡبَحۡرُ مِدَادٗا لِّكَلِمَٰتِ رَبِّي لَنَفِدَ ٱلۡبَحۡرُ قَبۡلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَٰتُ رَبِّي وَلَوۡ جِئۡنَا بِمِثۡلِهِۦ مَدَدٗا ١٠٩
Qul law kānal-bahru midādal likalimāti rabbī lanafidal-bahru qabla an tanfada kalimātu rabbī walaw ji'nā bimithlihī madadā
109. Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay 27, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.
Faallooyin hoose
27. Kelmedahaa waa amarrada Alle ee aan la soo koobi karin ama Kelmedaha sheegaya Tilmaamahiisa ama Ammaanahiisa.
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ فَمَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ رَبِّهِۦ فَلۡيَعۡمَلۡ عَمَلٗا صَٰلِحٗا وَلَا يُشۡرِكۡ بِعِبَادَةِ رَبِّهِۦٓ أَحَدَۢا ١١٠
Qul innamā ana basharum mithlukum yūhā ilayya annamā ilāhukum ilāhun wāhidun faman kāna yarjū liqā'a rabbihī falya'mal 'amalan sālihan walā yushrik bi'ibādati rabbihī ahadā
110. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah), ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.