Suuradda Al-Kahf, aayadda 21

18:21

وَكَذَٰلِكَ أَعۡثَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ لِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ لَا رَيۡبَ فِيهَآ إِذۡ يَتَنَٰزَعُونَ بَيۡنَهُمۡ أَمۡرَهُمۡۖ فَقَالُواْ ٱبۡنُواْ عَلَيۡهِم بُنۡيَٰنٗاۖ رَّبُّهُمۡ أَعۡلَمُ بِهِمۡۚ قَالَ ٱلَّذِينَ غَلَبُواْ عَلَىٰٓ أَمۡرِهِمۡ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيۡهِم مَّسۡجِدٗا ٢١

Wakadhālika a'tharnā 'alayhim liya'lamū anna wa'dallāhi haqqun wa annas-sā'ata lā rayba fīhā idh yatanāza'ūna baynahum amrahum faqālubnū 'alayhim bunyānar rabbuhum a'lamu bihim qālal-ladhīna ghalabū 'alā amrihim lanattakhidhanna 'alayhim masjidā

21. Sidaasaan uga yeellay 7 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin 8. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo 9; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga. Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.

Faallooyin hoose

7. Doonista Alle.

8. Waxay isku khilaafeen Maalinta Qiyaamaha inay dhaceyso iyo in kale? Ma waxaa la soo saari jirka iyo ruuxda oo isku dhan? Mise ruuxda keliya? Markaasuu Alle ka yeelay inay la kulmaan dhallinyaradan lagu xusay qisadan oo u caddeeyey in Qiyaamuhu iman oo la soo bixin doono jirka iyo ruuxda oo isku dhan.

9.Waxaan ka dhigi goobtan meel cibaado.