Suuradda Al-Kahf, aayadda 77

18:77

فَٱنطَلَقَا حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَيَآ أَهۡلَ قَرۡيَةٍ ٱسۡتَطۡعَمَآ أَهۡلَهَا فَأَبَوۡاْ أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارٗا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُۥۖ قَالَ لَوۡ شِئۡتَ لَتَّخَذۡتَ عَلَيۡهِ أَجۡرٗا ٧٧

Fantalaqā hattā idhā atayā ahla qaryatinistat'amā ahlahā fa abaw an yudayyifūhumā fawajadā fīhā jidāran yurīdu an yanqadda fa aqāmahū qāla law shi'ta lattakhadhta 'alayhi ajrā

77. Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan 17; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey. (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.

Faallooyin hoose

17. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu wanaajiyo martidiisa, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ka ilaaliyo dhib oo dhan jaarkiis, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo khayr ah ama iska aamuso. (W.w. Abuu Daawuud)