وَرَبَطۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ إِذۡ قَامُواْ فَقَالُواْ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَن نَّدۡعُوَاْ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهٗاۖ لَّقَدۡ قُلۡنَآ إِذٗا شَطَطًا ١٤
Warabatnā 'alā qulūbihim idh qāmū faqālū rabbunā rabbus-samāwāti wal-ardi lan nad'uwa min dūnihī ilāhal laqad qulnā idhan shatatā
14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda 4 samir (iyo iimaan), markay kaceen 5 oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.
Faallooyin hoose
4. Waxay dhexdooda iskula ballameen inaysan caabudin axad aan ahayn Allaah, Macbuudka Xaqa ah.
5. Inta abbaareen boqorkii Dikyanus ee daalim ahaa kibir badan.